Arsenal Waa Inay Ka Faa'ideystaan Fursada Ay Ugu Guuleysan Karaan Horyaalka Inta Kooxaha Kale Ay Daciifka Yihiin – Jamie Carragher.

0
Saturday November 07, 2015 - 11:59:49 in Sports News by
  • Visits: 896
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsenal Waa Inay Ka Faa'ideystaan Fursada Ay Ugu Guuleysan Karaan Horyaalka Inta Kooxaha Kale Ay Daciifka Yihiin – Jamie Carragher.

    Arsenal waa ku qasab inay ka faa'ideystaan fursada ay ugu guuleysan karaan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan sida uu sheegay Jamie Carragher. Daaficii hore ee Liverpool ayaa aaminsan in Gunners aysan heli doono fursad uga fiican tan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsenal waa ku qasab inay ka faa'ideystaan fursada ay ugu guuleysan karaan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan sida uu sheegay Jamie Carragher. Daaficii hore ee Liverpool ayaa aaminsan in Gunners aysan heli doono fursad uga fiican tan haatan oo ay ku qaadi karaan horyaalka, iyagoo aan Premier League ku guuleysanin wax ka badan 10 sannadood.

Chelsea ayaa wajaheysa xilli ciyaareed aad u xun halka Manchester United ay la dhibtooneyso inay gool dhaliso, iyadoo City lagu qasbay inay xaliso dhaawacyo soo gaaray xiddigaheeda ugu muhiimsan.

Carragher ayaa ku doodaya inkastoo Arsenal aysan heysan kooxda ugu fiican horyaalka hadana inay ku jiraan booska ugu fiican ee ay ku qaadi karaan horyaalka gaar ahaan marka xisaabta lagu darro inay dhawaan ka soo hari karaan Champions League.

"Dhamaan kooxaha la tartamaya dhibtooyin ayaa heysta ama waxbaa qasaya, waana sababta ay u tahay inuu Arsene Wenger ka faa’ideysto” ayuu Carragher ku qoray maqaalkiisa lagu daabacay jariirada Daily Mail.

"Tusaale ahaan xilli ciyaareedka soo socda Chelsea uma xumaan doonto sida ay yihiin haatan, United sida ka muuqata 100 milyan kale ayay qarashgareyn doonaan xagaaga soo socda, kaliyana waqti ayaa ka xiga in xajmiga lacagta ay qarashgareynayaan ay ku soo celiso wadada guulaha.

"Arsenal waa inay ka faa’ideysato fursada hortaala. Waxa ay ahaayeen kooxda ugu fiican sannadkan 2015 iyagoo 67 dhibcood shaqeystay 30 kulan oo Premier League ah oo ay ciyaareen, laakiin inaad ahaato kooxda ugu fiican laga soo bilaabo Janaayo ilaa iyo December wax micno ah kuma fadhiso.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip