Al-shabaab oo Dhacay Ku Dhawaad 70-neef oo Geel ah Deegaanka Buur weyn +Dhageyso

0
Saturday December 24, 2016 - 14:35:34 in Wararka by
  • Visits: 710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo Dhacay Ku Dhawaad 70-neef oo Geel ah Deegaanka Buur weyn +Dhageyso

    Duqa Degmada Buulo-Barde ee Gobolka Hiiraan Cusmaan Geedi Cilmi oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ku eedeeyay in deegaanka Buur weyn oo hoos yimaada Degmada buulo Barde ay ka kaxeysteen 70-neef

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa Degmada Buulo-Barde ee Gobolka Hiiraan Cusmaan Geedi Cilmi oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ku eedeeyay in deegaanka Buur weyn oo hoos yimaada Degmada buulo Barde ay ka kaxeysteen 70-neef oo Geel ah.

Cusmaan Geedi Cilmi ayaa sheegay in xoolaha la dhacay ay lahaayeen dad xoolo dhaqato islamarkaana dagaalyahanada Al-shabaab ay ku amreen in ka bixiyaan Sakawaad dadkana ay diideen amarkaas.

"Dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab aya xoolo kor u dhaafaya 70-neef oo geel ah ka dhacay dad xoolo dhaqato ah oo ku nool deegaanka Buur weyn oo hoos yimaada Degmada buulo Barde ee Gobolka Hiiraan, kulan ayaan arintaas ka yeelanay anaga iyo taliska AMISOM ee Gobolka jawaab ayaa laga bixin doonaaā€¯, ayuu yiri Cusmaan Geedi Cilmi .

img_843894-56f74b-78490c-c499e6-ba0f0e-451604


Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay dhac u geysteen xoolo ay lahaayeen dad shacab ah, waxaa sidoo kale jirey dagaalo u dhaxeeyay Shbaab iyo xoolo dhaqato oo ka dhacay Gobolada Jubada Hoose.

Audio Player



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip