Ivan Rakitic Oo Dhaawac Looga Saaray Kulankii BATE Borisov Ee UCL, Miyuu Seegi Doonaa El-Clasico?

0
Thursday November 05, 2015 - 12:35:24 in Sports News by
  • Visits: 963
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ivan Rakitic Oo Dhaawac Looga Saaray Kulankii BATE Borisov Ee UCL, Miyuu Seegi Doonaa El-Clasico?

    War aan wanaagsaneen ayaa usoo yeeray Jamaahiirta Barcelona madama Ivan Rakitic la qiyaasay inuu mudo bil ah garoomada ka maqnaan doono

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War aan wanaagsaneen ayaa usoo yeeray Jamaahiirta Barcelona madama Ivan Rakitic la qiyaasay inuu mudo bil ah garoomada ka maqnaan doono

Xidigaan reer Croatia ayaa dhaawac looga saaray kulankii ay Bulgarana 3-0 ku muquunisa BATE Borisov daqiiqadii 18-aad ayaana lagu badalay Munir El Haddadi kadib markii lugta midig uu dhaawac kasoo gaaray.

Dhamaadkii ciyaarta Barcelona ayaa xaqiijisay in dhaawac dabiici ah uu yahay isla markaana halistiisa leh waxaana la qiyaasay inuu mudo bil ah garoomada ka maqnaan doono tasoo ka dhigan inuusan soo xaadiri doonin kulanka El-Clasico.

Kulanka ugu weyn kubada cagta ayaa sanad walba laba jeer ama in ka badan dhexmara kooxaha Barcelona iyo Real Madrid wuxuuna sanadkaan dhici doonaa 21-ka November.

Rakitic
Ugu dambeyntiina Barcelona ayaa ka walwalsan dhaawacyada Messi, Rafinha iyo Douglaskuwaas oo horay kooxda uga maqnaa.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip