WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO KHAMIIS 3-DA SEPBTEMBAR 2015-KA AH

0
Thursday September 03, 2015 - 10:25:40 in Wararka by
  • Visits: 1535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO KHAMIIS 3-DA SEPBTEMBAR 2015-KA AH

    MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO U AMBABAXAY TALYAANIGA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Jabuuri kula kulmay dhiggiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweyne Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO U AMBABAXAY TALYAANIGA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Jabuuri kula kulmay dhiggiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxeyna labada madaxweyne kulan gaar ah ku qaateen isla garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti. Labada madaxweyne ayaa ka wadahadalay arrimo ay ka mid ahaayeen iskaashiga labada dal iyo xoojinta xiriirka walaalnimo ee u dhaxeeya Jabuuti iyo Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warbixiyay madaxwe ynaha Jabuuti xaaladda dalka gaar ahaan howlgalladii ugu dambeeyay ee ciida mada XDS iyo kuwa AMISOM ay kula wareegeen deegaanno farabadan oo ay hore ugu sugnaayeen maleeshiyaadka Alshabaab.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka waramay qorshayaasha dowladda iyo horumarrada kala duwan oo ay ku tallaabsatay, wuxuuna uga mahad celiyay dowladda Jabuuti taageeradda ay u fidisay dowladda Soomaaliya.

Kulanka labada madaxweyne ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu sii watay safarkiisi ku wajahnaa dalka Talyaaniga.

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO U AMBABAXAY TALYAANIGA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay u amba baxay dalka Talyaaniga, halkaasi oo uu kaga qeyb geli doono bandhiga carwada caal amiga ah oo muddo lix bil ah ka socotay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.

Bandhig carweedka ayaa waxa ku jira madal loogu magac daray mad-asha maalgeshiga Soomaaliya, taasi oo ku beegan maalinta beri ah, waxaana sidoo kale jiri doona maalin gaar ah oo ay leedahay Soomaalida, isla markaana lagu soo bandhigi doono waxyaabaha ay caanka ku tahay Soomaaliya, iyadoo ay ka qeyb gali doonaan ganacsato Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhanka kale 4-ta bisha waxa uu magaalada Roma kula kulmi doonaa Madaxweynaha Talyaaniga oo ay ka wada hadli doonaan sidii dowladda Talyaaniga ay u xoojin lahayd taageerada ay siineyso Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku sii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdira shiid, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Madaxweynaha Dowlad gobole edka Galmudug Mudane Cabdikariin Xaseen Guuleed iyo mas’uuliyiin kale.

Bandhig carweedka Milano oo furmay 1-dii May ayaa socon doono 31-ka bisha October, waxaana ka qeybgalay in ka badan 145-dal, iyadoo dal waliba uu xafladda ku soo bandhigi doono awoodda xagga wax soo saarka iyo horumarka uu ka gaaray xagga teknoloojiyadda.

GUDDOONKA BAARLAMAANKA OO SI RASMI MAXKAMADDA SARE UGU GUDBIYAY MOOSHINKA MADAXWEYNAHA

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah Maxkamadda sare ee dalka u gudbiyay mooshinka ka dhanka ah Mad axweynaha, kaasoo 12-kii bishii hore ay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ka keeneen.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in Guddoonka uu go’aan ku gaaray in mooshinka loo gudbiyo Madaxweynaha, ka dib markii muddo labaatan cisho uu la yaallay, waxaana arrinta gudbinta Maxk amadda sare ay khilaaf ka dhex dhalisay Guddoonka Baarlamaanka iyo Madax weynaha.

Kulan muddo saacado badan qaatay oo habeen hore Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka yeesheen ayaa lagu kala kacay, waxaana ilo waree dyo ku dhow dhow Guddoonka ay xaqiijiyeen in Madaxweynuhu aanu markii ho re raali ka aheyn in Guddoonka qabto mooshi-nka, isla markaana uu saluug sanaa in Maxkamadda loo gudbiyo.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa kulankii Madaxweynaha ay ku kala tag een ka dib waxay la kulmeen Xildhibaanadii mooshinka keenay, iyagoo ka wada hadlay qaabka suurta galka ah ee arrintan loo maareyn karo, ka dib markii mud adii uu Guddoonka uu horyaallay mooshinka xal la gaari waayay.

Inkastoo Maxkamadda sare aanay si rasmi ah u shaacin in mooshinka ka dhanka ah ee eedeymaha culus ku xusnaa ay qabatay iyo in kale, hadana Guddoonka Baarlamaanka doonayay in maadaama aanay Maxkamad Dastuuri ah jirin in mooshinka loo gudbiyo Maxkamadda sare ee dalka, si ay go’aan uga gaarto.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Guddoonka Baarlamaanka uu doonayo in arrinta mooshinka xal looga gaaro banaanka Baarlamaanka, si aanay hadhow u dhicin buuq iyo qalalaase, waxaana uu doonayaa in arrintan si mideysan uga hadlaan labada dhinac.

Dhinaca kale kadib markii ay soo baxday in Guddoonka Baarlamaanka u gudbiyay Maxkamadda sare mooshinka Madaxweynaha ayaa waxaa shalay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen kulamo aan dhamaad lah eyn la lahaayeen Xildhibaanada, Wasiirada iyo xubno ka tirsan Beesha Caalam ka.

Kulamadan ayaa ahaa kuwo looga hadlayay waxyaabihii ku soo kordhay mooshinka oo hada u muuqda in marxalad cusub oo ka duwan tii hore uu galayo, iyadoo Xildhibaanno ka badan 100 Xildhibaan ay habeen hore u gudbiyeen Guddoonka mooshin talo soo jeedin ah oo lagu laalayo mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee arrinta cusub ee ku soo korortay mooshinka Mada xweynaha ayaa loo arkaa inay xiisad cusub oo siyaasadeed ay keeneyso, iyadoo horay walaac looga muujiyay xiisadaha siyaasadeed ee uu dalku galay tan iyo markii Guddoonka Baarlamaanka loo gudbiyay Mooshinka xil ka qaadida Mada xweynaha.

SIMINAAR MAGAALADA NAIROBI UGA FURMAY GUDIGA XUDUUDAHA IYO FEDERAALKA SOMALIA.

Aqoon kororsi mudo saddex cisho ah socon doono, ayaa shalay oga furm ay Magaalada Narobi guddiga Madaxa bannaan ee Soohdimaha iyo Federaalka Soomaaliya, iyadoo Seminarkaana ay ka Qaybgalayaan Xubno ka kala Socda Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Ururada Bulshada rayidka iyo Gudd ig aan Madaxa bannaan.

Aqoon kororsigaan oo lagu baran doono habka xadaynta soohdimaha, hanaanka Federaalka iyo Xirfadaha Fududeynta Qabashada Doorashooyinka Soomaaliya, ayaa waxaa shalay Furay Safiirka Somalia u fadhiyo wadanka Ken ya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo kula dardaarmay xubnaha ka qeyb galaayo Workshop-kaan iney si fiican ugu Adeegaan Ummadda Soomaaliyeed.

"Waxaan idin kula Dar-daar-mayaa inaad si fiican uga Faa'iideysataan Aqoon-kororsigaan, waxaadna ogaataan iney masuuliyad idinka saaran tahay sidii aad howshiina u gudan lahaydeen", ayuu yiri Danjire Jamal Mohamed Has an oo kula dardaarmay xubnaha ka qeyb-galaayo Aqoon-kororsigaan iney si wan aagsan wax u bartaan.

Dhanka kale Khaliif Cabdikariin Maxamed oo ah Guddoomiyaha Guddiga Xuduudaha iyo federaalka, ayaa tilmaamay in shaqo culus ay hortaalo guddigo oda. Wuxuuna intaas ku daray iney si fiican oga faa'ideysan doonaan aqoon kororsigaan.

Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo federaalka Soomaaliya oo la dhisay bilooyin ka hor, ayaa waxaa looga fadhiyaa sameynta Soohdimaha iyo fidinta hannaanka federaalka ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee Seminarkaan oo ay Maalgalisay hay'adaha Horumarinta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNDP, ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah xubno ka kala socdo; Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, Gu ddiga madaxa bannaan & xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaa liya UNSOM.

WASIIR MAAREEYE "XUKUUMADDA WAXAA KA GO’AN INAY DHIIRIGELISO QOROYAASHA AFKA SOOMAALIGA”

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Federa-alka, Wasiirka Waxbarashada,Xildhibaanno, Guddoomiyaha Ururka Hawe-enka, Qaranka iyo qurba joog ayaa ka qeybgalay casho sharaf habeen hore loo sameeyay qoraaga Maxamed Sheekh Xasan oo bandhigii Buugaagta kaga qey bgalay magaalada Muqdisho.

Kooxda Waabari ayaa daah-furka xafladda ku soo bandhigay suugaan ka turjumeysa wadaniyadda iyo kuwa lagu soo dhaweynayo qoraaga Soomaa liyeed.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gab ale ayaa sheegtay in mecno weyn ay sameeneyso in qoraaga wixii uu bartay uu kula soo noqdo Dalka, isla markaana uu qoro buugaag badan oo dalka ka had laya.

"Runtii waxa ay mudnaayeen munaasabad midaan ka weyn waayo kaligooda waxa ay sideen inay wadanka kula soo noqdaan, waa mid bogaadin mudan, nabadda isbadalka Dalka ayaa keenay soo dhaweyntiina”ayay tiri Batuulo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo soo agaasimay barnaa-mijk aan ayaa sheegay in Maxamed Sheekh uu kaalin ka qaatay in aysan lumin taar iikhda Soomaaliya, isla markaana uu mudanyahay in lagu deysado. "Maxamed iyo Marwadiisa, waxa ay door muuqda ka qaateen inay uruurriyaan tariikhda iyo Afka Soomaaliga ah, taasi oo gacan ka geystay in uusan luminka Afka, runtii soo dhaweyn ayey mudan yihiin”ayuu yiri Xil dhibaan Xoosh.

Qoraaga Maxamed Sheekh Xassan ayaa kula taliyay Dowladda inay yeel ato siyaasad lagu horumarinayo dhaqanka oo ay u istaagto in la sameeyo sharci lagu dhaqayo siyaasadda.

"Dowladda waa in iyada oo aan gacan kale ku tashan ay yeelato siyaas ad ay ku horumariso dhaqanka ayna dib usoo celisaa Xarumihii Dhaqanka”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa ugu baaqay qurba joogta kale in si la mid ah Qoraaga ay maskaxdooda iyo dhaqaalahooda u galiyaan wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed.

"Inkastoo Dowladda aysan weli gaarin halkii loo baahnaa, haddana wax aan naga go’an in taariikhda la qoro, howsha uu hayo Maxamed waa qeyb ka mid ah howsheena”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Qoraaga Maxamed Sheekh Xassan ayaa gaba gabadii xaflada casho sharafta ah, waxa uu soo bandhigay buug uu ka qoray fanka Soomaaliya oo uu ku wareejiyay Kooxda Waabari iyo boorar sawir ka bixinaya dhaqanka Sooma alida.

AFHAYEENKA AMISOM: MA JIRAAN CIIDAN NOOL AH OO AY AL-SHAB AAB GACANTA NOOGA NAGA DHIGEEN

Iyadoo daraad ay Al-shabaab Weerartay saldhig ay AMISOM ku leeda hay deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa la sheegay in AMISOM laga qabsaday ciidammo nool oo ka tirsan kuwii xeradaas ku sugnaa, balse waxaa beeniyay afhayeen u hadlay AMISOM oo lagu maga caabo, Paul Njuguna.

Afhayeenka ayaa xusay in wararkaas ay yihiin kuwo aan jirin oo askart ooda oo nool aysan Al-shabaab u gacan gelin; Laakiise ay jiraan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac oo ka soo gaaray askartooda Weerarkaas.

"Ciidammo nolol oo Al-shabaab ay gacanta nooga dhigeen ma jiraan; cii damada AMISOM way iska caabiyeen weerarka Al-shabaab, si buuxda ayaana gacanta ugu heynaa Xerada,” ayuu yiri Afhayeenka AMISOM oo u la hadlayay VOA-da.

Sidoo kale, Al-shabaab dhankeeda xustay in Weerarkii daraad ku dileen in 50-Askari oo ciidamada Uganda ee AMISOM ka tirsan ka mid ahaa, ayna gaca nta ku dhigeen qalab ciidan iyo shidaal, waxaana weerar-kaas ay sheegeen inay ugu aargudayeen shacabkii lagu laayay degmada Marka.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen maydad badan oo ciida mada AMISOM ka mid ah oo dhulka daadsan dagaalka kaddib, Waxaana mar dambe deegaanka soo gaaray ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo gurmad ah.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa jartay buundadii dhinaca deegaanka Jannaale oo la mari jiray, waxaana weerarkan uu noqonayaa kii ugu xumaa ee AMISOM lagu qaado labadii bilood ee u dambeeyay.

ISMAACIIL HURRE BUUBAA OO SHALAY LAGU SOO DHAWEEYAY MAGAALADA HARGEYSA …

Wasiirkii hore Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Ismaaciil Hur re Buubaa, ayaa shalay gaaray Magaalada Hargeysa Ee Xarunta Soomaaliland, iyadoona si diiran loogu soo dhaweeyay.

Siyaasiyiin iyo dad shacab ah, ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Cigaal. Dadka shacabka ah ee soo dhawayntiisa ka qayb qaatay waxay wateen sawira diisa, oo lagu dul qoray qoraal hal ku dhig looga dhigay (Ku soo dhawow dalkaa ga hooyo).

Ismaaciil Hurre Buubaa oo muddooyinkii ugu dambeysay ka mid ahaa Siyaasiyiinta ku nool Magaalada Muqdisho, ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay soo dhawayntiisa looga diyaar garoobaayay Magaalada Hargeysa.

Buubaa oo si kooban kaga hadlay dadkii soo dhawaynta ugu sameeyay Magaaladaasi, ayaa mahad celin u jeediyay, isagoona xusay in horumar uu u raj eynaayo Xukuumadda Somaliland, islamarkaana uu gacan ka gaysan doono guul ay Somaliland gaarto.

"Aad baan ugu faraxsanahay inta igu soo dhawaysay Magaalada Har geysa, hadal badan ma rabo inaan dhaho oo dib baan ka wada hadli doonnaa, waxaanse idiin sheegayaa in aan Soomaaliland u rajeynaayo guul iyo horumar, anigane kaalin baan ka geysan doonaan inta kartideyda ah.” Ayuu yiri Siyaa sigan.

Buubaa, ayaa waxaa la tilmaamaa inaanu la dhacsanayn hannaanka siya asadeed ee Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo uu marar kala duwan ka weeraray Warbaahinta Muqdisho.

MAREYKANKA OO SHEEGAY INUU DIFAACAYO WADANKA SOUTH KOREA HADII AY SOO WEERARTO NORTH KOREA

Xogheyaha Gaashaandhigga Mareykanka, Ashton Carter ayaa ku Hanj abay inay difaaci doonaan Waddanka South Korea Haddii uu Weerar uga yima ado dalka ay dariska yihiin ee Waqooyiga Kuuriyada.

Carter oo su’aalo uga jawaabayay ciidammo Mareykan ah oo ku kala sug an daafaha dunida ayaa daboolka ka rogay in weerar kasta ay soo qaaddo Waq ooyi Kuuriya uu Guuldarro ku dhammaan doono.

"Waddanka Waqooyiga Kuuriya waa in ay Fahmaan Mar walba in Garda rro kasta oo ay Sameeyaan lagula Xisaabtamayo, mana jiri doonto Fursad ay ka ga Awood badan karaan Ciidamadeenna iyo kuwa dalka Koonfurta Kukuriya,’’ ayuu yiri Ashton.

Sidoo kale, hadalka Xoghayaha difaaca Mareykanka ayaa imaanaya Xilli ay jirto Xiisadda u dhexeyso labada dal ay gaartay meel sare, iyadoo ay labada Waddan Ciidamadooda Xadka ku sugan ay ay heegan buuxa geliyeen.

"Haddii Dalka Waqooyiga Kuuriya ay isku dayaan inay weerarro kusoo qaadaan dalka aan saaxiibbada nahay ee dalka Koonfurta Kuuriya; taasi waxay keenaysaa inaynaan Gacmaha ka laaban doonin,” ayuu hadalkiisa ku daray Ashton Carter.

Dhanka kale, Xukuumadda Pyongyang ayaa sheegtay inaysan wadin Daandaansi ay ku doonayso inay ku weerarto dalka ay dariska yihiin, balse waxay ka digtay in faragelin lagu sameeyo xuduudaha dalkeeda uu la leeyahay South Korea.

Ugu dambeyntii, Dalka Koonfurta Kuuriya ayaa Waxaa ku Sugan Ciidam mo Fara badan oo Mareykan ah, kuwaasoo uu sheegay Ashton Carter inay u diy aar-garoobeen inay difaacaan dalka ay saxiibbada dhowr yihiin ee Koonfurta Kuuriya, haddii lasoo Weeraro

MARAYKANKA OO LACAGO DHEERAAD AH UGU DEEQAYA QAXOOTIGI KA SOO QAXAY DALKA YEMEN.

Dowlada mareykanka ayaa ilaa iyo 6 malyan oo dolar oo dheeraad ah ugu deeqday dadki ka soo qaxay colaadaha ka jira dalka yemen ee soo gaaray dal alka Soomaaliya iyo jabuuti.

Safaarada mareykanka ee magaalada nayroobi ayaa waxbixin laga soo saaray lagu sheegay in lacagta dheeraadka ka ee uu bixiyey ay ka dhigeyso in gargaarka mareykanka uu ku bixiyey colaadaha yemen sanadka ku dhawaan sideedtan iyo kow malyan oo dolar.

Lacagahaasi gargaarka ah ayaa waxaa safaarada mareykanka ay shee gtay in lagu wareejinayo hay,ada qaxootiga qaramada midoobay ee UNHCR si ugu bixiso dhinaca hoyga biyo nadiif ah iyo faya dhowrka oo ay helaan dadka ka soo cararay xasaradaha dalka yemen ee ku sugan dalalka jabuuti iyo Soom aaliya.

Dowlada mareykanka ayaa sheegtay in sidoo kale lacagahaasi ay hay, ada UNCHR u adeegsan doonto caafimaadka,barnaamijyo lagu ilaalinayo caruu rta iyo ka hortagista xadgudubyada dhinaca jinsiga.

mareykanka ayaa ku ammaanay dalalka Soomaaliya iyo jabuuti sida ay xu duudahooda ugu fureen dadka ka soo cararay dagaalada dalka yeme-nm,waxaana uu sheegay in uu si gaar ah ula shaqeyn doono ururada gargaarka iyo dalalk marti galiyey dadka qaxootiga ah ee ka imaanay dalka yemen

ODAYAAL KU BAXAY XIISAD BEELEEDYO KA JIRA DEEGAANKA BURTINLE EE GOBOLKA NUGAAL.

Odayaal iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanada Maamulka Puntland ayaa ku baxay xiisad beeleedyo ka jira deegaanka Burtinle ee Gobolka Nugaal.

Odayaasha ayaa tilmaamay in xabad Joojin ay kala dhex dhigeen labada dhinac ayna ku tar tarsiiyeen in ay nabad ku wada noolaadaan.

maleeshiyada xiisad u dhaxeysa ayaa ka soo kala jeeda labo beel oo walaalo ah oo wada dega deegaanka Burtinle ee Gobolka Nugaal.

C/QAADIR SIIDII "WALAALAHEENA AMISOM WAA AY KU DHAMMAADEEN MEESHA”

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa ka hadlay weerarkii Al Shabaab darraad aroortii ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Degmada Jannaale ee Gobolka Shabellaha hoose.

Siidii oo ku sugan dalka dibadiisa, ayaa wuxuu Wareysi siiyay Idaacada Al-Furqaan oo ka mid ah Idaacadaha Taageera Ururka Al Shabaab, waxaana uu qiray Siidii ciidamada Amisom inay ku dhamaadeen weerarkii Janaale.

Ciidanka Amisom waxa ay Jannaale kaga sugan yihiin dhanka Hanti wadaag, waddada aada Daari Salaam ama Mubaarak, waa Buundada Jannaale marka laga gudbo, beer weyn oo buundada agteeda ah ayeey fariisinka ku lahaayeen, waana goobta darraad weerarka culus lagu qaaday.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose, wuxuu sheegay ciidamada Amisom si xun in looga baabi’iyay dagaalkaasi, isaga oo ka gaabsaday inuu carbabaabo khasaaraha rasmiga ah ee Amisom soo gaaray, balse uu sheegay inay baaris wadaan.

"Walaalaheena Amisom waa ku dhamaadeen Meesha waa ay ku go’een” Ayuu yiri Siidii.

Weerarada Ururka Al Shababa ee soo noq noqday ayuu ku sheegay inay sabab u tahay in Jannaale aysan joogin ciidamo Boolis iyo Nabad Suggid oo loogu talo galay suggida ammaanka Magaalooyinka.

"Ciidan Boolis iyo Nabad Suggid malahan Jannaale 3-sano ka hor ayaa la xureeyay malahan ciidan Magaalada xogta ka keena oo amniga sugga, Milateri iyo Amisom loogu talo galin inay Magaalo joogaan.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, khasaaro culus ayaa kasoo gaa ray weerarkii cuslaa ee Kooxda Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Amisom ee Jannaale, inkastoo Amisom ay dafirayaan khasaaraha soo gaaray…XIGASHO:-DHACDO.COM

DAGAAL CULUS OO CIIDAMADA KENYA IYO SHABAAB KU DHEXMARAY GOBOLKA GEDO

Dagaal culus ayaa lagu qaaday fariisimada ciidamada Kenya ay ku leeyi hiin deegaanka Ceel Cade oo ka tirsan Gobolka Gedo, ka dib markii dagaala mayaal ka tirsan Shabaab ay weerareen habeen hore.

Dagaalkaan oo ahaa mid aad u culus ayaa la isku adeegsaday hubka noo cyadiisa kala duwan, waxa ayna dadka deegaanka Ceel Cade ay sheegeen inay maqlayeen jugta rasaas culus iyo madaafiic la isweydaarsaday.

Markii hore dagaalka wuxuu ku biloowday Madaafiic Shabaabka ay ku garaaceen Saldhigyada ciidamada Amisom, gaar ahaan kuwa Kenya ay ka sam eysteen deegaanka Ceel Cade, ka dibna waxaa xigay dagaal fool ka fool ah oo ciidamada ay isku arkeen.

Qof ka mid ah dadka deegaanka Ceel Cadde ayaa u sheegay Warbaahi nta gudaha shalay ciidamada Kenya inay isugu yeereen dadka shacabka ah, wuxuuna sheegay dagaalkii habeen hore inuu ahaa habeenkii saddexaad oo xiriir ah oo ciidamada Shabaab ay soo qaadaan.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkaan culus ee habeen hore ka dhacay deegaanka Ceel Cadde ilaa hadda lama oga, Shabaab kama aysan hadlin sidoo kalena Amisom kama aysan hadlin.

Xoogaga Shabaab ayaa kordhiyay beegsiga ay ku hayaan ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom ee ku sugan Gobolada dalka.

Shabaab ayaa u muuqda kuwa awoodii ay lahaayeen dib u soo nool-aanaysa marka loo eego miisaanka ay leeyihiin weerarada ay qaadayaan.

DIYAARADO HELICOPTER OO BAADIGOOB UGU JIRA ASKAR LAGU LA’YAHAY WEERARKII JANAALE

Askar fara badan oo ka tirsan AMISOM ayaa lagu la’yahay weerarkii da rraad Al-Shabaab ku qaadeen xero ay ku lahaayeen deegaanka Jannaalle, halkaasoo lagu laayay in ka badna 50-askari.

Ciidamo fara badan AMISOM ayaa bilaabay in ciidamada la la’yahay ka baadigoobaan wabiga jiinkiisa iyo deegaanada ku dhow dhow Jannaalle.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada la la’yahay ay ku dhow yihiin afartameeyo, kuwaasoo qaarkood darraad gelinkii dambe la helay.

Dadka deegaanka Jannaale ayaa sheegay in diyaarado helicoptero oo baadigoob ugu jira ciidamadaas ay dul heehaabayaan deegaanada u dhow dhow Jannaale.

Sidoo kale Ciidamada ayaa dadka deegaanka weydiiyay inay arkeen ciid amo nool ama kuwa dhintay, waxaana baadigoobka qeyb ka ah meydadka askar ka tirsan AMISOM oo lagu dilay weerarkii darraad.

Goob joogayaal ku sugan Jannaale iyo diblomaasiyiin reer galbeed ah ay aa xaqiijinaya in ka badan 50-askari ka tirsan Ciidamada AMISOM lagu dilay wee rarkii darraad.

Meydadka saddex ka tirsan Ciidamada AMISOM ayaa lagu arkay Tuulada Gaywarow, ka dib markii ay wabiga ku qaraqmeen, waxaana la sheegayaa inay jireen ciidamo wabiga isku tuuray markii weerarka bilowday.

AMISOM ayaa wali shaacin khasaaraha ka soo gaarin weerarka, hase ahaatee Al-Shabaab oo ka hadashay weerarka ayaa sheegtay in askar fara ba dan oo kontameeyo kor u dhaafeysa ku dileen.

Xerada la weeraray ee AMISOM ayaa ku dhoweyd agagaarka Wabiga Shabeelle ee mara deegaanka Jannaale

WADADDO MUSLIMIINTA TANZANIA KA MID AH OO KA BAXSADAY AFDUUBAYAAL KU HAYSTAY DALKA CONGO

Imaamyo Mulismiinta Tanzaniya ka mid ah oo lagu sheegay tiradooda in ay ahayd siddeed ayaa ka baxsaday Kooxo Afduub ahaan u Qabsaday bishii la soo dhaafay ee August, kuwaasoo lagu hayay deegaan ku yaalla Bariga Congo, sida ay sheegeen saraakiil Tanzaniyaan ah.

Wadaadadan oo ku jiray howlo ay dadka ku Wacdinayaan ayaa laga Qafaashay Bishii hore Gobolka Waqooyiga Tanzania ku yaalla ee Kivu, iyadoo Imaamyadan ay ka faa’iideysteen dagaal deegaanka lagu haystay ku dhexmaray koox lagu magacaabo FDLR oo u dagaalanta sidii ay Rwanda u qabsan lahaaye en iyo xoogag hubeysan uu u dhashay dalka Congo, sida uu AFP u sheegay Guddoomiyaha Gobolka Kivu Julien Paluku.

Qaar ka mid ah wadaadada soo baxsaday ayaa sheegay in xubnaha FDLR qaar ka mid ah ay ku Wargeliyeen inay baxsadaan, iyagoo sheegay in mar kii uu dagaalka billowday ay u heleen fursad inay baxsadaan.

Guddoomiyaha Gobolka Kivu, Julien Paluka ma uusan Sheegin Halka Waqtigan ku Sugan yihiin imamyada soo baxday afduubayaasha. Isagoo xusay in siddeeda Imaam la afduubay 05-tii bishii hore ee August.

Safaaradda Tanzaniya ay ku leedahay Magaalada Kinshasa Ayaan Weli wax War ah ka soo saarin afduubka imaamyadan Tanzaniyaan-ka ah iyo weliba Baxsigooda ay kasoo Fakadeen kooxihii afduubka ku haystay.

Dadka la afduubo ayaa laga qaataa lacago madaxfurasho ah, iyadoo Gobolkaas ay ku soo badanayaan Colaadaha ku saleysan Afduubyada Madax-furashada laga Qaato, kuwaasoo dhowr jeer oo hore ka dhacay Gobolkaas.

Bariga dalka Congo ayaa waxaa ku sugan xoogag hubeysan oo dagaallo ku jira, kuwaasoo ay ka mid tahay Kooxda FDLR iyo Xoogag kale oo Dalka Con go ka soo jeeda, kuwaasoo mararka qaarkood ay dhexmaraan iskahorimaadyo.

Kooxda FDLR ayaa waxay sal dhigyo ku leedahay dalka Congo, gaar ahaan meelo ku dhow xuduudaha uu dalkaas la wadaago wadamada Rwanda iyo Burundi, iyagoo dhismay markii dalka Rwanda ay ka dillaaceen colaadaha sokeeye 1994-kii.

Ugu dambeyn, Jabhadda ka horjeedda xukunka Madaxweynaha Rwanda Paul Kigame ayaa ku eedeeyay inuu dhibaatooyin u geysto dadka waddankaas kasoo cararay ee Rwandeska ah ee ku nool Bariga Congo

SHAQAALE U DHASHAY DALKA TURKIGA OO LAGU AFDUUBTAY CIRAAQ.

Dabley Hubeysan ayaa shalay ku afduubtay magaalada Baqdaad illaa 18 shaqaale Turkish ah oo u shaqeynayay Shirkad qaabilsan dhismaha.

Saraakiil Turki iyo Ciraaq ayaa xaqiijiyay shaqaalahan lagu afduubtay gar oon kubadda cagta ah oo ay howlo dhismo ka wadeen oo ku taala bariga deg mada Sadr City ee magaalada Baqdaad

Wararka ayaa intaa ku daraya in dhamaan dableyda afduubka ka damb eysay ay wateen dareyska milateriga, waxaana badankood dadka la afduubtay ay ahaayee kuwo hurdayay.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibada Turkiga Tanju Bilgic ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in dadka la afduubtay ay ahaayeen 14 shaqaale, saddex Engineero iyo nin xisaabiye ah.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Numan Kurtulmus ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay si dhow ugala shaqeyneyso maamulka Ciraaq arrinta ku saabsan afduubkan

Turkiga ayaa dhowaan ku biiray dagaalka ka dhanka ah Daacish, iyadoo saldhig milateri oo dalkiis ku yaala uu u ogolaaday Xulufada uu Mareykanka hogaamiyo inay isticmaalaan.

Lama oga illaa iyo hadda cida ka dambeysa afduubkan loo geystay sha-qaalaha u dhashay dalka Turkiga.


CIIDAMADA BOOLIISKA CADAADO OO GACANTA KU DHIGAY WAXYAABAHA MAANKA DOORIYA IYO DHALLINYARO ISTICMAALAYSAY

Ciidamada Booliska magaalada Cadaado ayaa shalay degmadaasi ku soo bandhigay waxyaabaha Maanka dooriya iyo Dhalinyaro Isticmaalaysay.

Maxamuud Jimcaale Cosoble oo ah taliyaha Booliiska Galmudug oo saxa afadda la hadlay ayaa sheegay in maandooriyahaan ay kusoo qabteen isaga oo gaari saaran iyo Laba Ruux oo waday, islamarkaana la sheegay inay isticma alayeen.

Maandooriyahaan ayaa isugu jira Calaq iyo Xashiis, kuwaasi oo saxaaf adda la tusay. Taliyaha ayaa sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid loogu tala galay in lagula dagaallamo wax walba oo maanka dooriya, si aan loogu dhex faa fin degmada Cadaado iyo nawaaxigeeda.

Dhinaca kale Taliye Maxamuud Jimcaale ayaa ka warbixiyay Lix nin oo u xiran eedeyn ah inay gabdho kufsadeen, kuwaasi oo xabsiga ku xiran.

Waxa uu sheegay in gabdhaha la kufsaday ay xaalad adag ku sugan yihi in, isla markaana ragga falkaasi ku dhaqaaqay la baarayo ka dibna cadaaladda la horgeyn doono.

Ugu dambeyn ayaa taliyaha ciidamada Booliiska Galmudug Maxamuud Jimcaale waxa uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmada Cadaado inay la shaqeeyaan ciidamada Booliiska, ayna soo sheegaan wax walba oo ka shaqe ynaya amni xumida magaaladaasi.

AHLUSUNNADA GOBOLLADA DHEXE OO FASAXDAY IDAACADO U XIRNAA

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in galabta ay Heshiis wada Shaqeyn iyo Isfahan ah ay gaareen Mas’uuliyiinta Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee Gobollada Dhexe iyo Wariyaasha ka Howlgala Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Ahlusunna ayaa Wariyaasha ka Howlgala Magaalooyinkaasi,waxaa ay Maalmahaan u socday Kulamo Gooni Gooni ah oo Galabta Sababay in ay gaa ran Heshiis Wada Shaqeyn ah oo Dhowr iyo Tabon Qodob ka Koobnaa.

Heshiiska Ahlusunna iyo Saxaafiyiinta Magaalooyinkaasi ayaa waxaa Gar wadeen ka ahaa Odayaasha Dhaqanka ee ku nool Magaalooyinka ay Ahlusun naGacanta ku hayso.

Sidoo kale Maamulka Ahlusunna ayaa Dib u Fasaxay Idaacado ku yaalla Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb oo Mudo u Xirnaa Ah-lusunna Waljamaaca.

GANACSATO SOOMAALIYEED OO SI ARXAN DARRO AH LOOGU DILAY MAGAALO KA TIRSAN DALKA KOONFUR AFRIKA

Kooxo burcad ah ayaa weeraro kala duwan oo ay ku qaadeen goobo gan acsi oo ay lahaayeen muwaadiniin soomaali ah isla markaana ku yiilay deegaano hoos yimada magaalada Eastlondon ee Dalka koofur Africa, waxaa ay ku dileen labo ganacsade oo soomaali ah oo halkaasi in mudo ah ku noolaa.

Kooxda burcada ayaa weerarka hore waxaa ay ku qaadeen goobo gana csi oo uu lahaa muwaadin Soomaali ah saacadda marka ay aheyd 9:00 habeen imo Xilliga Koofur Africa waxaana ay dhac u geysteen goobta ganacsiga kadib waxaa ay Bastoolad ku qabteen marxuumka geeriyooday oo lagu magacaabi jiray Cabdi Caamir oo markii uu is dhiibay kadib ay ku dhufteen tooreey ilaa shan mar oo ay nafta kaga qaadeen .

"Ilaa shan qof ayaa soo Gashay xilli uu albaabka Dukaankiisa xeri rabay ayaa Gidaarka loogu gambaday qori ayaa lagu qabtay Marka uu is dhiibay Kad ibna waxaa ay qabteen asaga tooreey ayey ku dhufteen nin kale oo la joogayna wey xer xereen ilaa alaabta dhan ay ka rartaan”Sidaasi waxaa Radio Muqdisho u sheegay C.rasaaq Ali Kolkolay oo ka mid ah ganacsatada deegaanka Ea-stlonon.

Weerarka labaad oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lala bartil-maamee dsaday muwaadin soomaaliyeed oo lagu magacaabo aadan Cabdi Wahaab oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida ee caanka ah deegaanka Eastlondon iyo guud ahaan gobolka Eastren Cape.

Kooxda Burcadda ayaa rasaas ku furay xilli uu kaso baxay goobtiisa gan acsiga waxaana rasaasta ay ka haleeshay dhanka wadnaha ayada oo ay hal kaasi isaga baxsadeen sida uu inoo xaqiijiyay abdirisaaq kolkolay.

"Meel ka baxsan ayaa nalaga soo wacay waxaa nalo sheegay in nin oday ahaa oo magalada hogaamiye uga ahaa dhanka culimada la dilay kadib markaa tagnay waxaan u tagna asaga oo meyd ah bastoolad sharciyeysan ayuu watay ayadiina lagama qaadan”

Magaalada East London ayaa waxaa uu ka mid ahaa Magaalooyinka a ugu nabdoon ee ku nool yihiin soomaalida koofur Africa isla markaana ay ku heystaan ganacsiyada kala duwan.

SARAAKIIL REER GALBEED AH AYAA SHEEGAY IN UGU YARAAN 50 ASKARI OO OO AMISOM KA TIRSAN LAGU DILAY WEERARKII DORRAAD

Ugu yaraan 50 Askari oo ka Tirsanaa Ciidammada AMSIOM ayaa la rum eysan yahay in lagu dilay weerarkii daraad ay Al-shabaab ku qaadday saldhig AMISOM ay ku leedahay deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose sida laga soo xigtay Saraakiil Reer Galbeed ah.

Saraakiisha Reer Galbeedka ah ayaa Sheegay in sidoo kale la weysan ya hay 50 Askari oo kale, kuwaasoo aan la ogeyn halka ay jiraan, inkastoo weli AMISOM aysan ka hadlin wixii khasaare ah ee ciidamadooda kasoo gaaray weerarkaas.

"Qiimeynta aan hayno waxay sheegaysaa in ugu yaraan 50-askari oo Ciid amada AMISOM ka tirsan ay dhinteen,” ayuu yiri dublamaasiyiin Reer Galbeed ah oo la hadlay AFP, iyagoo intaas ku daray in 50-askari oo kale la la’yahay.

Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas uu ahaa mid ay ugu aarg-uday een dad shacab ah oo ay ciidamada AMISOM ku laayeen degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose dhammaadkii 31-kii bishii July ee Sanna dkan.

Sidoo kale, AMISOM oo iyaduna warsaxaafadeed soo saartay ayaa ku sheegtay inay weli Qiimeynayaan khasaaraha soo gaaray askartooda & burburkii gaaray Saldhigooda Jannaale, ka dib Weerarkii Al-shabaab, iyagoo aan khasa araha ka dhashay weli sheegin.

Dublamaasiyiinta Reer Galbeedka ah ayaa warkooda ku sheegay in weerarku uu ahaa mid qorsheysan ayna Al-shabaab jabiyeen buundooyinkii, taa soo keentay in Xeradu noqoto mid go’doonsan, iyadoo markaas ka ddib lagu Weeraray dhowr Qarax ayna Saldhigga Gudaha u galeen ugu yaraan 200 oo ciidan oo Al-shabaab ah.

AMISOM ayaa Waxay iyaduna Qiratay in Ciidamadooda ay ka baxeen Sa ldhigga markii uu weerarku billowday, balse ay dib ugu laabteen oo ay qabs adeen, ayna haatan si buuxda ugu hayaan gacanta.

Warbixinta saraakiisha reer galbeedka ah ayaa waxay ku xuseen in AMISOM ay wajahayso Xilligan Weerarro Gaadmo ah oo kaga imaanaya Al-shab aab, ka dib markii kooxda ay kala wareegeen deegaanno badan oo Koonfurta iyo Bartamaha Somalia ku yaalla.

Ugu dambeyn, goobjooge la hadlay warbaahinta ayaa isna sheeg-ay inuu arkay 30 askarta AMISOM ka mid ah oo dhintay, ka dib weerarka, wuxuuna ruux aan goobjoogaha ah uu yiri. "Waxaan tiriyay dhimashada askarta AMISOM, wax aana arkay 30-askari oo mayd ah, kuwaasoo lagu dilay weerarka.”

.MARKAB HUB SIDA OO LA QABTAY

Ciidamada Bada ee dalka Giriiga ayaa sheegay inay Salaasadii darraad gacanta ku dhigeen Markab nooca xamuulka ah oo hub u siday dalka Liibiya.

Markabkan oo lagu magacaabo Haddad 1 ayaa la sheegay inuu kasoo shiraacday dalka Turkiga kuna siijeeday magaalada Misarata ee dalka Liibiya.

Giriiga ayaa sheegay in Markabkan ay geeyeen dekkada magaalada Heraklion halkaasi oo baaritaan dheeraad ah lagu sameeyey, walow aan weli la shaacin tirada hubka uu siday iyo nooca hubka.

Magaalada Misarata ayey gacanta ku hayaan qaar ka mid ah male-eshiyaadka ka mid ah Isbaheysiga Al Fajar ee ka taliya caasimada Tripoli, kuwa asi oo maamul u gaar ah ku dhawaaqay, walow aan maamulkaasi aqoonsi ka he ysan dowladaha caalamka.

Dalka Liibiya ayaa lagu soo rogay cunaqabateyn dhanka hubka ah kadib dagaalkii wadankaasi ka bilowday sanadkii 2011.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip