Baarlamaanka Hirshabeelle oo oggolaaday in 2 bil lagu kordhiyo soo dhisida golaha wasiirada

0
Saturday December 24, 2016 - 14:11:46 in Wararka by
  • Visits: 449
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Hirshabeelle oo oggolaaday in 2 bil lagu kordhiyo soo dhisida golaha wasiirada

    Kulan maanta uu yeeshay baarlamaanka Hirshabeelle ayaa lagu oggolaaday in muddo labo bilood ah lagu kordhiyo waqtiga uu ku soo dhisayo Madaxweynaha Hirshabeelle Golaha Wasiirada Hirshabeelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan maanta uu yeeshay baarlamaanka Hirshabeelle ayaa lagu oggolaaday in muddo labo bilood ah lagu kordhiyo waqtiga uu ku soo dhisayo Madaxweynaha Hirshabeelle Golaha Wasiirada Hirshabeelle.

Kalfadhiga 1aad ee baarlamaanka Hirshabeelle kulankiisii 13aad ee la qabtay maanta ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Cabdi Xuseen Geedi.

Qoraal uu u soo direy Baarlamaanka Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo haatan ku sugan dalka Ethiopia ayaa waxaa laga hor aqriyay fadhiga baarlamaanka. Warqadan ayuu Madaxweyne Cosoble uu ugaga codsaday markale in la siiyo muddo labo bilood ah oo uu ku soo dhiso dowlada maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaanadii kulankan ka qeygalay ayaa waxa ay oggolaadeen oo cod gacan taag ah ku ansixiyeen in muddo labo bilood ah loogu kordhiyo Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble,Hase yeeshee qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa ka soo horjeestey in muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Cosoble.

Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim iyo Xildhibaan Maxamed Ibraahin Xuseen ayaa sheegay in aysan ahayn mid xilligan ku haboon in muddo kale lagu kordhiyo waqtiga soo dhisida golaha wasiirada.

Xildhibaanadan ayaa ku tilmaamay xilli kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Cosoble inay tahay mid dano gaar ah uu ka leeyahay ayna isku xirneyn arrimaha doorashada qaran iyo dhismaha golaha wasiirada xilli dowlad goboleedka goboladiisa ay ka jirto abaar iyo cuduro.

Kulanka baarlamaanka ayaa markii ugu horeysay lagu qabtay goob aan ahayn xaruntii hore ee lagu soo dhisay dowlad goboleedka Hirshabeelle waxana xildhibaanada ay ku kulmeen xarunta madaxtooyada kumeelgaarka ah ee maamul goboleedka Hirshabeelle.

Fadhiga uu yeeshay xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli ay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisaba ay safar dalka dibadiisa ugaga maqan yihiin halka Guddoomiyaha baarlamaankana uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho.

kulan-baarlamaan-1

kulan-baarlamaan-2

kulan-baarlamaan-3

kulan-baarlamaan-4




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip