WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 1- SEPTEMBER 2015-KA

Tuesday September 01, 2015 - 09:40:30 in Wararka by
  • Visits: 1228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 1- SEPTEMBER 2015-KA

    MADAXWEYNAHA MAREYKANKA OO MAGAC CUSUB U BIXIYAY BUURTA UGU DHEER MAREYKANKA Madaxweynaha Mareykanka, Brack Hussein Obama, ayaa magaca ka bedelay buurta ugu dheer dalkaasi, wux uuna dadka ugu yeeray in hadda ka dib loogu yeero Denali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA MAREYKANKA OO MAGAC CUSUB U BIXIYAY BUURTA UGU DHEER MAREYKANKA Madaxweynaha Mareykanka, Brack Hussein Obama, ayaa magaca ka bedelay buurta ugu dheer dalkaasi, wux uuna dadka ugu yeeray in hadda ka dib loogu yeero Denali.

Buurtan oo dhirarkeeda lagu sheegay 6,100m, ayaa kolkii hore waxaa loogu yeeri jiray McKinley. Denali waxaa 40 sano ka hor loogu yeeri jiray Gobolka shalay loo yaqaano Alaska.

Madaxweynaha Mareykanka, ayaa habeen hore si rasmi ah ugu dhawaaqay Denali in uu noqonayo magaca loogu yeeri doono buurta ugu dheer dalka Mareykanka.

Is bedelkan taariikheed, ayaa imanaya fasaxa saddexda maalmood ee ugu horeyso, ee Madaxweynaha uu ku joo ggo Gobolka Alaska.

Brack Obama, ayaa tallaabadan ku dhaqaaqay xilli 16 bilood ay uga harsan tahay mudada uu xilka ku magaca aban yahay, waxayna ku soo beegmaysaa, iyadoo uu xifaaltan adag kala dhaxeeyo Xisbiga Jamhuuriga.

Warbaahinta Mareykanka, ayaa sheegtay in dadku aragtiyo kala duwan ka qabaan magaca cusub, uu Aqalka Cad Mareykanka u bixiyay buurta ugu dheer Waqooyiga Mareykanka.

RA’IISULWASAARAHA SOOMAALIYA OO SHALAY SOO XIRAY SHIRKII WADA-TASHIGA QABYO-TIRKA DASTUURKA DALKA..

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali ayaa shalay soo Xiray Shirkii Labada Maalmood Socday ee looga Tashanayay Dhameystirka Dastuurka dalka, kaasoo ay ka Qayb-galeen Xubno ka socday Bulshada Rayidka ah ee Gobolada iyo Degmooyinka dalka, sida wakiilo ka socday Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koofur-Galbeed, Shabeell ada Hoose, Hiiraan iyo Banaadir.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dastuurka; iyadoo looga Tashanayay sidii Bulshada Rayid ka ah ay Qayb uga Qaadan laheyd Qabyo tirka Dastuurka Dalka.

Gabagabadii Kulanka ayaa laga soo saaray 14-Qodob oo ay bulshada Rayidka ah u Aragtay inay ku Haboon ta hay in lagu kordhiyo Dastuurka dalka, maadaama uu yahay qabyo, loona baahan yahay in ka hor 2016-ka qabyo tir lagu sameeyo dastuurka.

Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa sidoo kale Ballan qaaday inay Qayb weyn ka Qaadan doonaan sidii bulshada Soomaaliyeed ee Gudaha iyo Dibadda ku sugan loo Fahamsiin lahaa dasatuurka, looguna Wacyigelin lahaa Dhowr istiisa.

R/W. Sharma’arke oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa xusay muhiimada wadatashiga uu u leeyahay dhamey stirka Dastuurka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Bulshada Rayidku ahi ay laf dhabar u yihiin qabyo tirka dastuurka, maadaama ay yihiin dad dhexdhexaad u ah Bulshada Soomaaliyeed, una adeega.

"Dalkeenna waxa halkan dhigay waa Xasillooni darro siyaasadeed, Waxa shalay aanu ka shaqeyneynana waa sidii loo Dhameystiri lahaa Dastuurka dalkeenna, si loo helo Xasillooni Siyaasadeed, maadaama Dastuurka dalku Qeex ayo Awoodaha Dastuuriga ah," ayuu yiri Sharma’arke oo sidoo kale, kula dardaarmay Wakiilladii Bulshada Rayidka ahaa inaysan ku saleyn siyaasad iyo rabitaan shaqsi, balse ay ku saleeyaan Danaha Ummadda iyo Wacyiga Dalka.

Ugu dambeyn, R/W. Cumar ayaa yiri. "Mudada yar ee aan haysano, waxaa nalooga fadhiyaa inaan ku Dhameyst irno Dastuurka, isla markaana Dalka loo helo Nidaam Suuro galin kara Doorasho, Maadaama aan la socono inaysan dalka shalay ka dhici karin doorasho Qof iyo Cod ah."

Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Gabagabadii kula dardaarmay Ummadda Soomaa liyeed in wax kasta oo dani ay ugu jirto dalka loo waajaho si Wadajir ah oo Wadatashi ku dhisan.

HOWLGAL AY CIIDAMADA DOWLADDA IYO AMISOM KA SAMEEYEEN GALGUDUUD OO AY DADI KU DHINTEEN

Ugu yaraan Siddeed qof ayaa ku Dhintay Howlgallo ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya ay shalay ka sameeyeen Deegaan Ceel qooxle ee Gobolka Galguduud oo Qiyaastii 30-km u jira degmada Ceelbuur.

Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur, Col. Nuur Xasan Guutaale oo BBC-da u Warramayay shalay ayaa sheegay in Howlgalkan uu ahaa mid Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo weerar kusoo qaaday deegaanka oo uu ka socday shir lagu heshiisiinayo dad iska dilay khilaafyo beeleed la isaga dilay.

Balse, Wararka laga helayo Deegaanka Ceel-qooxle ayaa sheegaya in Dadka lagu Dilay Howlgalkaas uu ku jiro Sheekh Tafsiirka Qur’aanka ka akhrin jiray Masaajid ku yaalla deegaankaas.

"Wadaadka Allaha u naxariisto howlgalka ayuu ku dhintay, laakiin dadka kale ee lagu dilay howlgalka waxay dhamaantood ahaayeen Al-shabaab, kuwaasoo ahaa kuwo soo weeraray deegaanka, ka dib markii ay 4:00 habeenimo ee habeen hore ay si rasmi ah gudaha ugu galeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM,” ayuu mar kale yiri Guddoom iyaha Degmada Ceelbuur.

Sidoo kale, Col.Guutaale oo la weydiiyay inay ciidamadoodu weerareen deegaan uu ka socday shir lagu heshii sinayo beelo ay xurgufi dhex martay ayaa xusay in uusan jirin warkaas; balse uu ahaa mid looga Hor-tagayo Xoogag Al-shabaab ka tirsan oo doonayay inay shacabka deegaanka si khasab ah ku xukumaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Howlgalkan lagu soo xirxiray labaatameeyo qof, kuwaas oo ciidamadu ay u qaa deen deegaanada ay Gobolka Galguduud kaga sugan yihin; kuwaas oo la sheegay inay ku jiraan Ugaasyo iyo Waxg arad.

Col. Guutaale oo wax laga weydiiyay dadkan la Qab qbatay inay ku jiraan Dad waxgarad iyo ugaasyo ah ayaa be eniyay taas, wuxuuna xusay inay yihiin dad caawinayay Al-shabaab, inakstoo uusan sheegin tallaabadan laga qaadi doono.

Al-shabaab oo iyadana Dhankeeda ka Hadashay Howlgalkan ayaa sheegtay inay Ciidamada Itoobiya ugaasyo iyo waxgarad ka qafaasheen deegaanka Ceel-qooxle oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud, laakiin ma sheegin wax khasaare nafeed ah oo howlgalkan ka dhashay.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur, Col. Guutaale ayaa xusay inaysan jirin wax khasaare ah oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka soo gaaray Howlgalka ay ka sameeyeen Gobolka Galguduud.

SARKAAL BOOLISKA KA TIRSAN OO SHALAY LAGU DILAY MAGAALADA MUQDISHO

Sarkaalkan, ayaa barqanimadii shalay waxaa lagu dilay Degmada Dharkiinley Ee Galbeedka Magaalada Muq disho, xilli uu la socday gaarigiisii gaarka ahaa.

Saddex nin oo mooto/dhugdhugley la socday, ayaa si boobsi ah ugu dhufatay dhowr xabadood, waxaana mark iiba u suurta gashay inay ku baxsadaan mootadii ay wateen

Raggan oo aan haybtoodu la aqoonsan, ayaa sidii caadada ahayd waxay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka gayst een, oo daqiiqado ka dib ay gaareen Ciidamada Booliska & Nabad Suggida.

Dilka oo saamayn ku yeeshay dadka Deegaanka, ayaa waxaa dhanka kale la sheegin cid ay u soo qab qabteen Nabad Suggida & Booliska, marka laga soo taggo hawlgal waqti yar qaatay, oo ay halkaasi ka sameeyen. Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Ciise Macalin Yariis, ayaa ahaa Madaxii Dembi Baarista Booliska Ee Degmada Dharkiinley.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO AQBALAY IN SOMALIYA AY CIIDAN U DIRTO DALKA YEMEN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii 3-aad booqasho ku joogga Wadanka Emirate-ka Carabta, ayaa aqbalay in Soomaaliya ay ciidan u dirto Yemen.Wadamada Khaleejka, ayaa wada qorshe ciidan ka socdo Wadamada Jaamacadda Carabta loogu diraayo Yemen, si talladii dalkaasi dib loogu soo celiyo gacanta Dowladda uu hogaamiye Madaxweyne Abd Rabbuh Mansur Hadi.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Emirate-ka Carabta, Khalifa bin Zayed Al Nahyan, ayaa si dhow waxay kaga wada hadleen xaaladda murugsan ee Yemen ka jirta iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Madaxweynaha Emirate-ka, ayaa dhigiisa Soomaaliya ka codsaday inay Soomaaliya ciidan u dirto dalkaasi, si ay qayb kaga noqdaan dagaalka lagula jiro Xoogaga Shiicada Yemen Ee Xuuthiyiinta.

Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu soo dhaweeyay in Soomaaliya, ay Ye men u dirto ciidan gaaraya lix illaa sideed kun oo askari. Ciidamadan waxay ka kala imaan doonaan Maamul Goboleed yada Soomaaliya ka dhisan, waxaana dhaqaalaha bixinaya Emirateka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/salaam Hadliye Cumar, oo ka mid ah xubnaha la socda Madaxweynaha, ayaa sheegay in labada Madaxweyne ay ka wada hadleen arrimaha dalka Yemen.

"Arrimaha Yemen ayaalaga hadlay, horeyba waan u sheegnay inaan ogolnahay in dib xukunka loogu soo celiyo Dowladdii Sharciga ahayd ee Madaxweyne Abd Rabbuh Mansur Hadi. Waxaanu u sheegnay inaan weli garab taaga nahay Ciidamadooda dagaalka kula jira Kuwa argagixisada ah iyo kuwa diidan in Yemen ay nabad noqoto.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka, ayaa sidoo kale yiri "Anaga danweyn ayaa noogu jirta dalka Yemen, waa wadan aan isku daariiq nahay, waa dal Muslim ah waa dal horey gacan u siiyay Soomaaliya intii burburka uu Jiray, waxa uuna soo dhaweeyay toddobo boqol oo kun oo qaxooti Soomaali ah oo dalkaas waqti hore miciinbiday.”

Wasiir Hadliye oo la hadlay Radio Muqdisho, ayaan soo hadalqaadin arrinta la xiriirta in Soomaaliya ay ciidan u direyso dalkaasi Yemen iyo in kale, marka laga soo taggo in Soomaaliya danweyn ugu jirto dalkaasi.

Dad badan, ayaa is weydiin kara goorta ay Soomaaliya gaartay inay ciidan u dirto dal ay dagaalo sokeeye ka soco nayan, haddii dalkeeda ay ku sugan yihiin in ka badan 22 kun oo askar shisheeye ah.

XUKUUMADDA SHIINAHA OO BILLOWDAY OLOLE LAGULA DAGAALAMAYO DADKA INTERNET-KA KU FAAFIYA BEENTA

Xukuumadda Shiinaha ayaa billowday in ay Ciqaabto dadka beenta ku faafiyaha baraha Internet-ka, iyadoo 197-qof oo ay Dowladda Shiinuhu u aragtay inay warar aan sax ahayn ku faafiyeen Internet-ka ayaa la ciqaabay.

Dowladda Shiinaha ayaa sidoo kale xirtay 165 bar Internet, iyadoo Xukuumadda Beijing aysan weli sheegin inta uu socon doono ololahan dadka beenta faafiya lagula dagaalamay.

Billowgii bishan ayaa la xiray wiil 18-jir ah oo kaasoo xirnaa shan casho, ka dib markii uu qoray war been ah oo ku saabsan in Qaraxii kii-mikada ee Tianjin ay ku dhinteen 1300 oo Qof.Laakiinse, Xukuumadda Shiinaha ayaa sheegtay in dadkii ku dhintay Qaraxyadii ka dhacay Tianjin ay ku geeriyoodeen 150, tiro kale oo intaas ka badanna ay ku dhaaw acmeen.

Dhinaca kale, wariye u shaqeeya Wargeys wax ka Qora dhaqaalaha ayaa isagana la xiray ka dib markii la sheegay inuu Qoray warbixin Saadaalinaysa in Xukuumadda Shiinaha ay joojin doonto lacagta ay ku kabto Suuqa Saamiyada Shirkadaha oo uu Qiimahoodu hoos u dhacay.

Xukuumadda Beijing ayaa sheegtay inay doonayso inay joojiso wararka beenta ah ee lagu baahiyo baraha internet-ka, kuwaasoo ay xustay inay shacabka ku nool dalkaas u keenaan walaacyo fara badan.

Ugu dabmeyn, Dadka dhaleeceeya Xukuumadda Shiinaha ayaa ka Walaacsan sharciga ay dowladdu ku adkayn ayso waxa lagu qoro Internet-ka, inay tahay mid loogu Talagalay in lagu tirtiro dhaleecooyinka loosoo jeediyo Xisbiga Hantiwadaagga ah ee talada dalkaas haya.

WASIIRKA GAASHAANDHIGGA OO TABABAR U SOO XIRAY SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDAMADA XOOGGA DALKA

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa shalay xero ku taala deegaanka Jaziira tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed oo halkaas tababar ku qaadanayay muddo dhawr bilood ah.

Ciidankaan ayaa isagu jira Booliska Dableeyda iyo Saraakiil cusub oo ka mid noqonaya Xoogga dalka Sooma aliyeed, waxana sidoo kale munaasabadda xiritaanka tababarka ka qayb galay Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka So omaaliyeed S/G Daahir Aaden Cilmi, Saraakiil ka socotay Midowga Yurub iyo AMISOM oo tababarka qayb ka mid ah bixinayay.

Ugu horeyn, Wasiirka ayaa la hadlay Ciidanka Booliska Dableyda ee tababarka dhamaystay isagoo kula dar-daa rmay in ay la yimaadaan karti iyo hufnaan, wuxuna tilmaamay in Booliska Dableey ay yihiin Ciidanka ugu horeeya ee laga arko dal iyo kartidiis maadaama ay iyagu u xil saaran yihiin soo dhaweynta madaxda Soomaaliya uga imaanaya Caalamka iyo ilaalinta xarumaha Qaranka.

"Ciidanka shalay taba-barka aan u soo xirnay waa ciidan aqoon iyo karti lagu soo xulay, dhamaantoodna waxay tusaale u yihiin sida ay nooga go’an tahay inaan dhisno ciidan leh muuqaal qaran, kana go’an tahay difaaca dalkooda. Waxaana sharaf u ah dawladda Soomaaliya iyadoo taageero ka helaysa beesha Caalamka inay soo xirto tababarkaan oo soconayey mudo afar bilood ah, waxaana kalsooni buuxda ku qabnaa in ciidankaan ay noqon doono kuwo soo celiya sharaftii iyo kala danbeyntii Qaranka Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Diini.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa ku bogaadiyey saraakiisha tababarka dhameystay, wuxuuna tilmamay in saraakiishan saldhiga u yihiin aasaaska ciidan Qaran oo lagu soo xulay aqoon iyo kartidooda gaar ka ah.

"Waxaan u mahad celiyaan cid walba oo gacan ka geystay tababarka aad qaadateen, waxa la idinku soo xushay ee shalay la idiin saaray mas’uuliyadaas weyn waa difaaca dalkiina Hooyo, in aad ku soo biirtaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxay tilmaam cad u tahay sida mar walba ay nooga go’an tahay inaan dib u dhisno ciidan leh tayo iyo tababar ku filan. Shalay laga bilaabo waxaad tihiin saraakiil ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed, waana in ay idinka muuqataa masuuliyadaas idin saaran” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa saraakiisha ku boorriyay in laga doonayo in ay si wanaagsan u hoggaamiyaan qey baha lagu qoray , isagoo xusay sidoo kale in looga baahan yahay inay u diyaar garoobaan ciribtirka kooxaha Nabad-diidka ah. Saraakiisha Tababarka dhamaystay ayaa lagu hor dhaariyey Wasiirka Gaashaandhigga, waxuna isla goobta ugu xiray min labo xidiggood.

QARAMADA MIDOOBAY OO SHEEGTAY IN WELI SOMALIA AY KA JIRAAN XAALADO NOLOLEED OO KHATAR AH

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay weli ka jirto Soomaaliya xalaad bani’aadamnimo oo khatar ah, kaddib abaarihii afar sannadood ka hor ku dhuftay Somalia, iyadoo xustay inay jiraan dad badan oo u baahan gargaar deg-deg ah.

"Heerka Cuntoyaraanta iyo Nafaqodarrada Somalia weli waa mid khatar ah. Hay’adaha Gargaarka iyo dalalka Deeq-bixiyeyaasha ayaa waxaa ka horjoogsaday inay xaaladda wax ka qabtaan dagaallada ka socda qaybo ka mid ah dalka,” ayuu Mas'uulka QM u Qaabilsan Gargaarka bani’aadamnimo ee Somalia, Peter de Clercq. Isagoo intaas ku da ray. "Xaaladda dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya ayaa ah mid walaac gaar ah leh.”Sidoo kale, Clercq ayaa intaas ku daray in tirada dadka u baahan gargaarka ay kor u kacday 17% marka loo eego lixdii bilood ee lasoo dhaafay, taasoo ah mid u dhiganta 731,000 Qof illaa 855,000 oo qof; sida lagu xusay warbixin ay soo saartay shalay hay’adda FSNAU.

Hay’adda FSNAU ayaa intaas ku dartay in roob yaraani ay sababtay inay beeraha kasoo go’i waayaan miro fiican, taasina ay sababtay in 251,000 oo carruur ah ay lasoo daristay naf-aqo-darro – kuwaasoo 40,000 oo ka mid ah ay qarka u saaran yihiin xaalado nololeed oo khatar ah iyo dhimasho.

Qaramada Midoobay ayaa Warbixinteeda ku Xustay in Xaaladda Bani’aadamnimo ay Weli walaac badan leed ahay, iyadoo xustay in sannadkii 2011-kii ay abaartii ka dhacday Soomaaliya u dhinteen in ka badan 250,000 oo qof.

"Inkastoo wax badan laga qabtay xaaladaha bani’aadamnimo ee Soomaaliya ayaa Haddana waxaa jirta in dad ku dhow 3-milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo oo deg-dega ah,” ayaa mar kale lagu yiri warbixinta QM ay soo saartay shalay.

Warbixinta ayaa lagu Xusay in Murannada Siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda Dowladda Soomaaliya ay sii Adkeeyeen Khatartaha dhanka Bani’aadamnimada ah ee ka jira Soomaaliya; iyagoo xustay inay khatar taha yin wax lag aqabto xaaladda jirta.

Ugu dambeyn, Warbixinta Qaramada Midoobay ee ku aaddan Xaaladda Soomaaliya ka jirta ee dhanka bani’aad amnimada ayaa ah middii saddexaad oo ay sanadkan oo keliya soo saaraan hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale Caalamiga ah.

KHUBURO KA DIGTAY IN QOFKU XOGTIISA SAXDA AH UU KU KEYDSADO SHABAKADDA FACEBOOK-GA

Ujeeddada ugu muhiimsan ee Facebook-ga ayaa ah in dadku ay ku Wadaagaan macluumaad ku saabsan nolosh ooda, waxaana ka hor inta aadan shabakadan ku soo biirin lagu weydiinaya su’aalo dhowr ah, taasoo shabakaddu ay u aragto in amniga akoonkaaga lagu sugayo.

Haddaba halkan waxaan idin kugu soo gudbanaynaa dhowr sababood oo aadan ugu baahnayn in akoonkaaga facebuugga aad galiso macluumaadkaaga saxda ah ee adiga kugu saabsan, sababo la xiriira in la loo dhici karo safaxa daha shabaka-ddan.

Ma ahan fikir wanaagsan in aad taleefonkaaga gacanta galiso safaxaddaada face-book-ga, waxaana tani ay sahl a ysaa in kooxaha Internet-ka ka qaraabta ay macluumaadka adiga ku saabsan si sahlan ula baxaan ,isla markaana u adeegsadaan si khaldan.

Tuugada Internet-ka Waxaa Taleefankaaga Gacanta ay uga Faa'iideysan karaan inay ku raadiyaan sa-faxad aadda Facebuug-ga ,taasi oo suurtagal ka dhigi karta in macluumaadkaaga ay dibadda u baxaan.

Reza Moaiandin oo ah baare dhinaca amniga Internetka ah ayaa sheegay in lambarkasta oo laga isticmaalo dala lka Maraykanka, Ingiriiska iyo Canada, isla markaana lagu kaydiyo Faceboogga si fudud lagu heli karo.

Waxa uu sheegay haddii uu doono in macluumaadka uu ka helo akoonada Facebook-ga uu ka gadan karo suuqa madow ee Internet-ka, wuxuu xusay in isticmaalayaasha shabakadan looga baahanyahay in lambaradooda ay qariyaan.

Sidoo kale; waxaa la sheegay in haddii aad galiso Facebook-gaaga halka aad ku nooshahay ay keeni karto in lala socdo dhaq dhaqaaqaada, sida marka aad soo dhigayso sawirro, ka hadlayso fasaxaaga iyo marka aad waxyaabo cu sub soo gadato, waxay khubarada internet-ka ay ku taliyeen in aad facbuug-gaaga ka saarto ciwaanka gurigaaga hadii aad kal horeba galisay.Isku day in Facbook-ga aadan ku qorin halka aad ka shaqayso ,hadii qof aad isku meel ka shaq aysaan uu isku dayayo inuu eego Facebook-ga, waxaa dhacda in inta badan akoonka aad leedahay uu ku arko sawir ama post aad horey u samaysay oo uusan jeclaysan.

Si lamid ah tani waxa ay sahlaysaa in kooxaha internet-ka ay u dhacaan kombiyuutarkaaga shaqada ,akoona daada internetka ,iyadoo kooxaha internetka jabsada ay doorbi doonaan akoonka uu qofku ku leeyahay shabakadda Linkedin.

Ugu dambeyn, Arrinta ugu xiisaha badan ee Mowduucan ayaa ah in laga digayo inaad akoonkaaga facebook-ga galiso kaarkaaga bangiga ,waxaana tani ay suuro-gal ka dhigaysa in si sahlan ay dad kala duwani u maamushaan xisaa btaada sida qof ka mid ah qoyskaaga iyo waliba asxaabta kugu dhow dhow.

WASAARADDA WAXBARASHADA OO SOO BANDHIGTAY ARDAYDA KU GUULEYSTAY DEEQAHA WAXBARASHO

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee XF Soomaaliya ayaa shalay soo bandhigtay liiska ardayda Soo maaliyeed ee ku guuleystay Deeqo Waxbarasho ee Jaamacadeed, kuwaasoo isugu jirta kuwa gudaha ah iyo dibadda.

Ardayda Deeqaha Waxbarasho ku guuleystay oo tiradoodu tahay 290-arday ayaa Waxay u kala heleen sidan: 80-arday oo Deeq Waxbarasho loogu dirayo Suudaan, 70-arday oo Deeq Waxbarasho ka helay Itoobiya, 110-Arday oo De eq Waxbarasho ka helay Jaamacadaha ku yaalla Gudaha Soomaaliya iyo 30-Arday oo Deeq Waxb-arasho ka helay Ja amacada Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho.

HADDABA, HOOSE KA AKHRISO LIISKA ARDAYDA KU GUULEYSTAY DEEQAHA WAXBARASHO IYO SIDA AY UGU KALA GUULEYSTEEN;

1

Deeq Waxbarasho Waddanka Suudaan

 

80-ARDAY

2

Deeq Waxbarasho Waddanka Itoobiya

 

70-ARDAY

3

Deeq Waxbarasho Jaamacadda Ummadda

 

30-ARDAY

4

Deeq Waxbarasho Jamaamadaha Dalka

110-ARDAY

 

 

GOLAHA WASIIRADA GALMUDUG OO LA ANSIXIYEY

Baarlamaanka Galmudug ayaa cod aqlabiyad ah ku meelmariyey golaha wasiirada uu dhawaan soo dhisey mad axweynaha maamulkaasi Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Kalfadhiga Baarlamaanka Gal-mudug waxaa fadhidey 69 mudane, waxaa xukuumadda u codeeyay 66 Xildhibaan halka sadex kale oo kala ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad gobolleedka galmudug iyo labadiisa kuxigeenna ay san codkooda dhiiban.

WASAARADA ARRIMAHA GUDAHA OO KU DHOWAAQDAY IN SHIRKA MAAMUL U SAMEYNTA HIIRAAN IYO SH/DHEXE DIB LOO DHIGAY

Wasaarada Arrimaha Gudaha Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in dib loo dhigay shirkamaa mul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Afhayeen Wasaarada Arrimaha Gudaha C/fataax Daahir Mire ayaa sheegay in sababo badan awgeed dib loogu dhigay shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Hase yeeshee afhayeenku ma carabaabin xilliga la qaban doono shirka oo la qorsheynayay in uu bilowdo 1da bisha September.Taasoo shaki weyn gelinaysa qabsoomida shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/ dhexe.

Qabashada shirkan ayaa waxaa hareeyay khilaafyo isdabajoog ah waxaana shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe lagu heshiin waayay qaabka loo soo xulayo guddiga farsamada shirka.

Guddoomiyaasha labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe C/fataax Xasan Afrax iyo Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa labaduba waxa ay haatan ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.

Kenya oo sheegtay inay muhiim tahay in la ogaado halka ay ku maqan yihiin dhalinyarada laga waayay Mombasa

Ka dib markii ay soo shaac baxday in la waayay laba boqol oo ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan Magaalada Mombasa, ayaa waxay Dowladdu dalbatay in la ogaado halka ay ku maqan yihiin dhalinyaradaasi.

Dhalinyaradan oo sanadkii hore laga qab qabtay Masaajido ku yaala Magaaladaasi, ayaa waxaa dhawaan laga sii daayay Xabsiga Dhexe Mombasa, markii waalidiintoodu ay sheegeen in dhalincelin u samayn doonaan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaiserry, ayaa wuxuu sheegay in uu magacaabay Gu ddi baaritaan ku sameeya, sababta dhalinyaradaasi looga waayay Magaalada Mombasa.

Wasiirka oo gaaray Magaalada Mombasa, ayaa sheegay Guddigu inay yihiin kuwo runta u sheegi kara bulshada reer Kenya, si loo ogaado halka ay jaan iyo ciriba dhigeen dhalinyarada la la’yahay.

Wasiirka oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Mombasa, ayaa markale ku celiyay dhalinyarada reer Kenya ee ku biirtay Al Shabaab, in weli ay haystan fursad ay kaga soo bixi karayan Al Shabaab, dibna ay isugu soo dhiibi karaan Dowladda.

Wasiirka, ayaa laamaha amniga ugu yeeray inay si wanaagsan ula macaamilan dhalinyarada, haddii ay doonayan inay isaga soo taggaan Al Shabaab, dibna ugu soo laabtan guryahooda.

Hay’adaha amniga Kenya, ayaa waxaa lagu dhaliilaa in iyagu ku khasbayan dhalinyarada inay ku biiraan Al Shab aab. Ciidamada amniga ayaa si aan wanaagsanayn ula dhaqma dhalinyarada ku nool Gobolada Xeebta & Waqooyi Bari Kenya.

MADAXWEYNAHA: "BOOQASHADA AAN KU TAGNEY IMAARAADKA CARABTA WAXAY AHAYD GUUL U SOO HOYATEY QARANKA SOOMAALIYEED''

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, ka dib markii uu soo dhameystey booqasho rasmi ah oo uu ku tegey dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa intii u halkaasi joogay kulan rasmi ah la yeeshay dhaxal sugaha dowladda Imaaraadka Car abta, Sheeekh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan, oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya lab ada dal.

Madaxweynaha oo xubnaha wafdigiisa ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibedda, Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Cali Axmed Jaamac (Jangeli), ayaa sidoo kale xaley kulan gaar oo looga hadlayey dhinacyada ay labada dal sida dhow isaga kaashan karaan la yeeshay Wasiiru Dowlaha Arri maha Dibedda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Dr Anwar Al-Gargarsh.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda Imaaraadka Carabta ayaa kulamadaasi isku afgartey in la kor dhiyo taageerada la siinayo Soomaaliya ee dhinacyada dib u dhiska, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale kulamadooda uga wad ahadley xal u helista mashaakilaadka ka taagan dalalka Carabta, gaar ahaan Yemen, iyadoo si gaar ah ay dowladda Soomaaliya u sheegtay inay taageersan tahay xukuumadda dalka Yemen ka dhisan ee uu horkacayo Madaxweyne Abd Rabbuh Mansur Hadi.

Kulamadaasi ayaa Madaxweynaha waxaa uu ku tilmaamey inay ahaayeen kuwo mira dhal ah, qiimo weyna ugu fa dhiya qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddo omiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole, ururrada bulshada iyo mas’uuliyiin kale.

BAARLAMANKA SOOMAALIYA OO SHALAY ANSIXIYAY HINDISE SHARCIYEEDKA SHAQAALAHA AJAANIBTA

Mudanayaasha Baarlamanka soomaaliya ayaa Shalay ansixiyay hindise sharciyeedka Shaqaalaha Ajaanibta oo Mudooyinkii ugu dambeeyay si aad ah ay kaga doodayeen

Tiro xildhibaano ah ayaa Shalay soo xaadirtay kulankii Baarlamanka soomaaliya ay Shalay ku yeeshteen xarunta Golaha shacabka soomaaliya ee Magaalada caasimada Muqdisho

Kulankii Shalay lagu ansixiyay Hinside sharciyeedka shaqaalaha ajaanibta waxaa shir Gudoominaayay gudoom iye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamanka soomaliya Mahad Cabdale Cawad waxaana soo xaadirtay ilaa 146-mudane

Saxiixa arintaan ayaa Laga sugayaa Madaxweynaha soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxamuud

WARAABE WEERARAY WIIL 15-SANO JIR AH OO KU SUGNAA DEEGAAN KA MID AH SOOMAALILAND

Wararka ka imaanaya deegaanka Mandheera ee gobalka Saaxil ayaa waxay sheegayaan in Waraabe uu weer aray wiil 15-sano Jir ah, kaasi oo la sheegay inuu baadi goob ugu jiray Ari reerkooda ka maqnaa.

Wiilkaan ayaa dhaawac culus uu ka soo gaaray weerarkii waraabaha, waxaana la sheegay in uu habeen hore ku dhintay Isbitaalka Magaalada Barbara.

Shukri oo ah Hooyada dhashay wiilkaan ayaa sheegtay, in wiilkeeda isaga oo dhaawac halis ah ay ka dhigeen Waraabihii koox dhalin yaro ah oo la sheegay in ay meeshaasi ka dhawaayeen, kuna baxeen qeylida wi-ilkaasi.

"Wiilka Ari maqan ayuu doonay, anigane ma ogeyn, ka dib qeylidii iyo dhalinyaradii ka riday Waraabaha ayaan ku soo baxay, dhaawacyada waxa ay kasoo gaareen Madax iyo Gacmaha, laakiinse dhaawacii ayuu u dhintay” ayeey tiri Hooyo Shurkri.

Deegaanka Mandheera ee Soomaaliland ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ku soo badanayay Wara-abayaal, kuwaasi oo horay u dhaawacay dad xoolo dhaqato ah

WAA URAY MAGACII MADAXWEYNE, HADDIIBA HABAR WALBA AY SHEEGATAY MADAXWEYNE. {MAQAAL:-DOOD FURAN AH DOOD AH KA DHIIBO FEKERKAAGA}

hal kalebaaxxzdsfcx Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha Soomaaliland, Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Jubba-land, Madaxweynaha K/G, Madaxweynaha Galmudug, Madaxweynaha Khaatumo iyo Madaxweynayaal kale oo jidka ku soo jira ayay leedahay Soomaaliya, Madaxweyne walba wuxuu leeyahay Calan u gaar ah iyo Astaan miyuusiq oo loo garaaco, waa amar Madaxweyne waana qasab mar walba oo Madaxweynuhu baxayo ama uu imaanayo in roog gaduudan (cas) loo dhigaa isla markaana si mug leh loogu soo baxaa haddii kale Madaxweynuhu wuxuu qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan. Dhaqan ahaan Madaxweynayaasha Soomaaliya waxay ka siman yihiin Musuq-maasuq, Ku takri- fal Awoodeed, Caburin Siyaasadeed, Balan qaadyo Maran, Kursi Jaceyl, Daacadnimo la’aan, Is- mahadin, Xushmo daro iyo iney u caroodaan ruuxii aan ugu yeerin Madaxweyne, hawsha ay inta badan isku dhabar jabiyaan waa Naceybka, Colaada iyo Dhufayska uu mid walba uga jiro Madaxweynaha kale, xariif kasta wuxuu jecel yahay inuuu iska dhig-dhigo ama uu matalo Madaxweynihii Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga Soomaaliya ahna Xoghayihii guud ee Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed ee xilligiisii wada xukumayay Dalka oo dhan, gedigood waa Kali-taliyayaal hadafkoodu uu yahay sidi ay Xilkooda u sii xajisan lahaayeen.

1 hal3 dax La yaab waxaa leh marka ay is booqanayaan, Madaxweyne walba waxaa caado u ah inuu dhinac istaago Calanka uu samaystay, muuqaal ahaan waxay u ek yihiin labba (2) Wadan oo Madaxweynayaashoodu ay is booqanayaan, haddii aad dhagaysato khudbadahooda waxaa ka dha-dhansan kartaa inuu mid kasta iskiis u yahay Dawlad Madax banaan, Dawladda Itoobiya ayaa marti qaad rasmi ah ii fidisay, Madaxweynaha Kenya ayaa heshiis la soo galay, Shir caalami ah oo arimaha Soomaliya looga hadlaayo ayaa ka qeyb galayaa, Beesha caalamka waa inaysan soo fara galin arimaha Dawladayda iyo ereyo kale ayay la soo indha cad yihiin Madaxweynayaasha faraha badan ee Soomaaliya.

Sharci ahaan sida ku qoran Dastuurka Federaalka Soomaaliya wuxuu qeexayaa Dalku inuu yahay Wadan Federaal ah, Dawlad Goboleedyaduna ay hoos tagayaan Dawladda dhexe, magac kastaa ha loo bixiyee Hor joogayaasha Maamul Goboleedyaduna ay ka hoos shaqeynayaan Madaxweynaha Qaranka, tilmaantaasi cidna kuma dhaqanto, Madaxweyne kasta qumanahiisaa qoorta u suran, talaabooyinka uu qaadayana waa mid isaga u qaas ah, mana jiryo Madaxweyne xaq dhawr u haya Madaxweynaha Dawladda Dhexe in ay isku dhereriyaan mooyee.

Sida muuqata Qiimihii, Sharafkii, Heybadii, Hab maamuuskii iyo Tixgilintii uu lahaa Magaca Madaxweyne maanta ma jirto, runtiina xilligaan magacaasi waa URAY mar haddii ay habar walba sheeganayso Madaxweynanimo, nasiib daro magacaasi wuxuu ka mid noqday magacyadii horey u Nah-beelay (qiima dhacay) sida Ugaas,Taliye, Gudoomiye, Malaaq, Wasiir, Masuul sare, iyo Dattore, kuwaasi oo iminka loogu yeero haddba ruuxii shilimaad laga doonayo.

Soomaaliya ma qaadi karto Toban Madaxweyne iyo wax la mid ah, waa ayaan daro Soomaaliya oo ah Dal yar iyo Dad kooban iney lahaato tirada Madaxweynayaasha intaasi la eg, wey fiicnaan lahayd in caqligu shaqeeyo si xal loogu helo Madaxweynayaashaan is bar-bar yaacaya, tallo ahaan horey waxaa loo soo jeediyay in Wadanku uu lahaado Madaxweynaha Qaranka oo kaliya, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadana loo helo magac bixin kale, balse arintasi waxaa lugta ku dhuftay qaar ka mid ah Hogaamiyaasha ay madax martay in loogu yeero Madaxweyne.

F.G: (WAA DOOD FURAN) mar haddii lagu wada waashay in Madaxweyne la wada noqdo, tuulo kastana ay doonayso iney ku dhawaaqdo Madaxweyne u gaar ah, feker ahaan side baa lagu kala saari karaa Madaxweynaha Qaranka iyo Madaxxweynayaasha kale, magaca Madaxweyne ma wada sidanayaan (qaadanayaan) oo sidiisa maa loogu deynayaa mise erey bixin kale ayaa loo heli karaa Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, maxa ey tahay talladaada?

"FADLAN ILA WADAAG FEKERKAAGA XALAASHA AH”.

WQ: C/Laahi Xasan Axmed (Shiikhaalow)