Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukuno ku riday Rag ka tirsan Shabaab
Maxakamadda Ciidanka Qalabka sida qeybta 21 aad eedowladda Soomaaliya ayaa xukuno kala duwan waxaa ay ku riday rag lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa Cabdi Ciise Shabeel,Cali Saalax Cabdulaahi iyo Sakariye Maxamuud Axmed oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab waxaa ay ku xukuntay sanado xabsi ah.
Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee gobolka Hiiraan Cabdicasiis Caballa Xasan ayaa ku dhawaaqay xukunada lagu riday dadka lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Waxaana uu sheegay in dhammaatood ay qirtay in ay Shabaab yihiin.
Sidoo kale ragga lagu riday Xukunka ayaa waxaa ku jira nin horay Al-Shabaab uga soo goostay oo ka tirsanaa ciidanka Nabad suggida ka dibna dib ugu laabtay Al-Shabaab.