Madaxweynaha Turkiga oo booqasho ku joogga Caasimadda Tanzania (Daawo Sawirada)

0
Tuesday January 24, 2017 - 10:54:00 in Wararka by
  • Visits: 488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Turkiga oo booqasho ku joogga Caasimadda Tanzania (Daawo Sawirada)

    Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan oo maalintii labaad booqasho ku joogga Wadanka Tanzania, ayaa Isniintii Magaalada Dar es Salaam kula kulmay Madaxweyne John Magufuli.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan oo maalintii labaad booqasho ku joogga Wadanka Tanzania, ayaa Isniintii Magaalada Dar es Salaam kula kulmay Madaxweyne John Magufuli.

Madaxweynaha Turkiga, ayaa waxaa Tanzania kaga bilowday socdaal rasmi ah oo uu ku marayo Qaaradda Afrika, iyadoona Tanzaniba ka dib lagu wado in uu booqdo Mozambique iyo Madagascar.

Madaxweynaha Turkiga, ayaa wuxuu Tanzania u jooggaa iskaashi ganacsi oo dhex mara Turkiga iyo Tanzania. Sidoo kale Xukuumadda Ankara, ayaa muddooyinkii ugu dambeysay waxaa ay waday olole xoog leh oo la xiriira, sidii Wadamada Afria ay u xiri lahaayen goobaha waxbarasho ee xiriirka la leh Wadaadka Fethullah Gülen, kaasoo uu Turkigu ku eedeeyay in uu soo abaabulay afgembigii fashilmay ee 15-kii bishii July ka dhacay dalkaasi.

Waxaa Tanzania ku yaala 11 iskuul/dugsi oo hoos-tagga Fethullah Gülen, waxaana loo maleynaya in Madaxweynaha Turkiga uu dhigiisa Tanzania si dhow ugala hadlay, sidii albaabada loogu laabi lahaa iskuuladaasi amaba loogu soo wareejin lahaa dowladiisa.

Labada Madaxweyne oo Isniintii ka hadlaayay Madaxtooyada Dar es Salaam, ayaynaan ku soo hadal qaadin arrintaasi, marka laga reebo in ay ka wada hadleen, sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ganacsi ee labada dal.

Madaxweyne Erdogan, ayaa waxaa la tilmaamaa mid daneynaya in xiriir wanaagsani uu la yeesho Wadamada Afrika, si uu labada dhinacba uga faa’iideeyo khayraadka buuxa Afrika.

Dar es SalaamDar es Salaam1Dar es Salaam2Dar es Salaam3Dar es Salaam4Dar es Salaam5Dar es Salaam6Dar es Salaam7Dar es Salaam8




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip