WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 24-KA JANNAAYO 2017-KA

1
Tuesday January 24, 2017 - 10:17:37 in Wararka by
  • Visits: 592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 24-KA JANNAAYO 2017-KA

    MARK RUTTE: DADKA AAN JECLAYN DHAQ-ANKEENA HAKA GUURAAN WADDANKA.. Ra'iisalwasaaraha Holland ayaa shee-gay in dadka aan jeclayn inay ku noolaadaan Holland ay ka tagaan waddanka. Waraysi uu siiyay wargays dalka Holland ayuu u sheegay inay t

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MARK RUTTE: DADKA AAN JECLAYN DHAQ-ANKEENA HAKA GUURAAN WADDANKA.. Ra'iisalwasaaraha Holland ayaa shee-gay in dadka aan jeclayn inay ku noolaadaan Holland ay ka tagaan waddanka. Waraysi uu siiyay wargays dalka Holland ayuu u sheegay inay tahay wax lala yaabo in dadka qaar ay diideen inay dumarka salaamaan.

Dadka soo galay dhawaan waddanka oo isku dayaya inay dhaqankooda dadka ku qasbaan ayaa ah wax laga caroodo ayuu yiri, isagoo sheegay in dadka reer Holland ay dareemayaan in wadd ankooda uu ka baxayo gacantooda.

Hadalkan ayaa yimid iyadoo fikradaha dadka laga soo arruuriyay ay muujinayso in xisbiga xoriyadda ( Freedem Party) ee islaamka ka soo horjeeda, uu yahay xisbiga ugu taageero badan. Doorashada guud ee waddanka ayaa dhacaysa bisha Maarso.

QARAX KA DHACAY MUQDISHO.

Wararka hada naga soo gaaraya degmada Waabari ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in shalay qarax uu ka dhacay nawaaxiga Shaneemo Soomaaliya degmada Waabari ee gobalka Ba naadir.

Gari nuuca raaxada ah ayaa la sheegay in uu ku qarxay dhabarka dambe ee Shaneemo So omaliya,goob jogayaal ayaa shegay in gaariga qarxay uu ku jiray Baakin hase,ahaatee lama shee gin cid wax ku noqotay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Dalsan in gaariga qarxay uu lahaa Sarga al ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya waxaana la xaqiijiyay in uu san ku jirin gaariga xilaga uu qar xay.

Ma jirto cid wax ku noqotay lkn waxa gebi ahaanba burburay gaariga oo nuuciisu uu ahaa Aali yoon sida ay noo shegeen goobjoogayaal aan la hadalnay.

ODAWAA OO KU FASHILMAY KALA FUR FURIDA XILDHIBAANADII XILKA KA QAADAY C/KARIIN GUULEED

C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa ku fashilmay kala fur furida Xildhibaanadii xilka ka qaaday C/kariin Xuseen Guuleed Madax weynaha Maamulka Galmudug.

Odawaa oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Cadaado, ayaa isaga iyo Xildhibaano kale oo deegaanka ah waxa ay isku dayayeen inay kala fur furaan Xildhibaanada iyaga oo adeeg sanaya dhaqaale iyo balan qaadyo ku aadan xilal Siyaasadeed.

Kulan daraad ka dhacay Magaalada Cadaado oo C/raxmaan Odawaa uu la qaatay qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug, ayaa wuxuu kala kulmay waji gabax, ka dib markii Xildhibaanada ay diideen inay ka tanaasulaan go’aankii ay xilka uga qaadeen C/kariin.

Odawaa oo saaxiibo dhaw ay yihiin C/kariin Xuseen Guuleed ayaa doonaya in saaxiibkiis aan an laga saarin saaxada Siyaasada Somaliya, inkastoo C/kariin uu si cad ugu fashilmay hogaaminta Maamulka Goboledka Somaliyed ee Galmudug.

Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle oo ka mid ah Xubnaha xilka ka qaaday C/kariin Guuleed ayaa sheegay in Odawaa uu doonaayo inuu laaluusho Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Gal mudug, balse arintaasi ay u socon weyday.

Sidoo kale Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, ayaa dhinaciisa isku dayaya Xildhibaanada ay isku haybta yihiin ee ku jira kuwii xilka ka qaaday Guuleed inuu laaluusho.

Carabey ayaa kulan qado ah ugu yeeray Xildhibaanada Beeshiisa ee C/kariin ka soo horje eda wuxuuna u sheegay inay ka noqdaan aragtida ay xilka uga qaadeen Guuleed, balse arintaasi waa ay ka soo horjeesteen Xildhibaanada.

Sida muuqata Xildhibaanada Galmudug oo ka duulaya shaqo xumida Guuleed, waxa ay ku adkeysteen go’aankii ay xilka uga tuureen, kaasi oo waafaqsan Dastuurka Maamulka Galmudug.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ku fashilmay Maamulka Galmudug, wuxuuna shaqadiisa ka dhigtay inuu u olaleeyo Musharax Xasan Sheekh Maxamuud.

BOLISKA KENYA OO WELI BAARAYO QOF RAKAAB AH OO DHAWAAN LAGA WAAYEY DIYAARAD KU DEGTAY WAJEER.

Boliska Kenya ayaa weli ku raadjooga sidii lagu heli lahaa Nin ka mid ahaa Rakaabka Diya arad ka ambabaxday Muqdisho oo isbuucii hore Transit ahaan ugu degtay Garoonka Diyaaradaha Wajeer ee W/bari ee dalkaasi.

Boliska waxay sheegeen inay weli socdaan Baaritaanka Ninkaasi, iyadoo ay Dadka Deegaan ka sheegeen inay tuhunsan yihiin in Ninka la waayey ahaa Dembiile.

Boliska waxay u adeegsadeen Eeyaha wax uriya si loo baadigoobo Ninka Rakaabka ee la waayey, kaasi oo Garoonka kaga degay Shandadii uu watay.

Hadal haynta Ninka Rakaabka ee lagu waayey Garoonka Wajeer ayaa isbuucii hore si xawli ah loogu faafiyey qaar ka mid ah Warbaahinadda Maxaliga ee Somalia iyo Baraha Bulshadda ay ku wada xiriiraan.

Wasiiru dowlayaashii Caafimaadka iyo Madaxtooyadda ee XFS ee uu xilligeedu dhamaaday, Cusmaan Cabdi Daallo iyo Mahad Salaad oo ka mid ahaa Rakaabkii la socday Diyaaradaasi ayaa sheegay in Rakaabka lagu khasbay inay dhowr jeer ka soo degaan Diyaaradda, lana baaro, iyadoo la qaaday tallaabo kasta oo dhinaca Ammaanka oo lagu raadinayey Ninka ka midka ahaa Rakabka ee la waayey.Si kastaba ha ahaatee, Garoonka Wajeer waxaa inta badan ku dega, laguna baaraa Rakaabka iyo Diyaaradaha ka yimaada Somalia, ka hor inta aan loo fasixin safarka ay ugu socdeen magaalladda Nairobi.

TRUMP OO RA’IISUL WASAARAHA YUHUUDA KU CASUUMAY AQALKA CAD

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa Ra’iisul wasaaraha Israel ku casu umay magaalada Washington, bisha soo socota, si ay kulan ugu qaataan aqalka cad, waxaana had alkaani uu yimid kadib markii Labada mas’uul ay ku wada xiriireen qadka Taleefanka.

Hadal kasoo baxay Aqalka cad ayaa waxa uu ku sheegay Madaxweyne Trump inay waajib ku tahay inuu ilaaliyo amniga Israel, waxa uuna Natanyahu uu ku raacay in la sii wado wada xaajoodka arrimaha ku saabsan bariga dhexe iyo hanjabaadaha dhanka Iran oo ku saabsan inay sameysanayso Nuclear.

Madaxweyne Trump ayaa carabka ku adkeeyay in nabad gelyada u dhaxeysa Israel iyo Falastiin ay ku ima an karto oo kaliya inay si toos ah ay u wada hadlaan Lab ada dhinac.

Dhanka kale, Ra’iiul wasaaraha Israel ayaa warsa xaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay in isaga iyo madaxweynaha cusub ee Maraykanka ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa nabad galyada iyo ammanka bariga dhexe, waxaa intaas sii dheer in ay soo hadal qaadaan heshiiska dhanka Nuclearka ee Iran iyo sida ay u socoto geeddi socodka na badgalyada gobolka.

Hadalkaan ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo uu madaxweyne Trump uu doonayo in la fuliyo heshiiskii ahaa in safaaradda Washington ay ku leedahay magaalada Talaabiib in loo raro magaa lada Qudus.

MADAXWEYNE ERDOGAN OO BOOQASHO KU MARAYO DALKA TANZANIA.

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan iyo Wafdi ballaaran oo Ganacsato ah ay aa shalay u bilaabantay booqasho ay ku soo kala bixiyaan dalalka Tanzania, Mosambiik iyo Mada gaskar.

Madaxweynuhu waxa lagu wadaa inuu Kulamo la qaato Madaxda dalalkaasi oo uu kala had layo dhinacyadda Ammaanka, Ganacsiga, Cabsida dhinaca Ammaanka iyo sidii loo xiri lahaa Xar umaha W/barasho ee uu maalgaliyo Fatxullaahi Gulen oo lagu eedeeyo inuu ka dambeeyey Afgem bigii Fashilmay ee ka dhacay Turkiga bartamihii bise sannadkii hore.

Madaxweynaha Turkiga waxa uu shalay booqasho ku tegay dalka Tanzania, isaoo kulamo la leh Madaxda dalkaasi.

Madaxweyne Erdogan iyo dhigiisa dalka Tanzania, John Magufuli ayaa kulan ku yeeshay caasimadda dalkaasi ee Dar es salaam, waxaana la filayaa Labada Madaxweyne inay kala saaxiixd aan 7 Heshiis ee dhinaca Iskaashiga Labada Waddan.

Madaxweyne Erdogan waxa kale oo Madaxda Tanzania ku qancin doonaa in la xiro Dugsiyad da uu maalgeliyo Fatxullaahi Gulen oo ah Hoggaamiyihii ka dambeeyey Afgembigii Fashilmay ee bartamihii sannadkii hore ka dhacay Turkiga.

Waddanka Tanzania waxaa ku yaalla 11 Dugsi oo uu maalgeliyo Hay’adda Fatxullahi Gulen, waxaana Dugsiyadaasi dhigta arday tiradoodu dhan tahay 3,000 oo kala bar ah Arday Muslimiin ah.

Bishan Janaayo 9dii, waxa uu Madaxweyne Erdogan sheegay in Hay’adda Fatxullahi Gulen haatan maamulaan Dugsiyo ku yaalla 115Waddan, inkastoo 6 dal oo Afrikaan oo ay Somalia ka mid tahay Maamulka Dugsiydaasi ku wareejiyeen Dowladda Turkiga.

GUDIGA DOORASHADA MADAXWEYNAHA OO MAANTA LAGU DHAWAAQAYO

Kadib kulan shalay magaalada Muqdisho ay ku yeesheen guddoonka labada aqal ee Soomaa liya ayaa looga wada hadalay arimo la xiriira doorashada madaxweynaha oo marar badan oo hore dib u dhac ku yimid.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cismaan Jawaari ayaa xafiiskiisa ku qaabilay guddoonka aqalka sare ee maalintii daraad la doortay iyaga oo ka wada hadlay arimo la xir iira doorashada madaxweynaha iyo go’aan ka gaarista guddiga qabanqaabada doorashada oo lab ada aqal wada jir uga arinsanayaan.

Guddoonka labada aqal ayaa ugu danbeyntii isku afgartay in maalinta berri ah kulanka baa rlamaanka lagu dhiso guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha, kuwaa oo soo saari doona jadwalka doorashada iyo waqtiga kama danbeysta ah oo ay doorashada dhici doonto.

Ugu danbeyntii, war ka soo baxay beesha caalamka ayaa looga dalbaday guddoonka labada aqal in ay dadajiyaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo dib u dhac mudo dheer ah ku yimid.

DAGAALKII AFGOOYE OO XOOGEYSTAY IYO ALSHABAAB OO LA WAREEGAY QEYBO KA MID AH DEGMADA

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya degmada Afgooye ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Alshaba ab la wareegeen xaafado ka tirsan degmada, kadib dagaal cul us oo shalay halkaa ka dhacay.

Goob joogayaalayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Al-shabaab dhowr jiho ka soo weerareen degmada kadibna u suurtagashay in ay soo galaan xaafadaha qaarkood oo ilaa iyo hada lagu waramayo in ay ku sugan yihiin.

Dadka rayidka ah ayaa guryahooda ku xayiran, waxaana mar marka qaar la maqlayaa rasaas goos goos ah oo ay isweydaarsanayaan dhinacyada iska soo horjeeda, iyadoo dadka ay ka cabsi qabaan in dagaalku sii socdo madaama Alshabaab ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Afgooye.

Ma jiro ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Afgooye oo la xiriira dagaal ka socda degmada.

Cabsida ugu weyn ee dadka la soo daristay ayaa ah in dhinacyada iska soo horjeeda gudaha degmada isku weydaarsadaan madaafiic laga yaabo in ay wax yeelo ka soo gaarto dadka rayidka ah.

Wixii warar ah ee ka soo kordha xaalada degmada Afgooye waan idin soo gudbin doonnaa…

CIIDAMADA AHLUSUNNA OO GACANTA KU DHIGEY NIN LAGU EEDEEYEY INUU DILAY QOF SHACAB AH

Howlgal ay ciidamada Ahlusunna Waljameeca ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud waxay kusoo qabteen nin la sheegay in 18kii bishan uu deegaan ku dhow degmada Burtinle ku diley nin shacab ah.

Eedeysanahan oo lagu magicaabo Xuseen Ibraahim Yuusuf, ayaa isaga oo gacmaha ka xiran waxaa soo gaarsiiyey degmada Dhuusamareeb ciidamada Ahlusunna, waxaana la dhigay xabsiga nabad sugidda ee degmadaasi.

Cabdinuur oo ah afhayeenka maamulka gobollada dhexe oo saxaafadda la hadlay ayaa shee gay in ninkan ay soo qabteen ay marin doonaan cadaaladda.

"Ninkaan 18kii bishan wuxuu nin la yiraahdo C/risaaq C/laahi ku diley deegaan ka tirsan gobol ka Nugaal, kuna dhow degmada Burtinle, ciidamada maamulka gobollada dhexe ayaa howlgal ay sameyeen kadib soo qabtay ninkaasi” ayuu yiri Afhayeenka.

Ciidamada Ahlusunna ayaa marar badan howlgallo sidan oo kale ah ay sameeyeen waxay ku soo qabteen dad la sheegay inay dad kale dileen.

HANTIDHOWRKA GUUD "HANTIDA DOWLADDA LAMA HIBEYN KARO LAMANA IIBIN KARO”

Hantidhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News, ayaa ka digey in la hibeeyo ama dad laga iibiyo hantida guud ee Qaranka, isaga oo sheegay in il ga ar ah ay ku hayaan in arrintaasi ay dhacdo.

Dr. Nuur ayaa sheegay iney ka digayaan in madaxda dowladda in dhulka hantida Qaranka ah laga saaro dantii guud misane siyaasad loo isticmaalo waa sida uu hadalka u dhigaye.

"Annagu waxaan ilaalinnaa hantida Guurtada iyo midda ma guurtada ah ee dowladda, waxa ana ku ilaalinaa nidaam, nidaamkaasina waxa weeye inaan waxa hanti ah ee la kireynayo ama qof la siinayo inaan dadna lasiin karin, loo hibeyn karin lagana iibin karin, hantida dowladda lama hib eyn karo lama kireyn karo, waxaan ka digeynaa madaxda in dhulka hantida qaran ah ee dhahaya waxaa laga saarey dantii guud oo siyaasad loo istcimaalayo, taana waan ka digeynaa oo dad gaar ah gooni loo siinayo, waxaan umadda Soomaaliyeed u sheegeynaa in annaga karaankayaga ah iyo dadaalkeena ah aan ilaalinno hantida qaranka”

Mar uu hantidhowrka guud ee Qaran soo hadal qaadey sida ay ula socdaan dhaq dhaqaaqya da dowladda ee dhanka maaliyadda qaranka ayuu sheegay in mar walbo ay eegaan buugaagta qa rash bixinta si ay u hubiyaan in miisaaniyadda ku jirto iyo in kale.

"Innagu waxaa nasoo mara bugaagta qarash bixinta ee loo isticmaalayo, buugaagtaanna wax aan ka eegnaa iney miisaaniyadda ku jirto iyo in kale, xilligaan xasaasiga ah ee bisha January 1deedii waxaan joojinnay inaan qarash la bixin karin illaa mooyee kan ciidamada iyo waxyaabaha yar yarka ah ee looga baxsan waayo in lagu shaqeeyo, ammarkaasi waa loo hoggaansamay weyna shaqeyneysaa hadda” ayuu yiri Dr. Nuur Faarax.

Ugu Dambeyn hantio dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax ayaa ka hadlay arrimaha do orashooyinka isaga oo sheegay in warbixin ay ka diyaariyeen doorashooyinkii ka dhacay maga alada Muqdisho iyo gobollada dalka haddii ay jiraan wax is dabomarin ah ama musuq ah.

LABO ASKARI OO KU GEERIYOOTEY QARAX KA DHACAY DEGMADA BUURHAAB EE BAAY

Warar dheeraad ah ayaa la helayaa qarax Miino oo shalay ka dhacay degmada Buurhakada ee gobolka Baay, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Qaraxan ayaa ahaa sida la sheegay Miino nooca dhulka lagu aaso oo ka qaraxday xarun ciid amada dowladda Federaalka Soomaaliya ku lahaayeen degmadaasi.

Inta La xaqiijiyey Labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka ayaa ku geeriyoot ey, Saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay inoo sheegeen Goob Joogayaal halkaasi ka dhowaa.

Miinadan ayaa ahayd sida la sheegay kuwa meelaha fog laga hago, waxaana qaraxa kadib ciidamadii halkaasi ku sugnaa ay kor u rideen rasaas badan.

DAROOGO 500 OO KG AH OO LAGU GUBAY JABUUTI

Xukumadda Djibouti ayaa shalay soo bandhigtay shixnad daroogada nooca Kokeynka loo yaq aan ah oo lagu qiyaasay inay ku kaceyso boqol milyan oo dollar.

Daroogadan oo ku jirtay jawaanno 500 kg ah, ayaa waxaa dhawaan lagu qabtay dekedda Dji bouti, waxaana shalay dab lagu qabadsiiyay meel fagaara ah.

Daroogada shalay la gubay ayaa markii la qabanayey waxaa lagu soo dhex qariyey kon teenaro ay ku jiraan jawaani sonkor ah oo laga soo raray dalka Brazil.

Daroogadan ayaa waxaa loo xiray ganacsade Jabuuti ah iyo rag u dashay dalka Brazil.

XILDHIBAANADA GALMUDUG OO LOO DIIDAY IN AY SHIRAAN

Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Dowlad Goboleedka Galm udug ayaa sheegaya in Shalay Kulan ay ku yeelan lahaayeen Magaalada Cadaado Xildhibaanada Galmudug loo diiday in ay yeeshaan.

Kulanka ayaa ka dhici lahaa Xarunta lagu Magacaabo Xero Midow oo Maalmihii dambe ay ku shirayeen Baarlamaanka Galmudug,waxaana la sheegay in ay diideen Maleeshiyo Hubeysan oo aan la Aqoon Cid ay ka amar qaataan.

Cadaado weli waxaa ka jira Khilaaf Siyaasadeed oo ka dhashay Xilka qaadistii lagu same yay C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Galmudug.

GABAR TOBAN JIR AH OO LA SHEEGAY IN AY U DHIMATAY KUFSI LOOGU GEYSTAY GAROWE

Mid kamid ah Hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Garowe ee Caasimadda Maamulka Puntland oo la hadashay Shalay Warbaahinta ayaa sheegatay in Gabar yar oo Toban jir ah islamarkaana ay Hooyo u tahay lagu Kufsaday Magaalada Garowe oo ay u dhimatay Kufsigii loo geystay.

Waxaa ay sheegtay Hooyada Soomaaliyeed in Gabadheeda uu kufsiga u geystay Macalinkii bari jiray Qur’aanka,waxaana ay Codsatay in Caddaaladda la horkeeno Ninka Gabadheeda Kufsiga u geystay.

SENATORADA MUSHARAXIINTA AH OO LOOGU BAAQAY IN AYSAN U TARTAMIN XILKA MADAXWEYNAHA

Senator Maxamed Xuseen Raage oo ahaa Gudoomiyihii KMG ahaa ee Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo wareysi siiyay Warbahinta ayaa sheegay in aysan habooneyn in xubnaha ka tirs an Aqalka sare ay isku soo sharaxaan xilka Madaxtinimo ee dalka iyo in ay raadiyaan xilal ay ka qabtaan golaha fulinta.

Maxamed Xuseen Raage ayaa tilmaamay in xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ay yihiin Odoyaashii Soomaaliya xalkeeda laga sugayay.

Waxa uu sheegay in howsha Senatorada ay ka weyn tahay arrimahaasi, loona baahan yahay in ay fursada siiyaan musharaxiinta kale ee aan hada heyn xilal kale.

Qaar kamid ah xubnaha Aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa xiligan u taagan qaba shada xilka Madaxweynanimo ee Soomaaliya iyadoo dhawaan la filayo in dalka ay ka dhacdo doora shada Madaxweynaha Soomaaliya.

TARSAN” MADAXWEYIHII LA DOORTO HA LAGA IIBSADO QABIILKIISA”

Mid ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo jeediyay tal adii ugu yaabka badneyd ee ku saabsan qofka noqda madaxweynaha Soomaaliya.

Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) ayaa qoraal uu dhigay bartiisa FB ku sheegay in si looga gud bo arrinta caadada noqotay ee ah qofkii madaxweynaha noqda inuu jufadiisa u xagliyo uu soo jeed iyay qofka madaxweyne loo doorto in laga iibsado qabiilkiisa oo la siiyo Diyo u dhiganta 100 Hal aad.

Halkaan Hoose ka Akhri Talada Tarsan. Waayahaan waxaana soo marey qof marka uu no qdo madaxweynaha dalka u maleeya inuu madaxweyne u yahay Jufadiisa iyo reerka uu ka soo jeedo, Taas waxey keentay in heyadihii dastuuriga ahaa uu ka wada dhigo hay’ado jufadiisu lee dahay.

Si arintaan soo noqnoqtey u dhicin waxaan soo jeedinayaa in marka madaxweyne cusub la doorto in dhaqan laga dhigo madaxweynahaas la doortey in laga gado qabiilkiisa oo la siiyo qabiilka uu ka dhashey diyadiisa oo ah 100 halaad oo geel ah halkaasna ay ku dhamaato in uu ka tirsan ya hay qabiil gaar oo uu noqdo nin u dhashey qaranka Somaaliyeed.

LAANTA SOCDAALKA SOOMAALIYA OO WAR KASOO SAARTAY QOF LA SHEEGAY IN LAGA WAAYAY DIYAARAD KU SOCOTAY NAIROBI

Laanta Socdaalka iyo Jindiyadaha Dowlada Soomaaliya ayaa ka hadashay qof la sheegay in dhawaan laga waayay Diyaarad rakaab oo kusii jeeday magaalada Nairobi xili diyaarada ay transit kusii mareysay garoonka Diyaaradaha Wajeer oo lagu sii baaro diyaaradaha Soomaaliya ka taga.

Booliiska magaalada Wajeer ayaa sheegay in ay baadi goob ugu jiraan qof rakaab ah oo laga waayay Diyaarada ku degtay Garoonka Diyaaradaha Wajeer, waxa ayna booliiska gacanta ku hayaan boorsada qofkaasi oon diyaarada wax ka raacin markii ay Muqdisho ka duuleysay

War kasoo baxay Laanta Socdaalka iyo Jindiyadaha Dowlada Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu Muqdisho joogo qof ay baadi goobayaan ciidamada amaanka Kenya, waxaana ruuxan la shee gay in laga reebay Diyaarada kusii jeeday dalka Kenya.

Ruuxa Somaaliga ah ee laga reebay Diyaarada kusii jeeday magaalada Nairobi ayaa la shee gay in lagu celiyay garoonka Aadan Cadde xili uu donayay inuu ka duulo ka dib markii laga shaki yay sax ahaanshiyaha viisaha uu watay.

Ciidanka Amaanka Kenya ayaa baadi goob ugu jiray mudio isbuuc ah ruuxan la sheegay in laga waayay Diyaarada Wajeer ku degtay, waxaana Diyaaradaasi ay la socdeen Wasiiro katirsan dowlada Somalia lagu xanibay mudo saacado ah Garoonka kadib markii la waayay qofka boorsa diisa diyaarada saarneed.

DUQEYN DIYAARADEED OO AY KU DHINTEEN 8 QOF OO LABO KA MID AH AY DUMAR YIHIIN

Ilaa iyo 8 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay duqeyn diyaaradaha dagaalka dalka Sucuudiga ay ka geysteen gobolada Sa’ada iyo Hudaydah ee dalka Yeman.

Dadka dhintay labo ka mid ah waa haween .

Diyaaradaha dagaalka dalka Sucuudiga ayaa beegsaday labo gaari oo ay saarnaayeen dad shacab ah oo maraayay degmada Maran ee dalka Yeman.Sidoo kale duqeynta ayaa waxaa ay burburisay goobo ganacsi iyo sidoo kale dhismayaal ku yaalla Hudaydah sida laga soo xiganayo dadka degaanka.

waxaa sidoo kale la duqeeyay garoonka diyaaradaha Sa’ada , waxaana ku dhintay halkaasi labo qof.

Duqeynta ay ka geysanayaan dalka Yeman diyaaradaha dagaalka Sucuudiga ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo shacab ah sida ay dhawaan sheegtay Qaramada Midoobey.

Xaalada dalka Yeman ayaa kasii dareysa maalinba maalinta ka dambeysa tan iyo markii 2015 ay khalalaaso ka bilowdeen dalkaasi.

PUNTLAND OO KA HORTIMID HADAL KASOO YEERAY MADAXWEYNE XASAN SHEEKH

Wasiirka Wasaarada Haweenka maamulka Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin oo shalay warbaahinta kula hadashay magaalada Gaalkacyo ayaa kasoo horjeesatay hadal kasoo ye eray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kasoo ahaa in Magaalada Muqdisho loo soo qaado gabadhii lagu kufsaday degmada Goldob ee gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa sheegtay in maamulka Puntland ay ku filan yihiin daryeelka iyo sidoo kale sidii gabadhaasi ay ku heli laheyd Cadaalad ku filan, laakin aysan dhicin doonin in Xamar la geeyo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayay u sheegtay in looga baahan yahay inuu daryeel iyo sidoo kale Cadaalad u sameeyo gabadhaha ku nool Muqdisho, laakiin Puntland ay gabadhaasi u taallo Caafimaadkeeda iyo sidoo kale in ay hesho cadaalad.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan warqad kasoo baxday Xafiiskiisa waxaa lagu she egay in gabadhaasi ay dowladda Soomaaliya ay ku dadaali doonto in ay hesho Cadaalad.

SARKAAL KA TIRSAN DOWLADDA OO QARAX KA BADBAADAY

Mid ka mid ah Shaqaalaha Wasaarada arimaha Gudaha ee Dowladda Soomaaliya ayaa ka badbaaday Qarax loogu xiray Gaarigiisa oo ka dhacay Wadada Shaqaalaha ee Muqdisho.

Gaariga Qaraxa lagu Xiray ee Qarxay ayaa waxaa lahaa Wiil dhalinyaro ah oo lagu Magac aabo Afrax oo ka mid ahaa Shaqaalaha Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Dowladda.

Qaraxa ayaa ka dhacay Wadada Shaqaalaha Gaar ahaan dhabarka dambe ee Shaleemo Soomaali.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay gaariga Qaraxa loogu xiray Wiilka dhalinyarada ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uu ka badbaaday qofkii gaariga loogu Xiray isla markaana uusan ka dhalan wax khasaaro ah.

Waxa uu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si loo xaqiijiyo amniga Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

BOGGA CAYAARAHA

GARSOORAYAASHA DHEX DHEXAADIN DOONA KULAMADA WAREEGA AFRAAD EE EMIRATES FA CUPKA OO LA SHAACIYAY, AYAA QABAN DOONA KULAMADA KOOXAHA WAA WAYN?

Muddada u dhexaysa Jimcaha January 27 iyo Axada January 29 ayaa la ciyaar doonaa 16 kulan oo ka tirsan tartanka Emirates FA Cupka wareegiisa Afraad oo ay ku loolami doonaan 32 koo xood. Waxaana loo tartamayaa sidii loogu soo bixi lahaa wareega shanaad ee 16 ka kooxood. Haddaba waxaa la shaaciyay garsoorka dhex dhexaadin doona kulamada wareega afraad ee FA Cupka.

Halkan Kaga Bogo Dhamaan Kulamada Wareega Afraad Ee FA Cupka, Taariikhda & Waqt iga La Ciyaari Doono iyo Garsoorayaasha Dhex Dhexaadin Doona oo dhamaystiran:

1 Tottenham Hotspur v Wycombe Wanderers FC 3pm, Saturday 28 January

Garsoore: Roger East

2 Derby County FC v Leicester City FC 7.55pm, Friday 27 January

Garsoore: Mark Clattenburg

3 Oxford United FC v Newcastle United FC 3pm, Saturday 28 January

Garsoore:David Coote

4 Sutton United FC v Leeds United AFC 2pm, Sunday 29 January

Garsoore: Stuart Attwell

5 Liverpool FC v Wolverhampton Wanderers FC 12.30pm, Saturday 28 January

Garsoore: Craig Pawson

Kaaliyaasha: Harry Lennard & Mark Scholes

Garsooraha Afraad: Jonathan Moss

6 Southampton FC v Arsenal 5.30pm, Saturday 28 January

Garsoore:Kevin Friend

Kaaliyaasha: Peter Kirkup & Simon Beck

Garsooraha Afraad: Tim Robinson

7 Lincoln City FC v Brighton & Hove Albion 3pm, Saturday 28 January

Garsoore: Andrew Madley

8 Chelsea v Brentford FC 3pm, Saturday 28 January

Garsoore: Michael Oliver

Kaaliyaasha: Steve Child & Adam Nunn

Garsooraha Afraad: Lee Collins

9 Manchester United FC v Wigan Athletic FC 4pm, Sunday 29 January

Garsoore: Neil Swarbrick

Kaaliyaasha: Stuart Burt & Sian MasseyEllis

Garsooraha Afraad: Tony Harrington

10 Millwall FC v Watford FC 12noon, Sunday 29 January

Garsoore: Martin Atkinson

11 Rochdale AFC v Huddersfield Town FC 3pm, Saturday 28 January

Garsoore: Oliver Langford

12 Burnley FC v Bristol City FC 3pm, Saturday 28 January

Garsoore: Andre Marriner

13 Blackburn Rovers FC v Blackpool FC 3pm, Saturday 28 January

Garsoore: Peter Bankes

14 Fulham v Hull City 12.30pm Sunday 29 January 17 (12:30)

Garsoore:Paul Tierney

15 Middlesbrough FC v Accrington Stanley FC 3pm, Saturday 28 January

Garsoore: Anthony Taylor

16 Crystal Palace FC v Manchester City FC 3pm, Saturday 28 January

Garsoore: Michael Jones

Kaaliyaasha: Darren Cann & Andrew Halliday

Garsooraha Afraad: Andy Davies

MESSI IYO SUAREZ OO GARBAHA ISKU HAYA GOOL DHALINTA LA LIGA….(KAALINTUU KU JIRAA CRISTIANO RONALDO??)

Weeraryahannada MSN ee Messi, Suarez iyo Neymar

Ayaa habeen hore shabaqa wada tagay ciyaartii ay 4-ta gool uga adkaadeen naa diga Eibar.

Cristiano Ronaldo ayaan wax gool ah u dhalin kooxdiisa Real Madrid kulamadii u gu dambee yay.

Haddaba sidee loo kala horreeyaa go ol dhalinta La Liga:

Luis Suarez (Barcelona) 15-gool iyo 5-caawin.

Lionel Messi (Barcelona) 15-gool iyo 3-caawin.

Cristiano Ronaldo (Real Madrid) 12-gool iyo 2-caawin.

Iago Aspas (Celta Vigo) 11gool iyo 3caawin.

Willian José (Real Sociedad) 9gool iyo 2caawin.

Antoine Griezmann (Atl Madrid) 8gool iyo 4caawin.

MANCHESTER UNITED OO IIBINAYSA FUNAANAD LAGU DAABACAY RIKOORKII ROONEY

Kooxda Manchester United ayaa bilowday iibinta funaanado gaar ah oo MU ah kuwaas oo leh mid abo kala duwan dhabarka dambena looga daabacay xusuusta Wayne Rooney ee 250ka gool ee uu ku jebiyay Rikoorkii xidiggii ugu goolasha badnaa taariikhda Manchester United ee Sir Bobby Charlton oo rikoorkiisii 249 gool la jebin kari waayay muddo 40 sanadood ah.

Xisaabta 250 ayaa loo ekeysiiyay saddexda xaraf ee hore ee magaca (Roo) kaas oo noqon aya 250ney, waxaana funaanaddani Onlineka (store.manutd.com) kaga iibsan kartaa 80 Euro.

sidoo kale waxaa la iibinayaa agabyo kale oo lagu qoray taariikhdaasi muhiimka ah ee Roon ey uu ku noqday xidigga ugu goolasha badan guud ahaan taariikhda Man United sida Koob Shaaha lagu cabo, sawirro iwm.

AFRICA CUP OF NATIONS GROUP B

Senegal 2 – 2 Algeria

Zimbabwe 2 4 Tunisia

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip