Somalida aanan sharciga ku joogin Mareykanka oo muddo kordhin loo sameeyay

0
Wednesday January 18, 2017 - 10:31:28 in Wararka by
  • Visits: 425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalida aanan sharciga ku joogin Mareykanka oo muddo kordhin loo sameeyay

    Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay waqtiga ku meelgaarka ah ee joogitaanka Mareykanka u kordhisay Somalida dalkaasi ku nool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay waqtiga ku meelgaarka ah ee joogitaanka Mareykanka u kordhisay Somalida dalkaasi ku nool.

Kaliya shan maalmood ayaa uga dhiman Obama maamulidda xafiiska Aqalka cad,waxaana uu inta uusan baneyn maamulkiisa kordhiyay muddada dadka Somalida ah ee aan muwaaddiniinta noqonin sii joogi karaan Mareykanka.

Wasaaradda amniga gudaha Mareykanka ayaa 18 bilood ku kordhisay mudada ay Somalida sharci la’aanta ah sii joogi karaan Mareykanka,waxaana ay midda hadda heystaan ku egtahay 17-ka Bisha March ee soo socota.

Hadda waxaa ay mudadan cusub u ogolaaneysaa Somalida Mareykanka in ay sii joogaan ilaa 17-ka September 2018-ka,waxaana ay dib isu diiwaan gelinayaan marka ay ka dhamaato waqtiga ay hadda heystaan.

Xildhibaan Amy Klobuchar,oo laga soo doorto Minnesota ayaa sheegay in Somalida ay yihiin dad aad u wanaagsan,shaqo badan,saxiibtinimo leh ,waxaana uu soo dhaweeyay go’aanka ay qaateen Maamulka Obama ka hor inta aysan talada ka degin 20-ka Bishan.

Madaxweynaha la doortay ee Donald Trump ayaa horay ugu hanjabay in marka uu talada la wareego ay dadka soo galootiga ah oo dhan ka bixi doonaan Mareykanka.

13-dal ayaa Mareykanka oggol yahay in dadkooda ay sharcigaas ku joogaan Mareykanka,waxaana waddamadaas kala yihiin:

. El Salvador, Guinea, Haiti, Honduras, Liberia, Nepal, Nicaragua, Sierra Leone, Somalia, South Sudan, Sudan, Syria iyo Yemen.

Somalida waa dadkii ugu horreeyay ee sharcigan sababtiisa lahaa,waxaana u sameeyay Madaxeynihii hore ee Mareykanka Bush 2001-kii,waxaana kordhiyay Obama 2012-kii.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip