Xildhibaano mooshin cusub ka diyaarinaya madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan

0
Wednesday January 18, 2017 - 10:27:28 in Wararka by
  • Visits: 435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano mooshin cusub ka diyaarinaya madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan

    Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed ay diyaarinayaan mooshin ka dhan ah Shariif Xasan Sheekh Aadan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed ay diyaarinayaan mooshin ka dhan ah Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaanada baarlamaanka Koofur Galbeed ee wada qorshahaasi ayaa ka badan 80 xildhibaan, sida uu warbaahinta u sheegay xildhibaan Cismaan Maxamed Caato oo baarlamaanka koofur Galbeed kamid ah.

Ujeedada mooshinka cusub ayuu xildhibaanka ku sheegay inay doonayaan in xilka kaga qaadaan madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan.

Xildhibaan Cismaan Maxamed Caato, ayaa sheegay in Shariif Xasan uusan waxba u qaban shacabka ku nool deegaanada Koofur Galbeed labadii sano ee lasoo dhaafay, sida uu hadalka u dhigay.

Gudasho la’aan xilka uu hayo ayay ku eedeynayaan xildhibaanada mooshinka diyaarinaya, waxaana ay sheegeen inay mooshinkaasi gudbin doonaan.

Dhawaan Madaxweynaha Galmudug ayaa mooshin xildhibaanada ka gudbiyeen ku waayay codka kalsoonida xildhibaanada baarlamaanka ee Galmudug.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip