Guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeennada Golaha Aqalka Sare ee dalka oo la doortay shalay

0
Monday January 23, 2017 - 11:16:46 in Wararka by
  • Visits: 462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeennada Golaha Aqalka Sare ee dalka oo la doortay shalay

    Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa waxaa ku guuleystay Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi ka dib markii uu helay codad gaaraya 43-cod iyadoo ay codeeyeen 52-xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Aqalka Saree e dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa waxaa ku guuleystay Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi ka dib markii uu helay codad gaaraya 43-cod iyadoo ay codeeyeen 52-xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Aqalka Saree e dalka.

Musharaxa kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo xildhibaan Mustaf Qodax ayaa wuxuu helay 9-cod, sida uu ku dhawaaqay Guddiga Doorashada.Sidoo kale 

Abshir Bukhaari Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee 

Aqalka Sare

Abshir Maxamed Maxamuud, ayaa noqday Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, kadib markii Wareegii saddexaad ee Doorashada Aqalka Sare uu ka adkaaday Xildhibaan Dhagdheer oo uu la tartamaayay.

Abshir Bukhaari ayaa helay codad gaaraya 30 cod, halka Xildhibaan Dhagdheer uu helay codad gaaraya 22 cod.

Xildhibaanada Aqalka Sare ee codeynaayay ayaa tiradooda waxa ay gaaraysaa 52 Xildhibaan.

Abshir Bukhaari oo doorashadiisa kadib ka hadlay Madasha, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Xilka maanta ay u doorteen Xildhibaanada Aqalka Sare, wuxuuna sheegay inuu la imaanaayo wax qabad wanaagsan.

Xildhibaan Cabdi Dhuxulow Dhagdheer oo ah Xildhibaankii laga guuleystay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay doorashada maanta dhacday ee Abshir Bukhaari uu ku guuleystay Xilka.

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE AQALKA SARE OO LA DOORTAY

waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay Doorashadii Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Labadiisa Kuxigeen oo Shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Mowliid Xuseen Guhaad oo helay 28 Cod ayaa ku Guuleystay Guddoomiye Kuxigeenka Laba d ee Aqalka Sare, wuxuuna ka adkaaday C/kaafi Macalin Xasan oo helay 24 Cod.

 

 

Waxaa hadda  ay tahay in ay soo gunaanadatay doorashada hoggaanka aqalka sare oo ay musharixiita sare ku xusan ay ku guuleysteen waxaan ay tahay mid ku dhacday jawi degan oo lagu maqsuuday




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip