Dhibaato Hor Leh: Hector Bellerin Oo Seegaya Kulanka Bayern Munich Ee Caawa Yaase Badali Doona?

0
Wednesday November 04, 2015 - 12:37:35 in Sports News by
  • Visits: 927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhibaato Hor Leh: Hector Bellerin Oo Seegaya Kulanka Bayern Munich Ee Caawa Yaase Badali Doona?

    Arsenal ayaa dhibaato hor leh ay lasoo daristay iyadoo hector Bellerin uu seegi doono kulanka caawa ay Allianz Arena ku wajahi doonaan Bayern Munich.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsenal ayaa dhibaato hor leh ay lasoo daristay iyadoo hector Bellerin uu seegi doono kulanka caawa ay Allianz Arena ku wajahi doonaan Bayern Munich.

Kooxda Gunners waxey caawa marti ku tahay cariga Jarmalka iyadoo halkaas u joogta iney guuleysato si ay u nooleyso rajada ay ka qabto usoo bixitaanka wareega 16-ka balse dhibaato hor leh ayaa lasoo daristay markii daafacooda da’da yar Hector Bellerin la xaqiijiyay inuu seegi doono kulankaan.

Gunners Bogga ay ku leedahay twitter-ka ayey ku xaqiijisay in Bellerin uu dhaawac ku seegi doono kulankaan iyadoo badalkiisa loo wacay Jeff Reine-Adelaide.

Bellerin
Si kastaba 17-jirka reer France ayaa kooxda lagu soo daray inkastoo uu kursiga keydka noqon doono, sida la aaminsan yahay Mathieu Debuchy ayaa kusoo bilaaban doona daafaca midig.

Dhanka kale Arsene Wenger ayaa ciyaartoydiisa uga digay iney u adkeysan waayaan cadaadiska xooga leh ee kaga imaan doona xidigaha Bayern Munich, sidoo kalana aaminsan in Debuchy uu kasoo bixi karo booskaas.

"Waan ku kalsoonahay waana aaminsahahay isaga, jir ahaan waa mid aad u diyaarsan” Ayuu yiri Arsene Wenger.

"Waxaan u baahanahay inaan soo bandhigno qaab ciyaareedkii aan sameynay kulankii lugta hore” Ayuu hadalkiisa ku daray.

"Waxaan rajeynayaa in Bayern ay kubad weerar ah ciyaari doonto isla markaana ay isku dayi doonto iney cadaadis saarto”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip