Barcelona Oo Qatar Ugu Jirta Iney Mar Sadexaad Ganaax Kala Kulanto UEFA Xilli Ay Jamaahiirtooda Ku Oriyeen Heesta UCL Iyagoo Sii Waday Soo Bandhigista Calanka Xornimad-Doonka Catalonia

0
Thursday November 05, 2015 - 12:38:11 in Sports News by
  • Visits: 976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona Oo Qatar Ugu Jirta Iney Mar Sadexaad Ganaax Kala Kulanto UEFA Xilli Ay Jamaahiirtooda Ku Oriyeen Heesta UCL Iyagoo Sii Waday Soo Bandhigista Calanka Xornimad-Doonka Catalonia

    Kaliya maahan Jamaahiirta Manchester City dhibaatada ugu weyn ee heesta koobka horyaalada yurub madama ay Jamaahiirta kooxda Bulgarana ku oriyeen heesta u gaarka ah koobkaan sidoo kalana ay soo bandhigeen calanka xornimad-doonka gobolka Catalonia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaliya maahan Jamaahiirta Manchester City dhibaatada ugu weyn ee heesta koobka horyaalada yurub madama ay Jamaahiirta kooxda Bulgarana ku oriyeen heesta u gaarka ah koobkaan sidoo kalana ay soo bandhigeen calanka xornimad-doonka gobolka Catalonia.

Jamaahiirta kooxdaan Camp Nou ka dhisan ayaa foori iyo orin isugu daray heesta koobka Champions League kulankii ay xalay guusha ka heleen kooxda BATE Borisov, waxaana soconaya dagaalkii u dhaxeeyay kooxdaan iyo UEFA.

Camp Nou

UEFA laba jeer ayey ganaaxday kooxdaan markii ay Jamaahiirteeda ciyaaraha koobka horyaalada yurub kusoo bandhigeen calanka xornimad-doonka Gobolka Catalonia.

Catalonia

Waxaa la ganaaxay 21,000 kun Oo Pound oo u dhiganta 30,000 kun Euro dhamaadkii xili ciyaareedkii hore markii ay Jamaahiirteeda calankaan kusoo bandhigeen Finalkii koobka ee ka dhacay Berlin, sidoo kalana mar kale ayaa lagu ganaaxay markii ay soo bandhigeen kulankii Bayer Leverkusen ee xagaagan.

Labadaan ganaax kan labaad kooxdaan waxey ka qaadatay racfaan, balse mar kale ayey muujiyeen wixii lagu ganaaxay.

Dhanka kale waxaa jirtay in laba ka mid ah Jamaahiirta Barcelona ayusoo labisteensida muuqaalka carbeed kuwaas soo bandhigay fariin ay u wadeen Sepp Blatter madaxweynaha xiriirka kubada cagta Aduunka.

Blatter

Ugu dambeyntii Ergayga UEFAKarl-Erik Nilsson ayaa ku sugnaa Camp Nou markaas oo ay Jamaahiirta kooxdaan sameeyeen xad gudubkaan weyn, balse gudiga UEFA ayaa go’aansan doona hadii ay kooxdaan mar sadexaad ganaaxi doonaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip