Gefka Hablaha: Geeridii dhaqanka soomaaliyeed

0
Monday January 16, 2017 - 23:31:24 in Maqaallo by
  • Visits: 1542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gefka Hablaha: Geeridii dhaqanka soomaaliyeed

    "Ummaddeennu jidkii Kii islaamnimadii Ahabtii faralkii Asalkii dhaqankii Isirkeedu lahaa Way ka soo ambatoo Aarankay dubatoo Hablihii Ololaa ku socda"– Hadraawi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ummaddeennu jidkii Kii islaamnimadii Ahabtii faralkii Asalkii dhaqankii Isirkeedu lahaa Way ka soo ambatoo Aarankay dubatoo Hablihii Ololaa ku socda"– Hadraawi

Bulshada soomaaliyeed sooyaalkeeda marka dib loo eego, waxa jirtay waqti ay saddex shay ugu qiimo badnaayeen geyiga soomaaliyeed, kuwaasoo ahaa ‘Gabadh, Geel iyo Gamaan’ oo la macne ah waxyaalaha ugu qaayaha badnaa ee bulshada soomaaliyeed xeerin jirtay isla markaasna ilaashan jirtay oo ay difaaci jirtay. Maanta xaalku waa si kale oo ayaandarrada ku habsatay dhaqankii gobta ahaa ee soomaaliyeed ayaa ah, inGabadhiinoqotay shay liita oo aan la difaacayn. Waana astaan ayaan odhan karaa lagu garan karo in dhaqankii soomaaliyeed kawaanka saaran yahay oo uu dhimanayo. Hablaha sidii xoolihii dowladdii difaaci lahayd iyadii iibsatay ee Sacuudiga laga iibiyey, Hablaha maalin walba baraha bulshada ka dhex ooyaya ee carruurta lagu dayacay iyo naftoodiiba, iyo ugu danbayn kufsiga inanta yar ee bahalnimada ahaa iyo habkii loogu faafiyey warbaahinta iyo baraha bulshada – intaas oo dhan waa astaan geeridii dhaqanka soomaaliyeed. Oo haddii dhaqankii soomaaliyeed wali nool yahay ama caafimaad qabo intaas midna maysan suuroowdayn in ay dhacdo. Ragga intaas oo foolxumaa u geysanaya dumarka soomaaliyeed, iyagu miyeysan lahayn Aabbe, Adeer, Abti iyo Awoow ka qabta xumaha iyo gabboodfalka dhedigga? Hablahu miyeysan lahayn rag dhalay, kuwo la dhashay, kuwo ay dhaleen iyo kuwo ay u dhaxeen oo siiya caddaalad sharaftoodana difaaca?

"Gef hadduu ku dhaco dumar

Ama inan la gaasiro

Raggu saw kii guban jiray

Hubka saw kii guran jiray

Gabadh OOYDA saw kii

GEERIDA ka xigi jiray?!”– Xassan Xaaji Cabdillaahi "Xassan Ganey”.

Dhaqankii soomaaliyeed maxaa ku dhacay? Kufsiga bahalnimada ah ee loo geystay inanta yar waa mid wadnaha gilgilaya. Bulshada oo dhan ayeey dhacdadan ugubka ah dareenkeeda kicisay. Hase ahaatee in badan oo ka mida bulshada gef kale ayeey ilmihii yaraa ee sida bahalnimada ah loo kufsiday u geysteen, kaas oo ah in sawirkeedii iyo filinkii sii faafiyaan oo meel walba la geliyo. Waa arrin labaad oo ku tusaysa sida dhaqankii u gaddoomay oo aan waxba loo xeerinayn – dhaqan iyo diin midna.



Gefka saddeexaad ee gabarta la kufsaday, iyo kuwii ka horreeyey ee la dhoofiyey loo geystay, waa iyadoo lagaaamuso; oo ay ka aamusaan waxgaradka iyo culimada ummadda soomaaliyeed. Gabadha soomaaliyeed marka wax laga celinayo (oo sax ah) waa la maqlaa codka culimada iyo waxgaradka, waxaa sidoo kale sax ah iyana in codka waxgaradka iyo culimada si dheer loo maqlo marka gef iyo gabboodfal loo geysto dumarka – maanta waa in ay arrintan ugubka ah ka hadlaan, ka gubtaan kana gilgishaan. Sida muuqata kaalintii dhaqanka ee illaalinta iyo difaaca hablaha meesha way ka baxday ee yeysan iyana meesha ka bixin oon la waayin kaalintii diinta iyo culimada.

Gefka afaraad waa in la yiraahdo, bulshada soomaaliyeedeey gabarta yar ee la kufsaday dhaqaale haloo arruuriyo; gabarta la kufsadaycaddaaladayeey u baahantahay in raggii sida bahalnimada ah u kufsaday tiirka la geeyo oo sharciga la hor keeno, uma baahna dhaqaale ururin. Dhaqaale arurinta caddaalad ku gadashada ah caddaalad maaha ee waa gef.

W/Q Samsam Cilmi Shabeel, MSc in Sociology & Social Work

E-mail: zamzam_shabeel@hotmail.com





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip