WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 18-KA JANNAAYO 2017-KA

0
Wednesday January 18, 2017 - 09:33:24 in Wararka by
  • Visits: 554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 18-KA JANNAAYO 2017-KA

    3 KURSI OO AQALKA HOOSE SOMALILLAND AH OO LAGU DOORAN DOONO MUQDISHO Ilaa 3 kursi oo ka tirsan kuraasta aqalka hoose ee ka harsan gobollada Waqooyi ayaa lagu door an doonaa Magaalada Muqdisho. 2 Kursi oo beelaha Ciise ah iyo Hal Kursi oo Isaaq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

3 KURSI OO AQALKA HOOSE SOMALILLAND AH OO LAGU DOORAN DOONO MUQDISHO Ilaa 3 kursi oo ka tirsan kuraasta aqalka hoose ee ka harsan gobollada Waqooyi ayaa lagu door an doonaa Magaalada Muqdisho. 2 Kursi oo beelaha Ciise ah iyo Hal Kursi oo Isaaq Toljecle ah ayaa maanta la dooranayaa sida ay Goobjoog News u xaqiijyeen guddiga doorashada dadban

 

Todobaadkan ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo doorashada aqalka hoose ee Somalil and.

AXMED MADOOBE AMAR KUSOO ROGAY DADKA KUNOOL KISMAAYO

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Midoobe oo la hadlay Warb-aahinta ayaa sheegay in shacabka kunool degaanada maamulka Jubbaland laga doonayo in ay gacanta dowladda ay kusoo celiyaan dhulkii ay la aheyd dow-laddii dhexe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin cid haysan karta dhulkaasi , islamarkaana laga rabo dadka haystaa in ay kusoo wareejiyaan maamulka Jubbaland.

Waxaa sidoo kale tilmaamay in dowladdu ay tilaabo ka qaadi doonto dadkaasi hadii aysan Jubba-land usoo gacan gelin dhulkaasi.

Magaalada Kismaayo oo ka mid ah Magaal-ooyinka ugu waa weyn Soomaaliya ayaa dowladdii dhexe waxaa ay ku laheyd dhulal aad u farabadan , waxaana xilliyadii burburka la wareegay Shaqsiyaad gaarka ah oo wali gacanta ku haya.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa horay u sheegay in aysan dadka kunool Kismaayo

DOORASHADA MADAXWEYNAHA OO LAGU WADO INAY DHACDO DHAMAADKA FEBRAAYO

Waxaa soo baxaya inay markale dib u dhici karto doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la qorsheynayay inay dhacdo dhamaadka bishaan Janaayo ee sanadkan cusub.

Caqabado badan ayaa horyaala inay bishaan dhacdo doora shada madaxweynaha dalka, waxaana ugu waaweyn inaan wali dib loo soo dooran ilaa shan xildhibaan oo horey ay u laaleen madaxda madasha qaranka.

Doorashada ayaa la saadaalinayaa inay gaari karto ilaa bisha labaad ee sanadkaan bilowgeeda ama dhamaadkeeda, maadaama shaqooyin badan ay ka horeeyaan.

Marka la doorto guddoonka xildhibaanada aqalka sare ayaa la filayaa inay kulan guud iskugu yimaadaan xildhibaanada golaha shacabka iyo xildhibaanada aqalka sare.

Kulankaasi ayaa la qorsheynayaa in laga soo saaro guddi isku dhaf ah oo ka shaqeyn doona doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkaan.

Arinta dib u dhaca doorashada madaxweynaha ayaa saameyn ku yeelan doonto musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha oo marar badan la kulmay dib u dhaca doorashada.

Waxaa jira musharixiin badan oo dalka dib ugu soo laabtay iyo kuwo dalka ku sugan in muddo ah, marar badanna la kulmay dib u dhacyada doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Maadaama dhamaadka bishaan ay gaareyso doorashada guddoonka xildhibaanada aqalka sa re ee dalka, ayaa waxaa la filayaa in doorashada madaxweynaha ay gaartaa dhamaadka bisha Febr aury.

TALISKA AMISOM OO DALBADAY CIIDAMO DHEERAAD AH OO SOOMAALIYA KA HOWLGALA

Gudoomiyaha ciidamada AMISOM ahna wakiilka gaarka ee Midowga Africa u qaabilsan Soom aaliya ayaa shaaciyay inay u baahan yihiin ciidamo dheeraad ah oo ka howlgala dalka Soomaaliya.

Francisco Madeira, ayaa codsaday ciidamo dheeraad ah oo ka yimaada dalalka Midowga Afri ca kuwaasi oo ka mid noqanaya howlgalka AMISOM ee ka socdo Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007dii.

Wuxuu walaac ka muujinayaa hadalada kasoo baxay dowladda Burundi oo sheegtay inay ciid amadeeda kala baxeyso Soomaaliya, taasi oo dhalisay walaaca ah inay yaraadaan ciidamada AMISOM ee dalka jooga.

Madeira, ayaa sheegay in ku dhawaad sagaal kun oo askari ay u baahan yihiin, kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya howlgalka ka so cdo Soomaaliya.

Wuxuu dhinaca kale sheegay in loo baahan yahay 20 kun oo askar Soomaaliyeed ah oo si hufan ula wareega howlaha ciidamada AMISOM ka qabanayaan dalka Soomaaliya.

Ciidamadaasi ayuu sheegay inay u baahan yihiin inay helaan tababaro dheeraad ah.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli dowladda Burundi ay sheegtay inay bilowday isniintii daraad hann aanka ay ciidankeeda ka badan 5ta kun ugala bixi lahayd Soomaaliya.

BARTAMAHA BOOSAASO OO LAGU DILAY LABO ASKARI

Rag hubaysan ayaa saladii maqrib ka hor gaadmo ku dilay labo askari oo ka tirsan ciidamadda nabadgelyada puntland bartamaha magaallo ganacsiyeedka puntland ee bosaso ee xarunta gobolka bari.

alle ha u naxariistee askarta la dilay oo lagu kala magacaabi jiray maxamed jaamac xirsi yo ba shiir maxamed c/raxmaan, kana mid ahaa ilaaladda bangiga dhexe ee dowladda ayaa wararku shee gayaan in dablaydii dilka gaysatay ay goobta ka carareen.

goobjooge ku sugnaa halka uu dilku ka dhacay ayaa somaliweyn u sheegay in goobta dilku ka dhacay ay hayd bartamaha magaalada bosaso, gaar ahaan wadada weyn oo xiligaas aad u mashquul ahayd, dad iyo baabuur badanina ay marayeen.

" markii hore dhowr xabadood ayaa dhacay, ka dibna rasaas badan oo ciidamadii ku sugnaa halka dilku ka dhacay ay ridayeen ayaa dadkii argagax ku riday, dadkii waratadaa ah iyo kuwii wadada laamiga marayay waa ay kala carareen, jahwareer ka dhacay, intaas ayaan ku sheegi karaa” ayuu yiri goobjoogahan.

xiriir aan lasamaynay isbitaalka bosaso, halkaasi oo la geeyay askartii la dilay, waxayna sara akiisha cusbitaalka noo sheegeen in labada askari midkood isagoo mayd ah la keenay cusbitaalka, halka askariga labaad isagoo dhaawac culus qaba la keenay, hase yeeshee islamarkii la keenay ayay naftu ka baxday.

saraakiishu waxay intaas ku dareen in rasaastu ay askarta ka haleeshay madaxa iyo caloosha, sidoo kale ma jirto madax ka tirsan maamulka gobolka bari iyo dowladda dhexe oo ka hadashay dilka ka dhacay magaaladda bosaso.

gees kale, ciidamada amniga puntland ayaa xiray qaar ka mid ah wadooyinka magaaladda bos aso, waxaana fiidnimada xalay la arkayay askar koox koox u socoto oo xaafadaha magaaladda gaafw areegaya, waxaa kaloo la soo sheegay in guddiga amniga gobolka bari ay shir deg deg ay ka yeeshe en dilalkii u dambeeyay ee ka dhaca bosaso.

gabagabadii, dilalka loo gaystay askartan waxay ku soo beegatay, iyadoo dagaal culus uu habe en hore ku dhexmaray tuulada afurur ciidamadda dowladda puntland iyo maleeshiyaadka alshabaab, waxaana dagaalkaas ku dhintay 7 qof.

MADAXWEYNE SIILAANAYO OO KORMEER KADIS AH KU TAGAY XARUMAHA WASAARADA QAARKOOD

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa daraad kormeer kadis ah oo aan hore loo sii sheegin ku maray hay’adaha dawladda, gaar ahaanna wasaaradda Ganacsiga, wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Waxbarashadda, wasaaradda Warfaafinta iyo Hay’adda shaqaalaha dawladda.

Madaxweynaha waxa kormeerkiisda ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Xo ghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Taliyaha Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada.

Kormeerkan Kediska ah ee Madaxweynaha, ayaa ujeedadiisu ahayd dardargelinta hawlaha Qa ranka iyo u kuurgalka sida ay u socdaan hawl maalmeedka Hay’adaha Xukuumaddu, inkastoo baddi ay ka maqnaayeen wasaaraddaha wasiiraddii masuulka ka ahaa wasaaradaha marka laga reebo was iirka Beeraha oo qudha oo marka uu la kulmay madaxweynuhu.

Goobihii uu Madaxweynuhu daraad subaxnimadii hore booqashada ku tagay wuxuu xog warran ka dhegeystay masuuliyiinta iyo maalmulka Hay’adaha Xukuumadda ee waqtigaa ku sugnaa goobta shaqada ama xarumahooda.

Ugu horayn waxa uu Madaxweynuhu wuxuu kormeerkiisa Kediska ah ka bilaabay Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland, waxaanu Madaxweynuhu war bixin ka dhegeystay WasiirkuXigeenka Wasaarada, Mudane, Axmed Maxamuud Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, mudane, Cabdirashiid Axmed Guuleed, oo uu wehelinayo Wasiirudawlaha Wasaar adda Mudane, Maxamuud Warsame Jaamac. Madaxweynuhuna wuxuu shaqaalaha iyo Masuuliyiinta Wasaaradda ugu duceeyey in ALLAH ku asturo shaqada ay qaranka u hayaan.

Madaxweynuhu waxa uu uga sii gudbay Wasaaradda Beeraha, waxaanu warbixino la xidhiidha shaqada Wasaarada ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Aw Daahir Ibraahim, oo uu wehelinaayo agaasimaha guud ee wasaaradu, isagoo Madaxweynuhu soo kormeeray dhismayaal ka socda Wasaaradda gudeheeda oo loogu talagalay inay noqdaan Xarumaha Shaybaadhka Wasaar adda. Ka dibna Madaxweynuhu wuxuu booqday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, waqt igii uu ku sugnaa Wasaaradda waxaa xafiis xafiis u geeyey sharraxaadna siiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Mudane, Professor Cabdi Cali Jaamac. Madaxweynuhu waxa kale oo uu warbixino ka dhegeystay Agaasimaha Tacliinta Sare iyo qaar ka mid ah Madax qaybeedyada Was aaradda. Ugu dambayntii Madaxweynuhu wuxuu bahada Waxbarshada ugu duceeyey in Alle la qabto dedaalka horumarineed ee ay ugu jiraan tayeynta tacliinta dalka.

Madaxweynuhu wuxuu uga sii gudbay isla markaana uu soo kormeeray Xarunta Hay’adda Sha qaalaha Dawladda, waxana Madaxweynaha halkaasi ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Hay’adda Sha qaalaha Dawladda Mudane Sharmaake Axmed Muxumed (Geelle), oo war bixin dheer Madaxwey naha ka siiyey hanaanka shaqo iyo shaqaalaynta ee ay Hay’addu u qabato Qaranka iyo weliba sida ay ugu cadaalad sameeyaan da’a yarta faraha badan ee hamigoodu yahay inay ka hawlgalaan qayb aha kala duwan ee qaranka Somaliland, wakhtgaa uu madaxweynuhu kormeerka ku joogay hay’adda shaqaalahana waxa ku sugnaa dhalinyaro faro badan oo shaqo tag ah, gudoomiyaha oo madaxwey naha arrintaasi xog ka siiyeyna waxa uu sheegay in uu kefed ka turjumaysa miisaanka xaqa ah ee ay ugu garsooraan shaqaalaha ay miiska u saaran tahay, kuna qanciyaan shacbiga inay ku talogalaan sinaan iyo cadaalad inay kala kulmaan halkan.

Madaxweynuhu wuxuu uga sii gudbay isla markaana uu soo kormeeray Wasaaradda Warf aafinta iyo Wacyigelinta, markii uu gaadhayna waxa Madaxweynaha barxada hore ee Wasaaradda ku soo dhaweeyey Maareeyaha Televisionka Qaranka Somaliland, Khadar Maxamed Cakule oo isagu madaxweynaha warbixin ka siiyey hawlaha shaqo ee wasaaradda, waxaanu madaxweynuhu kormeeray qaybaha kala duwan ee wasaaradu ka kooban tahay isagoo mid walba is dultaagay wa rbixina ka dhegeystay agaasime waaxeedyada iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Axmed Abokor Maxamed iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinat Mudane, Guuleed Cabdi Xasan.

Madaxweynuhuna waxa uu shaqaalaha iyo masuuliyiinta bahda warfaafinta iyo wacyigelinta kula dardaarmay inay dedaalkooda halkaasi ka sii wadaan oo aanay is dhigan.

Waxa xusid mudan in wasaaradihii uu maray madaxweynuhu aanu kula kulmin wasiir jooga xafiiskiisa marka laga reebo wasiirka Beeraha, wasaarada kale waxa warbixino iyo soo dhoweyn ka siiyey shaqadda wasiir ku xigeenno iyo agaasimeyaal guud.

Kormeerkaa Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Dawladda ka dib, Madaxweynuhu waxa uu qadar nasasho ah la qaatay qaybo ka mid ah bulshada Somaliland gaar ahaan kuwii saaka ku sugnaa Hotel Maansoor Hargeysa, oo uu Madaxweynuhu la qaxweeyey dadweyne aan ka filanayn in Madaxwe ynuhu ku soo booqdo goobtaasi isaga oon wax shaqo ama hawl maalmeed ah ku lahayn balse si ked is ah uun uga mid noqday dadweynihii ku sugnaa gudaha Hotelka.

Dadkii ka ag dhawaa goobahaasi ayaa ka dareen celiyey sida ay u arkaan booqashada Madax weynuhu ku yimid Hoteelka, waxaana ka mid ahayd dadkaasi haweenay qurbajooga reer Somaliland ah oo maalmo ka hor dalka Norway ka timid waxaanay tidhi: "Runtii farxad weyn ayey ii tahay shalay inaan halkan kula kulmo Madaxweynaha kuna salaamo aniga oo ka imid wadan fog, muddo yar oo ga abana joogay Somaliland, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inay suurto gal ii noqoto in si kedisa oo lama filaan ah aan kula kulmay Hotel Maansoor shalay madaxweynaha oo aan salaamo farxaday ey I tahay aad iyo aad u weyn, halkana ka maan filayn runtii meel”.

Sidoo Kale waxa isna ka mid ahaa dadkii la kulmay madaxweynaha siyaasi Cabdilaahi Bakayle waxaanu yidhi "Meesha kamaanu filayn madaxweynaha oo sidaanu u fadhinay ayaanu aragnay madaxweynihii kelidii socda, waanu boodnay runtii oo salaanta ayaanu la boobnay qolo ayaanu ku balan sanayn halkan balse tani waxay ku tusaysaa in madaxweynuhu dadkiisa la dhaqmo oo inuu gaar ugu yimaado uu jecel yahay, waxa kale oo ay ina tusaysaa inuu qof caadiya yahay oo goor walba loo tegi karo lana heli karo uu yahay, ummaddiisana keer garaynaya, waana aanu ku soo dhawaynay naa hotel maansoor weliba koofigana anagaa u shubayna shalay kana bixinayna”.

Ma aha markii ugu horaysay ee uu Madaxweynuhu Xarumaha Hay’adaha Xukuumadda iyo me elaha ay bulshadu ku kulanto soo kormeero ee waxa ka horeeyey marar kale oo uu isagoo sidan oo kale ah oo ciidamo la socon iska soo booqday meelaha dadweynuhu ku badan yyihiin.

Madaxweynaha ayaa sidii looga bartay aan wadan gaadiidka faraha badan iyo ciidamo faro ba dan oo inta badan wadada loo xidho, haseyeeshee waxa uu watay gaadhi iska caadi ah,

BOOLISKA TURKIGA OO GABAR SOMALI AH IYO NINKII KA DAMBEEYAY WEERARKII SANADKA CUSUB SOO QABTAY

Ciidamada ammaanka ee Turkiga ayaa habeen hore saqdii dhexe gacanta ku dhigay ninkii ay baadi goobayeen labadii todobaad ee lasoo dhaafay, ninkaasi oo ahaa kii fuliyay weerarkii lagu qa aday baar ku yaal magaalada Istanbul habeenkii sanadka cusub.

Weerarkaasi oo ay sheegatay kooxda xagjirka ah ee Daacish ayaa waxaa lagu dilay 39 qof oo u badan ajaanib ay ku jiraan Carab dalxiis u joogay wadanka Turkiga.

Booliska ayaa sidoo kale habeen hore xabsiga dhigay 4 qof oo kale oo ay ku jiraan sadex haw een ah oo la sheegayo in mid kamid ah ay tahay Soomaali, halka kuwa kalena ay kasoo jeedaan dalal Afrikaan ah sida Senegal.

Weli faah faahin lagama bixin xiriirka ka dhaxeeyey haweenkan iyo ninka weerarka ka geystay Istanbul oo la sheegay in markii lasoo qabanayey inuu sitay lacag aad u badan oo lagu sheegay in ka badan 100 kun oo dollar.

Waa markii ugu horeysay oo qof Somali ah loo qabto weerar argagaxiso oo ka dhacay gudaha Turkiga, waxaana la sugaya weli in shalay ay warbaahinta u soo bandhigaan xog dheeraad ah Saraa kiisha baaritaanka wada. Dadkan ayaa laga soo qabtay magaalada Istanbul, meel 40km u jirta halkii uu ka dhacay weerarka habeenkii sanadka cusub.

KULAN LOOGA HADLAYAY ABAARAHA

Kulan looga hadlayay Daahfurka Qorshaha wax ka qabadka Arrimaha Bani’adanimada Soom aaliya 2017 ayaa shalay lagu qabtay Magalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Kulankan Daa hfurka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cu smaan (Jawaari), ku xigeenkiisa C/wali Sheekh Ibraahim Muudey, Wakiilka gaarka ah Qaramada Mid oobay ee arrimaha Soomaaliya Micheal Keating, Danjirayaasha Midowga Yurub iyo ururka Iskaashiga Islaamka iyo xubno kale. Waxaa sii kordhay tirada dadka u baahan gar gaarka, khatarta ayaa ka sii dareysa taas oo ay sabab u tahay Abaarta sii xumaaneysa ayuu yiri Peter de Clercq Isuduwaha Qara mada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada ee Soomaaliya.

Daahfurka Qorshaha wax ka qabadka Arrimaha Bani’adanimada Soomaaliya 2017 ayaa ku soo aaday xilli ay Abaaro ba’ani ka jiraan dalka, ilaa Shan Milyan oo Qof ayaa u baahan kaalmo bani’aa dannimo.

Isuduwaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada ee Soomaaliya Peter de Clercq ayaa sheegay in calaamadaha muuqda ay muujinayaan kuwii muuqday sanadkii 2010kii iyo 2011-kii, markii ay Soomaaliya ka dilaacday Abaartii darneyd.

"Xaqiiqdii Inta badan caalamadihii ka horeeyay Abaartii 2011 ayaa hadda muuqda, wax badan waxa ay ku xiran yihiin Roobka gu’ga ee la filayo bisha April ee soo socota, balse saadaasha Roobk aasi ma aha mid wanaagsan, sidoo kale waxaa yaraa Roobkii Deyrta, xaaladuna way sii xumaan doon taa maalmaha soo socda maadaama hada la galay xilliga Jiilaalka” Ayuu yiri Peter de Clercq.

Dhanka kale Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cism aan Jawaari, oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Dowladda ay wax kasta oo suuragal ah samayneyso si loogu gurmado dadka Abaarta ay ku habsatay.

Qorshaha waxqabadka arrimaha bani’aadannimada ayaa xoojinaya u diyaarsananta dhibaato oyinka iyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka iyo maamulada hoose si loo yareeyo dhibaato oyinka la saadaalinayo.

AMISOM OO KA HADASHAY SHIL AY KU LUG YEESHEEN CIIDANKOODA

Ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay ka qoomameynayaan shil uu ku lug yeeshay mid ka mid ah baabuurtooda oo ay ku dhinteen dad shacab ah, waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay AMISOM, shilka ayaa ka dhashay baabuur ay saarna ayeen dad shacab ah iyo baabuur AMISOM oo isku dhacay.

"Warbixino horudhac ah ayaa sheegaya in gaari caasi ah oo ay saarnaayeen rakaab uu isku da yey inuu dhinac dhaafo baabuurka AMISOM, hase yeeshee uu ka horyimid gaari kale, kadibna isaga oo ka cararayaa inuu fool ka fool ugu dhaco gaariga kale ayuu gaariga rakaabka ku dhacay baaburka AMISOM” ayaa lagu yiri bayaanka AMISOM.

Waxa ay AMISOM sheegtay in shilkaas uu dhaliyey dhimashada afar qof iyo dhaawaca 14 kale.

"AMISOM waxay si qoto dheer uga qoomameyneysaa shilkan musiibada iyo nasiib darrada ah, waxayna kala kulmeysaa dhacdadan booliiska Soomaaliya, maamulka degaanka iyo odayaasha” ayaa lagu xusay bayaanka. AMISOM waxa ay sidoo kale sheegtay in ayada oo kaashaneysa Hay’ad aha Dowladda Federaalka ah ay baaritaan ku sameyn doonto dhacdadan ayna akhbara dheeri ah oo gudbin doonto.

MAXKAMAD LA HORKEENAY DHALINYARO KUFSI GEYSATAY

Wasaarada Cadaalada Maamulka Puntland, ayaa sheegtay in sharciga la marsiin doono dhali nyaro gaaraysa Lix dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay kufsi ka geysteen duleedka Degmada Goldo gob ee Gobolka Mudug.Agaasimaha Wasaaradda Caddaaladda Iyo Diinta Maamulka Puntland Maxamed Cali Faarax ,oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegey dhalinyarada falkaasi geysatay oo tiro ahaan ahaa lix Sharciga la marsiin doono.Maxamed Cali Faarax Agaasimaha Wasarada Cadaalada Puntland ayaa sidoo kale sheegay inay ka soo horjeesteen in Odayaal iyo Nabadoono ay galaan arintaas,waxaana uu intaas ku daray in Xukunkaasi ay qaadi doonaan Maxkamadaha Puntland sida ku qoran Dastuurka Puntland iyo Xeerka la dagaalanka kufsiga.

Waxaa uu sheegay in howshaas ay doonayeen in ay galaan Odayaal laakiin Maamulka Pun tland ay diideen,islamarkaana maamulka dhameynayo arrintaas iyada oo sharciga la marsiinayo kuwa falkaas ku kacay.

Dhalinyarada lagu eedeeyay falka Kufsi ah inay geysteen ayaa hada waxa ay ku xiran yihiin Saldhiga Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug.

AL-SHABAAB OO TOOGASHO KU DISHEY MID KAMID AH CIIDAMADA UGANDA OO MAXBUUS U AHAA

Ururka Alshabaab ayaa ku soo bandhigay bogaga taageera sawirka iyo muuqaal video ah kaa soo ah dil ay ku fulisay askari u dhashay dalka Uganda oo muddo kabadan sanad maxbuus u ahaa.

Muuqaal kooban oo ay baahisay Alkataa’ib ayaa lagu soo bandhigay askarigan oo magaciisa la gu sheegay Masassa kaasoo ka mid ahaa ciidamadii ka howlgalayay saldhig milatarioo ay ciidamad Uganda ku lahaayeen deegaanka Janaale kaasoo ay weerareen dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab bishii September 2015.

Askarigan ayaa waxaa isagoo ku xiran katiinad waxaa toogasho ku dilaya mid kamid ah Al-shabaab oo dhinaca dambe ka tooganaya.

Ururka Alshabaab ayaa waxaa gacanteeda ku jira askari dhowaan ay ka qafaalatay xero ku ta al degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose.

Lama sheegin halka ay togashadan ka dhacday inkastoo ururka Alshabaab marka uu fulinayo xukumada dilka ah badanaa ku soo bandhiga meel fagaaro ah oo ka mid ah deegaanada ay maam ulaan.

MUSHARAX TARSAN OO HALKU DHEG KA DHIGTEY MID KU DHOW KII DONALD TRUMP

Musharax Madaxweyne Maxamuud Axmed Nuur(Tarsan) ayaa boggiisa Twitterka ah waxa uu ku soo bandhigay halku dheg ku dhow halhayskii Madaxweynaha dhowaan la doortay ee dalka Mar aykanka Donald Trump.

Tarsan oo hore loogaga bartay hadalo kulkulul oo aan lala gaban ayaa waxa uu haatan halku dhigiisa ka dhigtey "Waxaan ka dhigayaa Soomaaliya markale meel ammaan ah.”

Madaxweynaha dalka Maraykanka ee dhowaan la doortay Trump ayaa waxaa halkudhegiisu ahaa "Waxaan ka dhigi doonaa Maraykanka dal weyn,” waxayna ku kala duwan yihiin oo qura eryga Nabad iyo Weyn.

Dalka Soomaaliya oo haatan lagu jiro xilligii ugu dambeeyay ee doorashada ayaa waxaa mu sharaxiinta ay yihiin kuwo dadaal weyn u galaya sidii ay u kasban lahaayeen codadka xildhibaanada baarlamaanka oo dhowaan doortay guddoonka baarlamaanka.

Tarsan ayaa dhowaan soo dhigay bartiisa Twitterka hadal uu ku sheegayo in tartanka xildhiba anada baarlamaanka uu u diiday ugaaska beeshiisa kadib markii uu ka qaatay lacago badan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

QARAX KHASAARO GEYSTAY OO KA DHACAY DEGMADA BAARDHEERE

Wararka laga helayo Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Kooxo hu beysan ay bam gacmeed ku weerareen Hooy ku yaalla halkaasi.

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa ku dhaawacmay kadib markii Dabley hubeysnaa ay bambaano ku tuureen hooy ay halkaasi ka dagan yihiin Ciidamada Dowladda.

Korneel TimoJilac oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa dhacdadan u xaqiijiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Waxuu sheegay Dableydii falkaasi ka dambeysay in ay goobta isaga baxsadeen.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay wadaan howlgallo baaritaano ah oo ku aadan Qaraxaasi.

MAAMULKA GALMUDUG OO KA HADLAY ISKA HORIMAAD KA DHACAY CADAADO

Ugu yaraan 3 Ruux ayaa ku dhintay, 4 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray iska horimaad u dhaxeeyay Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugida ee Maam ulka Galmudug oo ka dhacay Magaalada C adaado ee Gobolka Gal gaduud.

Iska horimaadkan ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugida ay tageen Xarun ay Shir ku la haayeen qaar ka tirsan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Afhayeenka Maamulka Galmudug, C/laahi Xaashi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in Maamulka Galmudug uu horey u mamnuucay in Shirar ay ka dhacaan Magaalada Cadaado.

Waxaa Afhayeenka uu xusay in Habeen hore Ciidamo Nabad Sugid ah ay geeyeen goobaha Maamulka Galmudug ay mamnuuceen in Shirar lagu qabto, islamarkaana halkaasi ay kula Dagaa lameen maleeshiyaad ay wateen Xildhibaanada.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Afhayeen C/laahi Xaashi waxuu tilmaamay in ay jiraan Siyaasiy iin doonaya in xasilooni darro ay ka abuuraan Magaalada Cadaado, balse Maamulka Galmudug uus an arintaasi u dulqaadan doonin, sida uu hadalka u dhigay.

Sikastaba, Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi qaarkood oo siyaasiyiin ay gadaal ka riixayaan ayaa loo arkaa in ay doonayaan burburinta Maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Cabd ikariin Xuseen Guuleed.

SHARIIF XASAN ” SHACABKA KOOFUR GALBEED WAXA AY KU JIRAAN XABSI KOR KA FEEDAN”.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya oo Warba ahinta Magaalada Baydhabo kula hadlaayay ayaa sheegay in loo baahan yahay sida ugu dhaqsaha badan in loo furo Jidka dheer ee isku xira Muqdisho iyo Baydhabo.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa xusay in Shacabka Koofur Galbeed ay ku jiraan wax uu ugu yeeray Xabsiu Kor ka feedan sidaas dartedna loo baahan yahay in laga saaro go’doonkaas.

Waxaana uu baaq u jeediyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kuwaas oo ku tartarsiiyay in waddooyinka deegaanada Maamulka Koofur Galbeed ay isku furaan.

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku soo aadaya xilli deegaanada Maa mulkaas ay weli ku sugan yihiin dagaalyahanada Al Shabaab.

BOGGA CAYAARAHA

ARJEN ROBBEN OO DIIDAY CODSI KAGA YIMID SHIINAHA

Xidigga garabka uga ciyaara kooxda Bayer Munich ee waddanka Jarmalka Arjen Robben ayaa shalay shaaca ka qaaday in uu ku gacan seyray codsi kaga yimid dhinaca Horyaalka Shiinaha oo lagu doonayay in lagu iibsado.

Robben oo 32 jir ah ayaa wada hadallo u socdaan isaga iyo kooxdiisa Bayer, taas oo uu ku do onayo in heshiiskiisa loogu kordhiyo sanad kale illaa June 2018.

"Waqti fiican ayaan la qaadanayaa Bayer Munich, waxaana u ciyaarayaa mid ka mid ah koo xaha ugu wanaagsan caalamka, ma doonayo in aan ka tago anigoo 32 jir ah” ayuu laacibka Holland u sheegay ‘Radio 538’.

"Inaad u wareegto Horyaalka Shiinaha ma ahan wax xiiso leh, waayo taas micneheedu waa in waayahaaga ciyaareed ay u dhamaatay, anigu waxaan doonayaa in aan sii wato ciyaarahayga oo u dheelo kooxaha ugu sarreeya intii karaankayga ah” ayuu sii raaciyay.

"Ma garanayo sababta ciyaartooy da’doodu tahay 27 iyo 28 ay u aadayaan Shiinaha, raggaasi waxay joogeen xilligii ugu wacnaa xirfaddooda ciyaareed, way isku ciyaareen, laakiin kuwa ka sarr eeya 30 jirrada waan garan karaa micnahooda” ayuu sii raaciyay Robben.

"haatan xoogaa Waalli ah ayaa ka socota Shiinaha, waxay soo bandhigayaan dalabyo aad la ru meysan karin, anigu waxaan dalab ka helay Shiinaha, waxaana ay ii soo bandhigeen lacag afar, shan illaa lix jeer ka sarreeya mushaarka aan haatan ka qaato kooxdayda, laakiin lacag ma ahan uje edkayga, kubadda cagta ayaan ka hor mariyaa wax walba” ayuu hadalkiisa ku soo geba gebeeyay Arjen Robben.

NAPOLI OO KU DHAWAAQDAY IN XIDIGGEEDII HORE EE DIEGO MARADONA U MAGACAABI DOONTO SAFIIRKEEDA LAAKIIN WAA MARKA UU…

Milkiilaha kooxda Kubadda Cagta Napoli ee waddanka Talyaaniga Aurelio de Laurentiis ayaa shaaciyay in naadigiisu Safiir cusub u magacaabi doono xidiggii hore ee Napoli Diego Maradona, laak iin waa marka uu xalliyo dacwadda ku furan ee dhinaca Canshuuraha Talyaaniga.

"Aniga ahaantayda, Maradona waa xiddig, isla markii uu iska xalliyo dhibaatada xagga canshu uraha ka heysata waxa uu noqon doona Safiirkeenna” sidaa waxaa saxaafadda u sheegay Madaxw eynaha naadiga Napoli de Laurentiis.

Maradona ayaa haatan ku sugan Magaallada Napoli isagoo habeenkii habeen hore ahaa da aqadda dhismaha uu deggan yahay ka salaamay shacabka magaalladii uu ka dheeli jiray ee Naples.

Diyeeshihii hore ee Napoli, Diego Maradona xilligiisii waxa ay Napoli ku guuleysatay laba Horyaalka Talyaaniga ah 1987 iyo 1990.

Sanadkii 2005 ayaa waxaa Garsoorka Talyaaniga uu Maradona ku soo eedeeyay inuusan si joogto ah canshuur u bixin jirin waqtigii uu ciyaaraha ku jiray isla markaana ay tahay inuu bixiyo 37.2 Milyan oo Euro, laakiin mar dambe ayaa sanadkii 2012 waxaa Maxkamadda Talyaanigu ay ku laab atay dacwaddii Maradona oo ay sheegtay in xoogaa qaladaad ah ka soo bexeen isla markaana la sixi doono.

Maradona ayaa isna dhiniciisa isku difaacaya in aysan ahayn markii ugu horreysay ee lacag la gu sheegto iyadoo horey 40 Milyan oo Euros loogu sheegay in uu iska bixiyo, waxaana dacwaddaha ni dhan uu Maradona ku tilmaamay kuwo aan waxba ka jirin.

EDINSON CAVANI OO XAQIIJIYAY INUU KU DHAWAA DIB UGU LAABASHADA HORYAALKA TALYAANIGA

Weerar yahanka kooxda PSG ee Edinson Cavani ayaa si cad u sheegay inuu ku dhawaa dib ugu laabashada horyaalka talyaaniga.

Edinson Cavani ayaa sheegay inuu go’aansaday ka tagista PSG kadib markii uu kooxda ka waayay inuu ka ciyaaro booska weerarka oo xiligaas uu ka ciyaarayay Zlatan Ibrahimovic.

29 jirkaan ayaa doonayay inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Napoli, laakiin go’aankii uu Zla tan uga tagay PSG ayaa markale ka dhigtay inuu badalo maankiisa.

"Fursad ayaan u haystay inaan dib ugu laabto talyaaniga, marka aad kuguda jirto kubada cagta waxaa dhacaya waxyaabo aadan maamuli karin, kooxda ayaana ah cida iska leh go’aanka” ayuu yiri Edinson Cavani.

"Xiliciyaareedkii hore kama ciyaarayn booska weerarka, waxaan jeclahay inaan ka ciyaaro bo oskaas, taa badalkeeda waxaan inbadan ka ciyaaray boos ka fog xerada ganaaxa”.

"Taas ayeey ahayd sababtii ka danbaysay inaan ku fikiro dib ugu laabashada talyaaniga, laakiin ugu danbayntii waxaan go’aansaday inaan iska sii joogo PSG”.

AFCON 2017: XULKA GHANA OO GARAACAY UGANDA, HOGGAANKANA U QABTAY GURUUB D

Xulkii kaalinta labaad ka galay tartankii hore ee koobka qarammada Afrika ee Ghana ayaa guul ku furtay koobka sanadkan 2017, waxaana 10 ay ku mareen dhiggooda Uganda kulan ka tirsan Qeybta (D) ee Koobka Qaramada Afrika 2017.

Ayew ayaa goolka ay ku adkaadeen Ghana u dhaliyey qeybtii hore ee ciyaarta, kaddib markii uu 32’daqiiqo gool u bedelay rigoore lagu galay Gyan, xulka Black Stars oo qeybta hore 10 ku hog gaaminayey Uganda ayaana la kala nastay.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay ayey labada xul ku guuldarreysteen in ay goolal iska dhaliyaan kulanka ayaana ku soo dhammaaday 10 lagu dubtay xulka Uganda.

Xulka Ghana ayaa hoggaanka u qabtay guruubka D oo ugu dambeeya kulamada lugta hore ee wareegga guruubyada, maadaama labada xul ee guruubkan kula jira ee Mali iyo Egypt ay ciyaarayaan xalay 10:00 habeenimo.

England FA Cup

Barnsley 1 2 Blackpool

Burnley 2 0 Sunderland

Fleetwood Town 0 1 Bristol City

AFC Wimbledon 1 3 Sutton United

Crystal Palace 2 1 Bolton Wanderers

Lincoln 1 0 Ipswich Town

Italy Coppa Italia

Inter 3 2 Bologna

Africa Cup of Nations Group D

Ghana 1 0 Uganda

Mali 0 0 Egypt

Africa Cup of Nations Group A

19:00Gabon? ? Burkina Faso

22:00Cameroon? ? GuineaBissau

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip