Dawladda Gambia 'oo la' 11 milyan oo doolar' ka dib markii uu Jameh dalka isaga baxay

0
Monday January 23, 2017 - 10:58:01 in Wararka by
  • Visits: 501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Gambia 'oo la' 11 milyan oo doolar' ka dib markii uu Jameh dalka isaga baxay

    In kabadan 11 milyan oo doolaar oo dawladda Gambia leedahay ayaa la la'yahay ka dib markii uu dalkaas isaga baxay madaxwaynihii muddada dheer xilka hayay Yahya Jammeh, sida uu sheegay lataliyaha madaxwayne Adama Barrow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In kabadan 11 milyan oo doolaar oo dawladda Gambia leedahay ayaa la la'yahay ka dib markii uu dalkaas isaga baxay madaxwaynihii muddada dheer xilka hayay Yahya Jammeh, sida uu sheegay lataliyaha madaxwayne Adama Barrow.

Mai Ahmad Fatty ayaa sheegay in khuburo dhanka dhaqaalaha ah ay qiimaynayaan kharashka rasmiga ah ee dalka ka maqan.

Gawaarida raaxada iyo alaabo kale ayaa la saaray diyaarad xamuul ii Chad laga leeyahay isla habeenkii uu Jammeh dalka ka baxay.

Jammeh ayaa dalkaas isaga tagay Sabtidii, isaga oo soo afjaray 22 sano oo uu xilka hayay.

Jammeh ayaa dalka Gambia isaga baxay SabtidiiLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionJammeh ayaa dalka Gambia isaga baxay Sabtidii

Wuxuu aqbalay natiijadii doorashada laakiin wuxuu dalka kaga baxay wada xaajood ay sameeyeen madaxda dalalka gobolkaas iyo hanjabaado ku aadan in ay milatarigooda u diri doonaan haddii uu xal kale diido.

Adam Barrow oo dhexda ka muuqda ayaa sheegay in uu qorshaynayo in uu sameeyo baaritaan ku aadan tacadiyo xuquuqda aadanaha ahLahaanshaha sawirkaREUTERS

Madaxwayne Barrow ayaa wali jira dalka ay dariska yihiin ee Senegal mana cadda wakhtiga uu soo laaban doono.

Si kastaba ha ahaatee ciidammada Galbeedka Afrika ayaa galay magaalada caasimadda u ah Gambia ee Banjul Sabtidii si ay u diyaariyaan imaanshihiisa.

Dad damaashaadaya oo isku aruursaday bannaanka madaxtooyada ayaa soo dhaweeyay markii ay ciidammadaasi galayeen dhismaha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip