CRISTIANO RONALDO: Waxaan ahay Laacibka Kubadda Cagta ee Adduunka ugu Wanaagsan

0
Friday November 06, 2015 - 21:52:05 in Sports News by
  • Visits: 945
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CRISTIANO RONALDO: Waxaan ahay Laacibka Kubadda Cagta ee Adduunka ugu Wanaagsan

    Ciyaaryahanka dalka Portugal u dhashay, Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuu yahay laacibka adduunka oo dhan ugu wanaagsan kubbadda cagta, lana barbardhigi karo ciyaaryahannadii taariikhda kubbadda cagta Adduunka ugu wanaagsanaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahanka dalka Portugal u dhashay, Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuu yahay laacibka adduunka oo dhan ugu wanaagsan kubbadda cagta, lana barbardhigi karo ciyaaryahannadii taariikhda kubbadda cagta Adduunka ugu wanaagsanaa.

Waraysi uu Ronaldo siiyay BBC sportsa yuu ku sheegay inuu gaaray heer aanay sahlnayn in la dhaafo, iyadoo ciyaaryahankan uu u ciyaaro kooxda Real Madrid ee dalka Spain ka dhisan.

Laacibkan reer Portugal oo 30 jir ah waxaa uu saddex jeer ku guulaystay laacibka sannadka ee kubbadda cagta Adduunka, wuxuuna goolasha ugu badan taariikhda u dhaliyayNaadiga Real Madrid.

"Uma baahni inaan iraahdo waxaan ku jiraa taariikhda kubbada cagta Adduunka ee waxaan ahay taariikh. Tirada goolasha aan dhaliyay ayaa wax walba kuu sheegi kara," ayuu ku yiri Ronaldo wareysiga uu siiyay BBC sports.

Ronaldo oo kooxda Real Madrid ay Manchester United kaga iibsatay £80 milyan oo geniga Ingiriiska ah sannadkii 2009-kii, ayaa xusay inuu ciyaarta ka gaaray heer aan la rumaysan karin siddeeddi sano ee lasoo dhaafay, uuna doonayo inuu sii ciyaaro 5-ta ama 6-da sano ee soo socda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip