Guddoomiye Jawaari iyo mas'uuliyiin kale oo la kulmay guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka

0
Tuesday August 18, 2015 - 07:34:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 10094
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Jawaari iyo mas'uuliyiin kale oo la kulmay guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Ra'iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke iyo mas'uuliyiin kale ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa kulan kula yeeshay guddiga madaxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Ra'iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke iyo mas'uuliyiin kale ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa kulan kula yeeshay guddiga madaxa banaaan ee dib u eegista dastuurka KMG ah ee dalka, kaasi oo looga hadlay dar dargelinta arrimaha guddigan horyaalla.
Kulanka ayaa ugu horeyn warbixino looga dhageystay habka loo marayo dib u eegista dastuurka, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed (Odowaa), iyadoo guddiga madaxa banaan ee dastuurka ay soo bandhigeen qaabka loo marayo arrimaha ku aadan dib u habeynta dastuurka, si loo gaarsiiyo in loo qaado afti dadweyne.

Guddoomiyaha  golaha shacabka  Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari oo ka mid ah Guddigii soo sameeyey dastuurka KMG ah aya kulanka waxaa uu ku soo bandhigay qudobadda dastuurka ee u baahan in dib u eegis lagu sameeyo.


Wasiiirka  dastuurka ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud  Sheekh Xuseen  aya tilmaamay in kulanka wada tashiga uu horudhac u yahay bilowga  hanaanka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya.

Dib u egista dastuurka Soomaaliya ayaa Wasaradda  dastuurka waxaa looga bahan yahay sida ay sheegtay in  lagu dhamaystiro  bisha December ee sanadkaan,  isla markaana la hor geeyo Barlamaanka  bisha March ee sanadka 2016 si loo geliyo markaas kaddib afti dad wayne.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip