"Si waafaqsan qodobka 66aad, farqadiisa 1aad ee Dastuurka Federaalkaiyo warqadda ku taariikheysan 19-ka December 2016 ee guddiga heerFederaal doorashooyinka dadban ee 2016 ku soo saaray natiijada
Xildhibaannada ku guulaystay xubinnimada labada aqal ee Baarlamaanka10aad ee Soomaaliya waxaan ku wargelinaynaa XildhibaannadaBaarlamaanka in munaasabadda dhaarinta lagu qaban doono xaruntaAkadeemiyada General Kaahiye ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed” ayuuyiri Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.
Waxaa uu ka codsaday Xildhibaanada cusub inay horay u soo qaataan kaararkooda aqoonsiga, si ay ugu fududaato ka qeyb galka munaasabada.
15-kii bishan ayaa waxaa dib u dhac ku yimid mudadii horay loo asteeyay in la dhaariyo Xildhibaanada, sidoo kale waxaa iyana baaqday doorashadii Guddoonka Baarlamaanka oo iyana ku beegneyd 22-ka bishan
Hase ahaatee waxaa jirta shaki laga qabo in mudada cusub ee uu shaaciyay Maamulka Baarlamaanka Federaalka waqtigiisa dhamaaday inay ku qabsoomi weyso munaasabada dhaarinta Xildhibaanada cusub ee labada Aqal, waxaa wali taagan qodobo aan xal laga gaarin oo sabab u ahaa dib u dhacyada ku yimid doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.
Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa wali isku afgaran qodobo dhowr ah oo ay ka mid tahay arrinta Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi, waxaana shirka Madasha oo maalmahan hakad ku jiray lagu wadaa in maalinta berri dib loo ambaqaado.
Maamulka Baarlamaanka Federaalka oo shaaciyay xilliga la dhaarinayo Xildhibaanada cusub
Maamulka Baarlamaanka Federaalka ee waqtigiisu dhamaaday ayaa xalay shaaca ka qaaday xilliga rasmiga ah ee ay dhaceyso munaasabada furitaanka Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka 10aad iyo dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Labada Aqal.