Kooxda Isbuucaan Ugu Wanaagsan Champions League-ga Oo Lasoo Saaray, Imisa Xidig Ayaa Kooxdaada Uga Jirta?
Todobaadkaan wuxuu ahaa kii afaraad ee koobka Horyaalada Yurub, iyadoo dhamaan kooxaha waaweyni ay gaareen guulo, balse Goal.com ayaa sameysay kooxda ugu wanaagsan isbuucaan.
Shaxdaan
waxaa goolka u galay goolhayaha reer Spain ee Manchester United David De
Gea kaas oo badbaadooyin aan caadi aheen sameeyay kulankii CSKA Moscow,
waxaana ku wehliya oo ka tirsan Man United xiddigaCris Smalling.
Kooxaha Juventus,
Atletico Madrid, Paris Saint Germain iyo Barcelona ayaa ku yeeshay
shaxdaan min hal xidig waxaana laga soo qaatay: Neymar, Di Maria,
Lichtsteiner iyo Diego Godin, halka kooxda Manchester City ay ku
yeelatay laba xidig Fernandinho iyo Sterling.
Bayern Munich oo xalay xasuuq u geystay kooxda Gunenrs ayaa xidigaha ugu badan ku yeelatay waxaana laga soo xulay David Alaba, Thiago Alcantara iyo Thomas Muller.
Kaliya Di Maria oo ka tirsan Paris Saint Germain ayaa ku jira shaxdaan kaas oo ay kooxdiisaguuldaro la kulantay, halka Atletico Madrid ay qudheeda barbaro gashay balse Godin ayey ku yeesheen.