(Warbixin): Somalia oo yeelan doonta Barlamaankii ugu kala duwanaanshaha badnaa ee Taariikhda.

0
Friday December 09, 2016 - 14:51:34 in Maqaallo by
  • Visits: 1065
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (Warbixin): Somalia oo yeelan doonta Barlamaankii ugu kala duwanaanshaha badnaa ee Taariikhda.

    Natiijadda Doorashadda Barlamaanka Somalia ee sannadka 2016-ka ee ka kala yimid Goballadda waxa ku jira Wejiyo cusub iyo kuwo aan ku cusbeyn Siyaasadda Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Natiijadda Doorashadda Barlamaanka Somalia ee sannadka 2016-ka ee ka kala yimid Goballadda waxa ku jira Wejiyo cusub iyo kuwo aan ku cusbeyn Siyaasadda Somalia.

Waxay u muuqataa in 275-ta xubnood ee Aqalka Hoose iyo 54-ta xubnood ee Aqalka Sare iney yihiin kuwo kala duwan marka loo eego asaaskooda hore iyo Khibradooda.

Doorashaddaan xildhibaanadda waxaa kusoo baxaya masuuliyiin, kala ah dagaal-oogayaal hore, ilaa Ganacsade caan ah, Islaamist ilaa Muusikiste, Dhaqdhaqaaqyahano iyo Sawir-dejiyayaasha Muuqaalka Labiska, tanina waxaa ay ka dhigeysaa in Barlamaanka sanadkaan ay noqdaan kuwo kala duwan, waxaana ay ka dhigeysaa mid taariikhi ah.

Waxyaabaha ugu yaabka badan ee doorashadda ayaa ah in mid kamid ah gabdhaha xayeysiiya Labiska oo lagu magacaabo,Muna Khaliif Sheekh,oo caan ku ah naanaysta Muna Kay, ay ku guuleysatay mid kamid ah guraasta xildhibaanimadda.

Waxaa inta badan caan ka dhigay Warbaahinta Gudaha iyo kuwa Caalamiga, kadib, markii ay ku guuleysatay Kursi ka mid ah Aqalka Hoose iyadoo matalaysa Dowlad-gobaleedka K/Galbeed.

Muna Kay wexey xayeysiisa Labiska iyo Ganacsi waxaana ay caan ka tahay Waqooyiga Maraykanka, Dubai iyo Bariga Afrika.

Waxay ku dhalatay Somalia, waxayna iyada iyo Qoyskeeda u firxadeen dalka Maraykanka, halkaasi oo ay ku barbaartay, kadibna ay ka bilowday Ganacsiga Xayeysiinta Labiska.

Muna Kay waa ay ku cusub tahay Siyasadda, waxayna tahay markii ugu horreysay ee ay ka soo dhex muuqato Siyaasadda Somalia.

Siyaasiyiinta Khibradda leh ee ku dhex jira Barlamaanka soo socda waxaa ka mid ahFaarax Sheekh C/qaadiroo hoggaamiya Xisbiga Islaamiga ee Dama-jadiid.

Faarax oo ay Aragtidiisa Siyaasadda ku tiirsan tahay, Islaamiyiinta waxa uu noqon doonaa Wakiil Maamul-gobaleedka HirShabelle.

Waa saaxiib aad ugu dhowMadaxweyne Xasan Sheekh,wuxuuna ahaa Siyaasi aad ugu dhawaa tan iyo sannadkii 2012-kii, markaasi oo loo doortay Barlamaanka Federalka.




Khibradiisa Siyaasadda waxaa ka mid ah isagoo noqday Wasiirka Caddaaladda sanadkii 2014-kii, halkaasi oo uu dusha kala socon jirey asaaska Dib-u-eegista Dastuurka, Guddiga Fulinta iyo Golaha Adeegga Garsoorka.

Gabyaa iyo Heesaa ayaa xitaa ka mid ah Barlamaanka.

Cabdi Shire waxa uu ku caan ku baxay Heesahiisa iyo Gabayadiisa Khatarta ah.

Heesihiisa waxay sannooyin loo arkayey inay ka dhigayso Qareen u dooda sida xun ee Dowladda ula dhaqanto Mujtamaca Soomaaliyeed.

Cabdi Shireoo haysta Shahaadada Masters Degree ee Cilmiga Qorsheynta Caafimadka oo uu ka soo qaatay Jaamacadda The Leeds University ee dalka Britain.

Waxa uu soo saaray Heeso uu ku cambaareeyey QarixiiHotelShamo ee sannadkii 2009-kii lala beegsaday Arday ka qalin jebinaysay Jamaacad.

Barlmanka Somalia waxa uu markan noqon doonaa mid loo isticmaalo meel ay ku kulman Dagaal-oogayaashii hore.

Bootaan Ciise Caalinwaxa uu mar ahaa Hoggaamiye-kooxeed qeybo ka mid ah Muqdisho dhinaca kala maamula Muuse Suudi, Maxamed Qanyare iyo Cumar Finish.

Bootaan Ciise waxa uu Dowladdii KMG ka soo noqday Wasiirka Hub-ka-dhigista Mleeshiyooyinka, balse waxaa shaqdasi laga casilay sannadkii 2006-dii, markii la soo rogay in dhamaan Hoggaamiye-kooxeedyada laga saaro Siyaasadda Dowladda.

Waxa uu qeyb ka ahaa Isbahaysiga Dagaal-oogayaasha ee la diriray Golihii Maxkamadaha Islaamka, oo ka dhigtay isaga inuu ka soo horjeesto Islaamiyiinta.

Waa Dagaal mararka qaarkooda sababayaan Dagal-oogyaasha sida Bootaan Ciise, iydoo la arkay Kumanaan Soomaali oo cararay si ay Qaxootinimo uga helaan dalka deriska ee Kenya, oo Qaxootiga ku marti-gelisay Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab oo ah tan ugu ballaaran Caalamka.

Waxaa xusid mudan in Xeradaasi ay soo saartay Xildhibaan kaasoo madal kula wadaagaya Dagaal-oogayaashii hore, Fannaaniin iyo Islaamiyiin ka mid ah Barlamaanka soo socda.

Wax yar baa laga yaqaanaa 31-ka jirka C/llaahi Sheekh Cabaas oo Kursiga Barlamaanka kaga soo guuleystay Wasiiru-dowlihii Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xasan, wuxuuna haatan Xildhibaan Federal ku matalayaa Maamulka Jubbaland.

C/llaahi Sheekh Cabaaswaxa uu ka soo laabtay Qaxootinimo, waxa uu ku soo koray, waxna ku soo bartay Xeradda Qaxootiga Dhadhaab ee Gobalka W/bari Kenya.

Waa Siyaasiga ugu da’da yar Siyaasiyiinta Barlamaanka soo socda, sidoo kale malahan wax khibrad hore oo Siyaasad ah.

Wejiyada kale ee ku cusub Barlamaanka waxaa kamid ahAxmed Macallim Fiqioo ahaan jirey Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka ee NISA, ahna mid ka mid ah Asaasaha Kooxda Islaamiga ee Al-sheekh.

Waxa kale oo uu yahay Xoghayaha Guud ee Daljir Party iyo Diplomaasi horey Danjire ahaan uga soo shaqeeyey dalka Sudan muddadii u dhexeysay 2010-kii ilaa 2013-kii.

Waxa kale oo uu isku soo taagay xilka Madaxweynaha Galmudug.

Waxaa kale oo Wejiyadda ku cusub Barlamaanka soo socda ka mid ah U-ololeysoSagal C/risaaq Isaaq Biixi, oo horey u ahayd Agaasimihii Idaacadda AMISOM ee Radio Bar Kulan.

Waxay haysataa Shahaadada masters Degree ee Maareynta Mashruuca, waxayna La-taliye ahaan uga soo shaqeysao dhowr Waaxood oo ka tirsan Dowladda.

GanacsadeSaciid Nuur Garaashoo ka mid ah La-asaasayaasha Shirkadda Jubba Airways ayaa isagana ka mid ah Xildhibaanadda ku cusub Barlamaanka, wuxuuna ku matalayaa Galmudug.

Ganacsade kale oo ka mid ah Barlamaanka cusub ayaa ahDucaale Islowoo Qandaraasle milyaneer ah oo hantidaas ka sameeyey Qandaraasyadad AMISOM, Hay’addaha Calaamiga iyo Dowladda Somalia.

Waa Barlamaan ay Soomaali badan horey u eegayaan si ay u arkaan inta Siyaasi ee leh Asaaska hore iyo waayo-aragnimo kala duwan, si ay u awoodaan in ay wax u qabtaan dal weli ka soo kabanaya dagaal sokeeye oo socday in ka badan 20-sanno.

Si kastaba ha ahaatee, heerarka Kala-duwanaansha Siyaasadda, maalgashiga danaha iyo Khibradaha sida Dhaqdhaqaaq-yahanadda, Dagaal-oogayaashii hore, Fanananiinta, Shaqsiyaad xayeysiiska labiska sameeya, Gnaacsatada iyo kuwa soo laabanaya waxay dhamaantooda heli doonaan in loo caleemo saaro inay ka doodaan waxyaabaha ka dhigi kara Somalia iney noqoto dal u waagsan muwaadiniinta caadiga ah ee Soomaaliyed.

W/Q: Hassan Istiila

xigasho:-radiodalsan.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip