Turky-ga oo Maamulka Somali-land Cadaadis Ku Saarayo in La Xiro Xarunta Nile Academy

0
Sunday December 25, 2016 - 10:22:53 in Wararka by
  • Visits: 530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turky-ga oo Maamulka Somali-land Cadaadis Ku Saarayo in La Xiro Xarunta Nile Academy

    Dowladda Turky-ga ayaa Maamulka Somali-land ka Codsatay in la xiro dugsiga Waxbarasho ee Nile Academy oo uu maalgeliyo Wadaadka Fethullah Gülen oo lagu eedeeyay abaabulka afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Turky-ga ayaa Maamulka Somali-land ka Codsatay in la xiro dugsiga Waxbarasho ee Nile Academy oo uu maalgeliyo Wadaadka Fethullah Gülen oo lagu eedeeyay abaabulka afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalkaas.
 

Danjire Olgan Bekar, oo ah safiirka Turkiga u jooga Somaaliya oo uu weheliyey guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Turkiga xildhibaan Dr. C. Kani Torun oo isna hore u ahaa safiirka Turkiga ee Magaalada Muqdisho, ayaa si rasmi ah Xukuumadda Somali-land uga codsaday inay xirto dugsigaas, iyagoo balan qaaday inay buuxinayaan kaalinta Waxbarasho ee uu dugsigaas Nile Academy baneeyo.

Maamulka Somaliland ayaa hoey u sheegay in aan la xiri doonin, Xarumaha Nile Academy ee deegaanada Maamulkaas, balse haatan waxaa jira cadaadis ay Dowladda Turky-ga Saarayso Somali-land si loo xiro xarumahaas.

dscn2590


Dowladaha Soomaliya iyo Turkey-ga ayaa dhawaan ku heshiiyay in la xiro xarumaha Nile Academy ee Soomaliya kadib markii wadaadka Mr. Fethullah Gülen oo ah ninka iska leh xarumahaan lagueedeeyay afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalkaas



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip