WAXAAN RAADINEYNAA NOLOL WANAAGSAN !!!

0
Friday December 09, 2016 - 12:36:52 in Maqaallo by
  • Visits: 2054
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    WAXAAN RAADINEYNAA NOLOL WANAAGSAN !!!

    Shaqsi kasta oo dunida guudkeeda saaran waxa uu xusul duub ugu jira sidii uu ugu noolaaan lahaa Nolol Wanaagsan, ka soo qaad Soomaaalida Wiil, Gabar, Oday, Haween, Garab-rarato, Macalin, Proffisoor, Injineer, Kornayl, Dhakhtar, iyo Weriye ku jira hal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqsi kasta oo dunida guudkeeda saaran waxa uu xusul duub ugu jira sidii uu ugu noolaaan lahaa Nolol Wanaagsan, ka soo qaad Soomaaalida Wiil, Gabar, Oday, Haween, Garab-rarato, Macalin, Proffisoor, Injineer, Kornayl, Dhakhtar, iyo Weriye ku jira halgan hadaad waydiiso halgankiisa waxa uu ku leeyahay waxaan baadi goob ugu jiraa Nolol Wanaagsan. Hadaba maxay tahay nolosha wanaagsani?

 

Nolosha wanagsan, qaar baa Soomalida rumaysan in ay tahay in la helo Lacag fara badan, qaar kale ayaa aaminsan in nolosha wanaagsani tahay in madax la noqdo sida Madaxwayne, Wasiir, Xildhibaan, amaba madax laga noqdo Hay’ad iyo wixii la hal maala, Qaar baa qaba in nolosha wanaagsani tahay iyadoo la dhisto daaro dhaadheer, halka kuwo kalena rumaysan yihiin in nolosha wanaagsani ay tahay iyadoo lagu noolaado mid ka mid ah wadamada hore u maray sida Maraykanka iyo Yurub

waana taas tan ay Soomaalidu u badan yihiin gaar ahaan Dhalinyarada, waxaana u daliil ah Badaha Maalin walb sida indha la’aanta ah loogu dhamaanayo, waxaana soo raaca Xabsiyada, Madax furashada, Kufsiga iyo Jirdilka loo bareerayo inta jidka lagu sii jiro.

Sharuudha Nolosha wanaagsan

Si loo helo ama loo gaaro Nolol Wanaagsan (Better Life) waxaa lagaaga baahan yahay inaad buuxiso sharuuhan . 1- inaad qabato ama hesho cilmi ku Anfaca, hadaad Wax barato oo aanu ku anficin waad ka maran tahay Cilmigii aad baratay. 2- Irsaaqad Xalaal ah, hadaad Irsaaqad badan hesho oo aanay xalaal ahayn waad khasaartay. 3- in Shaqada aad qabato ama camalka aad sameyso Ilaahey kaa aqbalo, haadaad shaqo badan qabato oo Cibaado ah oo aan Ilaahey kaa aqbalin waxaad samaysay Camal aan khayr lahayn. Markaan sidaas leeyahay Nebigeenii Muxamed NNKHA ayaa ku ducaysan jirey Cilmi Anfaca, Irsaaqad Xalaal ah iyo in Ilaahay Camalka ka Aqbalo.

 

Muslinimadu waa Qaal

Dhinaca kale waxaa xaqiiq ah in Sacaado ama Liibaan oo dhan ay ku idlaatay qofkii Ilaahey Muslim ka dhigay, qaar ka mid ah dhalinteeneeni Maanta waxay leeyihiin maxaan Muslinimada ku haysanaa? Subxaanalaah! Ilaah ayaa xumaan ka nazahan, waxay la mid yihiin kuwo in dha la’ oo Qalbiga ka daboolan, Mudane/Marwo hadaad Muslim tahay, Irsaaqadaadana Ilaahey Balan qaaday intii aadan dhalan maxaa kaa maqan?

Camalka Wanagsan Sharuud ayuu leeyahay

In lagu noolaado nolol wanaagsan (Better Life) waxay sidoo kale u baahan tahay inaad Shaqo, Camal ama Cibaado Wanaagsan qabato, Camalama Cibaado wanaagsanna waxay leedahay laba shardi oo isku xiran oo aan midba midka kale ka maarmin, 1- in Camalkaasi yahay mid ilaahey dartii loo sameeyey, ee aanu is tus-tus kaa ahayn. 2- in uu waafaqsan yahay dariiqii Nebi Muxamaed NNKHA, ee aanu bidco iyo wax la mid ah noqon.

Ducadu waa lagama maar-maan

Si loo helo nolol Wanaagsan (Better Life) waxay sidoo kale u baahan tahay in aan afka laga qaadin ducooyinka oo mar walba Ilaahey Gacmaha loo hoorsado, hadaad Muslim tahay Ducadaadu meel cidla ah ma dhacayso ee waa maqbuul, waxaana suurtowda 1- in Ducada isla markiiba lagaa Aqbalo oo aad fadhigaaga ama istaagaaga ku aragto. 2- in dib laguugu dhigo oo aad Maalinta Qiyaamaha ku faa’iido. 3- iyo in Dhibaato ama Musiibo kugu soo wajahan lagaga celiyo.

Qisooyin dhab ah oo dhacay

Sheekada 1-aad. markiiba Guri ay lahaayeen ayey deg deg ku gadeen si ay u fuliyaan Codsi uga yimid Wiilkooda oo ahaa in ay ku noolaan doonaa Nolola Wanaagsan, Wiilkii wuxuu galley Ingiriiska waxaa la geeyey Xero Qaxooti, waxaa loo qorey Bishiiba 70 Pound, waa is Cuna qabateey wuxuuna soo direy Bishii koowaad 50$ Aabhii waxaa lagu war geliyey in Wiilkiisii lacag u soo direy, waxaa uu hamiyey lacagtii uu ku naaloon lahaa, reyn reyn ka dib waxaa loo sheegey in loo hayo 50$, Qaraacan badanaa! wuxuu isweydiiyey aawey Noloshii Wanaagsaneyd ee uu wiilku Balan qaadey?

Wiilkii ayuu habaar aan kala joogsi lahayn ugu dhaqaaqey, wuxuuna wiilkii bilaabey in uu isla hadlo taasoo Aakhirkii gayeysiisey in uu iska soo tuuuro Dhisme 11 Biyaano ah, Gurri ma leh, Wiil maleh Nolol Wanaagsanna haba sheegin!!

Sheekada 2-aad. Nin saaxiibkey ah oo aaan hal meel kawada shaqayneyney ayaa ugu dambyntii waxa uu galay Yurub, waxaaan ku sheekaysanay facebook, waxaan waydiiyey in uu ii soo koobo Nolosha uu ku nool yahay, waxa uu yiri. "Waxaan ku noolahay nolosha uu ku nool yahay ruux farantijeer ku jira”.

Sheekada 3aad. Eedaday ayaa tahriib ku tagnay mid ka mid ah Wadamada Scandinavian-ka, waxaan kula hadlay Telfoon waxaan waydiiyey xaaladdeeda, waxay tiri. "maandhow Gacaliye Giriga kama baxo sababtoo ah waxa jir Qabow daran, marka war kale ma hayno”

Guntii iyo Gebagebadii waxaa isweydiin leh halka ay jirto nolosha wanaagsan? nolosha wanagsani waxay jirtaa Aakhiro ee yaan Aduunyo laga raadin.

Cabdinaasir Xersi iidle

Email. Nasirx1@gmail.com

Tell. 00252-615503978v

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip