Daily Mail: Chelsea Oo Diiday Dalab Lama Filaan Ah Oo Gaaraya 35 Milyan Ginni Oo Ay Monaco Ku Dooneysay Jose Mourinho.

0
Wednesday November 04, 2015 - 12:21:28 in Sports News by
  • Visits: 1099
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daily Mail: Chelsea Oo Diiday Dalab Lama Filaan Ah Oo Gaaraya 35 Milyan Ginni Oo Ay Monaco Ku Dooneysay Jose Mourinho.

    Monaco ayaa si lama filaana h ugu dhawaatay Jose Mourinho shalayto laakiin dalabkoodii ahaa 35ta milyan ginni waa la soo diiday sida uu sheegay nin saami ku leh kooxda Faransiiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Monaco ayaa si lama filaana h ugu dhawaatay Jose Mourinho shalayto laakiin dalabkoodii ahaa 35ta milyan ginni waa la soo diiday sida uu sheegay nin saami ku leh kooxda Faransiiska.

Alessandro Proto ayaa sheegay inuu kula kulmay Roman Abramovich magaalada London si uu ugala wareego tababaraha cadaadiska uu saaran yahay ee Chelsea.

Mustaqbalka Mourinho ee Stamford Bridge ayaa halis ku jira ka dib markii ay si xun ku bilowdeen difaacashadooda horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

2E1141F800000578-0-image-a-99_1446584575235
Monaco ayaana dooneysay in Mourinho ka hoos xado Chelsea iyagoo damcay inay bixiyaan lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa Chelsea markii ninka saamiga ku leh kooxda Alessandro Proto uu la kulmay milkiilaha Chelsea.

0F60531D00000514-3302562-image-a-103_1446585005363

Bilyaneerka reer Russia ayaa soo diiday 35 milyan ginni oo loo soo bandhigay, waxaana uu sheegay in tababarihiisa uu ku negaan doono London ilaa iyo 2019.

Waxaana ay taasi muujineysaa kalsoonida xoogan ee uu Abramovich ku qabo Mourinho kaasoo ay soo wajahday lix guuldarro oo Premier League ah xilli ciyaareedkan iyadoo kooxda horyaalka heysata ay ku jirto kaalinta 15aad.

Warbixin ay baahisay shirkada Proto ee la yiraahdo Proto Enterprise ayaa lagu baahiyay wakaaladaha wararka Spain taasoo sheegeysay in kulanka uu ka dhacay magaalada London shalayto.

Proto Enterprises ayaana warkaas inuu sax yahay u xaqiijisay xalayto jariirada Daily Mail iyadoo Proto uu sheegay in Abramovich uu aqbali karo haddii dalabkooda ay labo jibaaraan oo ay ka dhigaan 71 milyan ginni.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip