Puntland oo soo jeedisay in la dedejiyo doorashada madaxweynaha Soomaaliya

0
Wednesday January 18, 2017 - 10:34:16 in Wararka by
  • Visits: 407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo soo jeedisay in la dedejiyo doorashada madaxweynaha Soomaaliya

    Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Puntland ayaa soo jeediyay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay dedejiyaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Puntland ayaa soo jeediyay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay dedejiyaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkan.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Puntland Xuseen Yuusuf ayaa sheegay in xildhibaanada ka codsanayaan inay fududeeyaan doorashada madaxweynaha si loogu gurmado dadka abaaraha ay ku heystaan gobolada dalka.

Abaaraha ka jira dalka ayuu sheegay in looga mashquulay siyaadda Soomaaliya, sidaasi daraadeed ay haboon tahay in si dhaqso ah loo doortaa madaxweynaha dalka.

Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dagaan ayuu ugu baaqay inay isku gurmadaan.

Wuxuu arin wanaagsan ku tilmaamay in meel looga soo wada jeestaa abaaraha ka jira dalka Soomaaliya, oo aan lagu sii mashquulin siyaasadda dalka.

Deegaano badan oo ka tirsan bariga Puntland ayaa waxaa ka jira abaaro daran oo dadka saameeyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip