Golaha ammanka oo isku raacay joojinta dhul-boobka Israel

0
Saturday December 24, 2016 - 14:05:35 in Wararka by
  • Visits: 445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha ammanka oo isku raacay joojinta dhul-boobka Israel

    Kulan ay isugu yimaadeen 15 xubnood ee golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo ka qabsoomay magaalada new York jimcadii shalay hayd, ayaa waxaa ay meel mariyeen qaraar sheegaya in maamulka Israel uu joojiyo deegaamenta cusub ee uu ka wado dhulka fala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan ay isugu yimaadeen 15 xubnood ee golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo ka qabsoomay magaalada new York jimcadii shalay hayd, ayaa waxaa ay meel mariyeen qaraar sheegaya in maamulka Israel uu joojiyo deegaamenta cusub ee uu ka wado dhulka falastiin.

Qoraalka, golaha ammaanka ay isku raaceen ayaa waxaa soo gudbiyay dowlad Masar oo ka laabatay, markii Israel madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ay ka codsatay in uu fargeliyo, hase yeeshee waxaa qaraarka gudbiyay dowladaha, Malaysia, New Zealand, Senegal iyo Venezuela.

14 wadan ayaa u codeysay qaraarka halka hal wadan uu ka aamusay,iyadoo dowladda Mareykanka ay diiday in ay codka diidmada qayaxan ee ‘Veto” u adeegsato qaraarkan.

Madaxweynaha, Falastiin Maxamuud Cabbaas, afhayeen u hadlay ayaa sheegay in go’aankan uu dharbaaxo weyn ku yahay siyaasadda Israel.

Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, ayaa dhankiisa sheegay in qaraarkan uu ceeb ku yahay qaramada Midoobay, isagoo xusay in Israel aan u hogaansami doonin go’aankan.

Ku dhowaad 500,000 oo Yuhood ah ayaa waxaa ay ku nool yihiin 140 guri kuwaas oo la dhisay tan iyo 1967, wxayna ku yaalaan daanta galbeed iyo bariga magaalada barakeysan ee Qudus. Dhismiyaashaas ayaa waxaa ay yihiin kuwo sharci daro ah isla markaana si xoog ah ay ku qabsatay.

Israel, ayaa waxaa ay ku dhawaaqday in danjiriyaasheeda u fadhiya dalalka New Zealand iyo Senegal in ay u yeeraneyso si wada tashi ugu yeeshaan arintan, iyadoo sidoo kalena joojisay mashaariic ay ka waday wadanka Senegal.

Hase ahaatee, Israel wax xiriir diblomaasi ah lama lahan dalalka Malaysia iyo Venezuela oo qaraarkan qeyb ka ahaa soo diyaarintiisa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip