SUUQA KALA IIBSIGA: Arsenal, Liverpool Iyo Man City Oo Isku Heysta Ashley Cole-ka Cusub.

0
Saturday November 07, 2015 - 11:51:39 in Sports News by
  • Visits: 1003
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SUUQA KALA IIBSIGA: Arsenal, Liverpool Iyo Man City Oo Isku Heysta Ashley Cole-ka Cusub.

    Manchester City, Arsenal, Tottenham iyo Liverpool ayaa dhamaantood isha ku haya ciyaaryahan lagu sheegay inuu yahay Ashley Cole da' yar oo u ciyaara kooxda Walsall Rico Henry.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester City, Arsenal, Tottenham iyo Liverpool ayaa dhamaantood isha ku haya ciyaaryahan lagu sheegay inuu yahay Ashley Cole da' yar oo u ciyaara kooxda Walsall Rico Henry.

Afarta kooxood ee Premier League ka dhisan ayaa isha la raacaya 18 jirka daafaca bidix Henry kaasoo ka dhex muuqda kooxda heerka seddexaad ee Ingariiska Walsall ee hogaamineysa horyaalka heerka seddexaad isagoo u dhaliyay labo xilli ciyaareedkan. Dhamaan afarta kooxood ayaa daawaday Henry.

Waxa uu sidoo kale ka ciyaari karaa garab bidix oo weerar ah iyo khadka dhexe, waxaana loo magacaabay da’ yarka ugu fiican horyaalada heerka hoose ee Ingariiska ee bishii September.

Qaab ciyaareedyada indho qabadka leh ee uu soo bandhigay ayaana u keentay inuu helo abaalmarin waxaana ay sidoo kale fariin u dirtay kooxaha waa weyn ee Ingariiska ah.

Kooxda Walsall ayaa qandaraas cusub dhawaan ka saxiixday Henry isagoo saxiixay ilaa 2019 laakiin kooxda heerka seddexaad ayaa ku tashaneysa in dhawaan uu xiddigaan gacantooda ka bixi doono.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip