Kenya oo ka cabsi qabta in dowladda Soomaaliya mar kale joojiso Qaadka

0
Sunday December 25, 2016 - 10:15:37 in Wararka by
  • Visits: 453
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo ka cabsi qabta in dowladda Soomaaliya mar kale joojiso Qaadka

    Iyadoo saddexd bilood ay ka soo wareegatay heshiiskii dhex maray Kenya iyo Soomaaliya ee ka dhashay fasixidii Qaadkii oo dowladda Soomaaliya todobaadyo xayiraad gelisay ayaa waxaa muuqata in heshiiskaas aanu wali dhanka dowladda Kenya ka hirgelin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo saddexd bilood ay ka soo wareegatay heshiiskii dhex maray Kenya iyo Soomaaliya ee ka dhashay fasixidii Qaadkii oo dowladda Soomaaliya todobaadyo xayiraad gelisay ayaa waxaa muuqata in heshiiskaas aanu wali dhanka dowladda Kenya ka hirgelin.

Heshiiskan oo ay kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya 13-kii bishii September ee sanadkan ayaa dhigaya in dowladda Kenya ay fududeyso duulimaadyada ka imaanaya Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa sheegay inay wal wal ka qabaan in mar kale dowladda Soomaaliya hakiso qaadka ka yimaada Soomaaliya oo dhaqaale badan uu ka soo galo.

Wargeysyada ka soo baxa Kenya oo soo xiganaya Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qarka u saaran tahay inay joojiso Qaadka laga soo dhoofiyo Kenya.

Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Kenya ay wali muwaadiniinta Soomaaliyeed ay dhibaatooyin ku heyso, gaar ahaan xaga duulimaadyada iyo dal ku galka Viisaha.

Waxaa uu sheegay in horay labada Madaxweyne ku heshiiyeen in si toos diyaaradaha ka soo duula magaalada Muqdisho uga degtaan Nairobi iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo viisaha dal ku galka ah.

Diyaaradaha ka dhoofa Muqdisho ayaa lagu baaraa garoonka diyaaradaha Wajer, taasoo dhib iyo rafaad ku ah muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa si dhaqse ah u dhaqan gelisay heshiiskii 13-kii September, balse 3-bilood oo dhigayay in heshiiskan lagu dhaqan geliyo, waxaa wali dhanka dowladda Kenya ka dhaqan gelin heshiiskaas, taasoo loo arkayo mid xadgudub ku ah heshiiska labada dowladood.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip