Nabadsugida oo gacanta ku dhigtay Shabakad Ku Howlaneed Daabicista Lacag Doolar Faalso Ah
Howlgal ay xalay Ciidamada Hay'adda Nabad suggida ee NISA ka sameeyeen degmada Waaberi ee magaalada muqdisho waxa ay ku qabteen Koox burcad ah oo Guri ku yaalla degmadaasi ku sameynaayay Lacag Doolar been abuur ah.
Hay’adda NISA ayaa Sheegtay ay la wareegtay Warshaddii iyo Qalabkii lagu dhaqayay Lacagahaasi Been Abuurka ah, iyadoo Xabsiga loo taxaabay ilaa lix ruux oo lagu tuhmaayo in ay ka shaqeynaayeen Warshadda.
Taliska NISA wuxuu sheegay in howlgalka ay Ciidamadu Fuliyeen uu ku dhintay Askari katirsan Ciidamada midkalana uu kaga dhaawacmay kadib markii Kooxda Burcadda ah ay isku dayeen in ay iska Caabiyaan Ciidamada.
Ciidamada Nabad suggida ayaa habeenadii lasoo dhaafay howlgallo ka waday Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.