SOOMAALIYA OO DOORANEYSA MADAXWEYNE, IMISE MUSHARRAX AYAA U HANQAL TAAGEYSA (WARBIXIN )

0
Wednesday December 28, 2016 - 11:07:14 in Wararka by
  • Visits: 865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOOMAALIYA OO DOORANEYSA MADAXWEYNE, IMISE MUSHARRAX AYAA U HANQAL TAAGEYSA (WARBIXIN )

    Doorashooyinka Guddoomiyeyaasha iyo Kuxigeennaada Aqalka Sare iyo Aqalka hoose oo marar badan dib u dhacday ayaa waxa laga yaabaa inay qabsoonto bilowga bisha January, sanadka 2017, halka doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay qabsoomi karto Januar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashooyinka Guddoomiyeyaasha iyo Kuxigeennaada Aqalka Sare iyo Aqalka hoose oo marar badan dib u dhacday ayaa waxa laga yaabaa inay qabsoonto bilowga bisha January, sanadka 2017, halka doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay qabsoomi karto January 17 ama January 27 sida saadaasha ay ku bixiyeen xeel dheerayaal faaqida arrimaha siyaasadda iyo amniga .

Doorashada oo Afar waqti oo loo muddeeyay ay dib u dhacday sababo lagu sheegay arrimo farsamo, ayaa dalka gelisay xaalad jahawareer siyaasadeed oo niyad jabisay musharixiin badan oo u xanqal taagayay xilka Madaxtinimo ee dalka .Dalka Soomaaliya ayaa galay  markii ugu horeysay tan iyo gobonnimadii Soomaaliya 1960 iyo qaran burburkii dalka ( 1991-2000)  waxa lagu sheegay (Power vacuum) marxalad banaan oo aan sharciyad ku dhisneyn oo ah ( September 11, 2016 – January, 2017).

Xildhibaannada Aqalka Sare oo tiradoodu dhan tahay 72 xubnood, halka kuwa Aqalka hoose ay yihiin 275 Mudane, ayaa fadhi wadajir ah ku dooran doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee hogaamin doona dalka iyo dadka Soomaaliyeed muddo afar sano, waajibkiisa ugu weyna uu yahay in dalka uu gaarsiiyo doorasho ay dadweynuhu ka qeyb qaataan oo ah (qof iyo cod) , Afti u qaadidda dastuurka, dib u heshiisiinta, ka mira dhalinta wadahadallada Xukuumadda Federaalka ay la leedahay Maamulka Somaliland kahor doorashooyinka guud iyo Aftida dastuurka, dhisidda Maxkamadda dastuuriga, sugidda ammaanka, dhismaha iyo qalabeynta ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya (XDS) si ay ula wareegaan amniga guud ahaan dalka kahor inta aaney AMISOM ka bixin dalka.

Musharixiin ay tiradooda ku dhowdahay illaa iyo 30 ruux oo u badan siyaasiyiin iyo ganacsato ayaa isku soo taagay xilka Madaxtinimada Jamhuuriyadda, hayeeshee weli si rasmi ah looma diiwaan-gelin, waxaase la sugayaa Guddi baarlamaani ah oo la magacaabi doono, kaasi oo u howlgali doona soo bandhigidda shuruudo adag oo ay ka qeyb tahay lacag xaddigeedu sareeyo oo dhan ($30,000 USD) iyo la imaanshaha saxiixa illaa iyo 20 Xildhibaan sida ay ku xog warameen ilo madax banaan oo lagu kalsoon yahay.

HALKUDHIGYADA MUSHARIXIINTA

Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ayaa intooda badan ku soo bandhigay aragtiyadooda Website-yada, baraha bulshada, Wargeysyada, Idaacadaha iyo Telefishannada, waxaase jira qaar badan oo boorar waa weyn oo sawiradooda oo uu ku lamaansan yahay halkudhig ku mutay/surtay goobaha ugu istiraatiijisan ee Caasimadda Muqdisho.

Halkudhigyada aanu haleelnay ee saameynta leh , waxaa ka mid ah :

1- Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud

"Qabyo qofkeeda ayaa dhammeystira”

2- Xildhibaan, Cabdulqaadir Cosoble Cali

"Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan”

3- Xildhibaan, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke

"Xasilooni siyaasadeed”

4- Mudane, Jabriil Ibraahim Cabdulle

"Hogaan cadaalad iyo Hal qaran baan rabnaa”

5- Mudane, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

"Dad isku tashaday ayaa dowlad noqon kara”

6- Mudane, Shariif Sheekh Axmed

" Waxaa naga go’an isbadal siyaasadeed oo dhab ah”

7- Mudane, Maxamed Cabdullaahi Maxamed "Farmaajo”

" Danta Dalka iyo Dadka”

8- Mudane, Cali Maxamed Geedi

"Isbadal siyaasadeed, ammaan iyo horumar dhaqaalle”

9- Mudane, Shariif Xasan Sheekh Aadan

"Si midnima ah ayeynu ku gaari karnaa nabad, cadaalad, horumar iyo hogaan suuban”

10- Mudane, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed

" Isbadal siyaasadeed oo taabagal ah”

11- Mudane, Cali Xaaji Warsame

" Cadaalad, Horumar, Amni”

12- Cabdinaasir Cabdulle Maxamed

" Dhammaan waxaanu nahay walaallo, waxaa noo hanti ah wadanka”

" Garab istaag dalkaaga”

13- Xildhibaan, Cabdullaahi Cali Axmed "Cadow Cali Gees”

"Bad baadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed”

14- Xildhibaan, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud "Faroole”

" Nabad, Cadaalad, Horumar iyo Sinnaan”

15 Danjire, Maxamed Cali Nuur "Americo”

" Cadaalad, sinnaan, dal dhisid iyo shaqa abuur”

16- Mudane, Cabdicaziiz Xasan Giyaajo "Camalow”

" Dib u hano Soomaaliya”

17- Mudane, Maxamuud Axmed Nuur "Tarsan”

" Aan Tashanno, iskuna tashanno”.

18- Mudane, Saciid Cabdullahi Maxamed "Deni”

" Siyaasad ku dhisan dad iyo dal dhisid”

19- Mudane, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi

" Dib u heshiisiin dhab ah”

20- Mudane, Maxamed Cabdullaahi Nuur "Garguurte”

"Wax qabad muuqda iyo la xisaabtan dhab ah”

21- Mudane, Maxamed Cabdirizaaq Maxamed Abuukar

" Si wadajir ah aan ugu hiilinno Soomaaliya”

" Si wadajir ah aan u gaarno guusha aan gacanteena ku keeni karno”

GUUXA DOORASHADA

Waxaa ka soconaya Muqdisho olole xoogan oo leh saan saan isbaheysiyo qarsoon, kuwa isbadal doon ah iyo dhinacyo kale oo taageeraya Madaxweynaha waqtigiisu idlaaday Xasan Sheekh Maxamuud inuu sii joogo Madaxtooyada "Villa Somalia”.

Dadka faaqida siyaasadda, waxa ay ku sheegeen in haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku guuleysto doorashada ay ka dhigan tahay diiwaan cusub oo uu furay markii  ugu horeysay dib loogu doorto Madaxweyne mar la tijaabiyay.

Dadka qaar ayaa sheegaya in ay adag tahay guul uu hanto Madaxweyne Xasan Sheekh haddii doorashada la isla gaaro wareegga seddexaad oo uu la kulmi karo guluf isbaheysiyo isbadal doon ah oo raja dila damaciisa in markale dib loo doorto.

Illaa iyo hadda Muqdisho waxaa ka socda kulamo musharixiintu la yeelanayaan Xildhibaannada laga soo kala doortay Maamul goboleedyada kala ah Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland, waxaase kulamadaas barbar socda kuwa kale oo qarsoodi ah oo la isku dhaariyo, lana kala galo balamo/ ballan-qaadyo.

Faallo bixiyeyaashu waxa ay ku sheegeen in tobanka (10) musharax ee xilka Madaxweyne-nimo loo filan karo inay safka hore ka noqdaan doorashada ayaa kala ah :

1- Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud

2- Xildhibaan, Cabdulqaadir Cosoble Cali

3- Xildhibaan, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke

4- Mudane, Jabriil Ibraahim Cabdulle

5- Mudane, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

6- Mudane, Shariif Sheekh Axmed

7- Mudane, Maxamed Cabdullaahi Maxamed "Farmaajo”

8- Mudane, Cali Xaaji Warsame

9- Cabdinaasir Cabdulle Maxamed

10- Xildhibaan, Cabdullaahi Cali Axmed "Caddow Cali Gees”

Waxaa la isku hayaa shakhsiyaadka ka mid noqon kara Afarta musharax ee ugu dhibca sareeya, kuwaasi oo midkood heli kara taageero ballaaran oo codad ah bilowga wareegga seddexaad ee doorashada oo ah kan soo afjaraya natiijada, laguna shaacin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku guuleysta doorashada.

Shacabka Soomaaliyeed oo niyadjab xoog leh uu ka muuqdo ayaa indhaha ku haaya qaab socodka doorashada marar badan dib u dhacday, waxa ayna daneynayaan in doorashadu noqoto mid daah furnaan leh oo ka fog musuq maasuq iyo wax isdaba marin, waxaana la arkayay todobaadkan dhalinyaro badan oo fariimo wacyi gelin ah u diraya Xildhibaannada la doortay oo ay kula dardaarmayaan in codkoodu yahay codka shacabka, ayna doortaan nin gudan kara amaanada, xilkasnima leh , dalkiisa iyo dadkiisana ugu adeega si daacad ah.

Xigasho:Jowhar.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip