Dilal Qorshaysan oo Xalay Ka Dhacay Degmooyin Ka Tirsan Gobolka Banaadir

0
Sunday December 25, 2016 - 11:02:04 in Wararka by
  • Visits: 511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dilal Qorshaysan oo Xalay Ka Dhacay Degmooyin Ka Tirsan Gobolka Banaadir

    Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir waxaa xalay ka dhacay dilal qorshaysan oo loo geystay dad shacab ahaa iyo askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir waxaa xalay ka dhacay dilal qorshaysan oo loo geystay dad shacab ahaa iyo askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya.
Weerarka hore ayaa ka dhacay agagaarka suuqa weyn ee degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir kadib markii kooxo bastoolado ku hubeysan ay halkaas ku toogteen askari ka tirsanaa ciidanka nabad sugida iyo qof la socday, Kooxda dilka fulisay ayaa goobta isaga baxsatay waxaana ay horey usii qaateen qori uu watay askariga la dilay.

Dhanka kale, Kooxo hubeysan ayaa xalay xaafada bangaariyada ee degmada hodan ee Gobolka Banaadir waxay ku toogteen labo qof oo shacab ah sida dadka degaanku ay sheegayaan, waxaana goobta isaga baxsaday ragii dilka fuliyay.

Afhayeenka Maamulka Gobolada Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamo amaanka dowladda Soomaliya ay ku raad jogaan rag lagu tuhmaayo dilalka xalay ka dhacay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip