Gabar Soomaaliyeed oo lagu xiray Dalka Turkey
Ciidamada Ammaanka Dowladda Turkey-ga oo howlgallo Qorsheysan ka sameeyay Magaalada Istanbul ee dalkaas waxa ay ku soo qabteen 3 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Dalalka Somaaliya , Senegal iyo Masar.
Dadka la soo qabtay ayaa la tuhusan yahay in ay ku lug lahaayeen weerarkii lagu qaaday Hoteelka Rina ee ku yaalla Magaalada Istanbul horraantii Sanadkaan.
Muwaadinka Soomaaliyeed ee dadka lagu soo qabtay Howlgalkaan ku jirta ayaa ah Gabar Soomaaliyeed.
Dowladda Turkey –ga ayaan weli shaacin Magaca gabadhaasi Soomaaliyeed iyo arrimaha ay u joogtay dalkaas.
Waxaana haatan soconeyso su’aalo weydiinta dadka loo soo qabtay Kiiskaasi oo Gabadhaasi Soomaaliyeed ay ku jirto.
Sawirka Gabadhaasi Soomaaliyeed ayaa ka soo muuqday Warbaahinta dalka Turkey-ga.
Sawirka Gabadhaasi Soomaaliyeed ayaa ka soo muuqday Warbaahinta dalka Turkey-ga waa sawirka dhexeda ah