Muxuu Wayne Rooney Ka Yiri Inuu Ka Baxay Abaartii Gool La'aanta Ee Heysatay Iyo Inuu Barbareeyay Rikoorka Gooldhalinta Dens Law Ee Kooxda United ?

0
Wednesday November 04, 2015 - 12:17:53 in Sports News by
  • Visits: 1001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Wayne Rooney Ka Yiri Inuu Ka Baxay Abaartii Gool La'aanta Ee Heysatay Iyo Inuu Barbareeyay Rikoorka Gooldhalinta Dens Law Ee Kooxda United ?

    Kabtanka Man United Wayne Rooney ayaa soo gabagabeeyay abaar lix saacadood ah oo kooxdisa ka heystay shabaqa kadib markii uu dhaliyay goolka kaliya ee madiga ah ee ay kooxdiisa kaga adkaatay CSK Moscow wuxuuna goolkaasi ku barbareeyay rikoorkii goold

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kabtanka Man United Wayne Rooney ayaa soo gabagabeeyay abaar lix saacadood ah oo kooxdisa ka heystay shabaqa kadib markii uu dhaliyay goolka kaliya ee madiga ah ee ay kooxdiisa kaga adkaatay CSK Moscow wuxuuna goolkaasi ku barbareeyay rikoorkii gooldhalinta kooxdaasi ee Denis Law kaasoo heerka lbaad ee gooldhalinta abid kaga jira kooxda United.

Rooney oo ka hadlayay si uu u arko barbareynta Law ayaa yiri "SI aan caadi aheyn ayaan ugu faraxsanahay, Dneis Waa halyeey kooxdaan ah, inaan barbareyo rikoorkiisa waa sharaf aad u weyn, xushmad weyn ayaan u hayaa Law”.

Rooney
Dhanka kale wuxuu kabtankaan ka hadlyay goolkiisi isagoona yiri "Sida cad kulankaan wuxuu ahaa mid adag, wey adag taay marka ay koox u timaado iney daafac gasho, waxaan isku daynay inaan kala furfurno, xaqiiqdii aad ayeey u adkeyd inaan kala daadino daafacooda, nasiib wanaag waxaa timid fursadii aan gool ku heli laheynay, waan guuleysanay, guul weyn ayeey aheyd waxaana u qalanay inaan dhibcaha dhan helno”.

"Wax weyn ayeey ii aheyd inaan goolkaan dhaluyo waxay aheyd muhiim, laakin anga kama fakaro kaliya goolal, waxaan diirada saaraa kooxda, hadii aanan gool dhalin wax kale ayaan kooxda ku soo kordhiyaa, haatan waan adkaanay, waxaan nahay hogaamiyeyaahs aguruubka, waxaan u baahanahay inaan ka fakarno kulanka xiga ee horyaalka ee West Brom inaan ka fakarno”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip