Karim Benzema Oo Macsalameyn Kara Ciyaaraha Qaramada Yurub Ee 2016.

0
Saturday November 07, 2015 - 11:50:04 in Sports News by
  • Visits: 969
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Karim Benzema Oo Macsalameyn Kara Ciyaaraha Qaramada Yurub Ee 2016.

    Kiiska lagu heysto Karim Benzema kaliya hanjabaad kuma ahan mustaqbalkiisa Real Madtid, weeraryahanka reer France ayaa sidoo kale xiddig u ah qarankiisa waxaana ay dhaawici kartaa ka qeyb qaadashadiisa koobka qaramada Yurub ee France lagu qabanayo xa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kiiska lagu heysto Karim Benzema kaliya hanjabaad kuma ahan mustaqbalkiisa Real Madtid, weeraryahanka reer France ayaa sidoo kale xiddig u ah qarankiisa waxaana ay dhaawici kartaa ka qeyb qaadashadiisa koobka qaramada Yurub ee France lagu qabanayo xagaaga danbe. Baaritaanka socda ee ka dhanka ah Benzema ayaa waxaa ku jirta inuusan ka agdhawaan karin Mathieu Valbuena oo ah ninka ay sheekada oo dhan ka bilaabatay, waxaana kiiskaan uu madax xanuun ku noqon karaa tababare Didier Deschamps.

Tababaraha xulka qaranka Faransa ayaa weeraryahanka Real Madrid iyo kubadsameeyaha Lyon u arka inay muhim u yihiin qorshayaashiisa, waxaana haatan uu wajihi doonaa dhibaato haddii aysan cadaalada Faransiiska xukumin Benzema.

Tababaraha ayaan u soo yeeranin labada ciyaaryahan kulamada saaxiibtinimo ee ay la ciyaarayaan Jarmalka iyo Ingariiska 13ka iyo 17ka bishaan November. Sababaha waxaa lagu sheegay in Benzema uu dhaawac yahay iyo in Valbuena uusan haatan u ciyaareynin Lyon islamarkaana niyadiisa aysan deganeyn madaama xaalad cusub ay la soo gudboonaatay.

Dhibaatada ayaase ah in labadaan xiddig oo ku jira qaab ciyaareed fiican inay boos joogta ah ka heystaan xulka Faransiiska shantii sanno ugu danbeysay. Madaama ay iska soo agdhawaan karin sida ay maxkamad xukuntay Deschamps ayaa lagu qasbi doonaa inuu midkood xusho.

Waxaana ay taasi dhaawici kartaa fursadaha France oo ah xulka martigelinata koobka, iyagoo haatan loo arko inay ugu cadcad yihiin hanashada koobka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip