Wiil uu dhalay Madaxweynaha la-doortay ee Gambia oo u geeriyooday qaniinyo Eey.

0
Tuesday January 17, 2017 - 14:30:00 in Wararka by
  • Visits: 438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil uu dhalay Madaxweynaha la-doortay ee Gambia oo u geeriyooday qaniinyo Eey.

    Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay inuu geeriyooday wiil 8 jir oo ka mid ah shanta carruur ee uu dhalay Madaxweynaha la-doortay ee Gambia, Aadama Barrow ee 51-jirka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay inuu geeriyooday wiil 8 jir oo ka mid ah shanta carruur ee uu dhalay Madaxweynaha la-doortay ee Gambia, Aadama Barrow ee 51-jirka ah.

Wiilka yar oo la oran jirey Xabiibu ayaa la sheegay inuu geeriyooday maalintii Axadda ee la soo dhaafay, xilli loo sii waday Isbitaal ku yaalla Degmadda Manjai oo u dhow caasimadda dalkaasi ee Banjul, si looga soo daaweeyo dhaawacyo ka soo gaaray qaniinyada eey.

Madaxweynaha La-doortay ee Adama Barrow ayaana ka qeyb gelin Aaska Wiilkiisa, waxaana lagula taliyey inuu sababo dhinaca Ammaanka darteeda ugu sii nagaado dalka Senegal.



Waxaana la filayaa inuu Senigal sii joogo ilaa Khamiista soo socoto, oo ku beegan xilligii loo caleemo saari lahaa Madaxtinimadda uu ku guuleystay doorashadii dhacday bishii la soo dhaafa.

Balse, Madaxweynaha xilka ka degi lahaa ee Yaxya Jaamac ayaa ku gacan sayray Natiijadda Doorashadaasi, wuxuuna dacwad u gudbiyey Maxkamadda Sare ee Gambia, si loo joojiyo Caleemo-saarka Madaxweynaha Cusub.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip