Faallo: Maxaa Sii Seeta Dheereyn Kara Xilliga Kala-Guurka Siyaasadda Somalia ?

0
Saturday January 21, 2017 - 14:25:09 in Maqaallo by
  • Visits: 965
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo: Maxaa Sii Seeta Dheereyn Kara Xilliga Kala-Guurka Siyaasadda Somalia ?

    Geeddiga Kala-guurka Siyaasadda Somalia ayaa soo bilwoday bartamihii sannadkii hore, waxaana la filayey in illiga Kala-guurka lagula baxo wixii ka dambeeyey bishii September 10-dii ee sannadkii hore oo uu ku ekaa Xilli-hawleedkii Madaxweyne Xasan She

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geeddiga Kala-guurka Siyaasadda Somalia ayaa soo bilwoday bartamihii sannadkii hore, waxaana la filayey in illiga Kala-guurka lagula baxo wixii ka dambeeyey bishii September 10-dii ee sannadkii hore oo uu ku ekaa Xilli-hawleedkii Madaxweyne Xasan Sheekh loo idmaday afartii sanno ee la soo dhaafay.

Lamana diyaarinin Qorshihii Doorashadda, taasi oo ay Dowladda Federalka ka gaabisay inay u gogol-xaaraan, kadib, is-qabqabsi hareeyey Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah Ra’isul-wasaarayaashii la soo shaqeeyey.

Xilligii Xil-wareejinta Saldanada Madaxtinimadda ayaan weli fari ka qodnayn, ma muuqdaan Ifafaalo in doorashadda Madaxtinimadda lagu qaban doono bishan January ee dhamaadka ah , waana suurto-gal in xilliga Doorashadda dib u dhacdo ilaa dabayaaqada bisha soo socota ee February.

Xarko-siyaasadeed ayaana isku milqan, waxayna sii seta dheereyn karta inuu Madaxweynuhu weli ku sii nagaado Madaxtooyadda Villa Somalia, iyadoo Murashixiinta rumeysan yihiin inaysan daw ahayn inuu Madaxweynuhu ku sii waqti qaato Xilka Sii-hayaha Madaxweynenimadda ee u soo bilaabantay wixii ka dambeeyey markii uu xilli-hawleedkiisa dhamaaday bishii September 10-di ee sannadkii hore.

Murashaxiiinta Madaxtinimadda ayaana rumeysan in loo baahan yahay inuu Xilka Madaxweynaha si KMG ah loogu wareejiyo Guddoomiyaha BFS ilaa lagu kala baxayo Doorashadda Madaxtinimadda.

Hanka noocaasi ah ayaa waxaa horey ugu hungowday Madaxda Madasha Qaranka, oo iyagu horey isugu maan-dhaafay in xilka Madaxweynaha sii hayo Guddoomiyaha BFS, balse taasi waxay ka laabteen, markii la garwaaqsaday inay taasi horseedi karto Marnaansho Siyaasadeed iyo inuu Guddoomiyaha BFS xilli-hawleedkiisa u dhacsanaa sida Xilliga Madaxaweynaha.

Siyaasiyiinta dhexdhexaadka ayaa rumeysan inay weli jiraan caqabo Siyaasadeed oo ku hor gudban in la qabto Doorashadda Madaxtinimadda, isla markaana ay Beesha Caalamka ka walaacsan tahay sida ay Doorasho Hufan oo nadiif ah ugu dhici karto Doorashadda Madaxtinimadda Somalia.

Beesha Caalamka oo Kor-joogto ka ah Xilliga Kala-guurka ayaa rumeysan inay dhici karto in Doorashadda Madaxtinimadda lagu kaco musuq-maasaq la heer ah ama ka sarreeyo Musuqii harreeyey xubnihii Murashixiinta ee lagu soo doortay Maamul-gobaleedyadda, kuna guuleystay Xildhibaanimadda Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka.

Faallo: Maxaa sii seeta dheereyn kara Xilliga Kala-guurka Siyaasadda Somalia ?


Qaar ka mid ah Dowladaha Reer Galbeedka waxay Dareen noocaasi ah ka muujiyeen inay ku kacaan Murashixiinta haysta Dhalashadda Dalalkooda ee u taagan Loolanka Xilka Madaxtinimadda Somalia.

Inkastoo sas laga qabo Murashixiinta Madaxtinimadda ee Labada Dhalasho (dual Citizenship)-ka haysta, ayaa waxaa uu dareen kale ka jiraa Xildhibaanadda Labada Aqal ee iyagana haysta Labada Dhalasho.

In ka badan 100 Xildhibaan ayaa la sheegay inay haystaan Labo Dhalasho, kuwaasi oo badankooda wata Baasaboorada dalalka Britain iyo Maraykanka, Norway iyo kuwo kale oo haysta Dhalashadda dalalka deriska.

Marka dacal kasta laga eego waxaa iska kooban rajada laga qabi karo inay Doorashadda Madaxtinimadda noqoto mid ka hufan Musuq iyo Isbahaysi codadka isugu hibeeya.

Si kastaba ha ahaatee, ma la dhihi karaa hadba marka dib loo dhigo Doorashadda inay sii seeto dheereyn karto Fursadda lagu gaarayo Xilliga Kala-guurka Siyaasadda Somalia ?

XIGASHO:-RADIODALSAN.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip