Maxamed Cumar Carte oo ku guuleystay kursigii u horeeyay Xildhibaanada Gobolada Waqooyi

0
Tuesday December 06, 2016 - 19:29:42 in Wararka by
  • Visits: 481
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamed Cumar Carte oo ku guuleystay kursigii u horeeyay Xildhibaanada Gobolada Waqooyi

    Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa goor dhow ku guuleystay Kursigii u horeeyay ee Aqalka Hoose xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland, kaddib doorasho ka dhacday Xarunta Gaadiidka Booliska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa goor dhow ku guuleystay Kursigii u horeeyay ee Aqalka Hoose xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland, kaddib doorasho ka dhacday Xarunta Gaadiidka Booliska.

Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa helay 47 cod, halka Musharax la tartamayay Axmed Ismaaciil Xuseen uu helay 4 cod.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, isagoo sheegay inay dhacday doorasho hufan.

Maxamed Cumar Carte oo ka hadlay guushii uu gaaray ayaa u mahad celiyay ergooyinka doortay, waxaana uu ammaan u jeediyay howsha ay hayaan guddiga doorashooyinka iyo Ciidamada Amniga.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa sheegay in doorashada xubnaha ka soo jeeda Somaliland lagu qabanayo Xarunta Gaadiidka Booliska, isagoo si kulul uga jawaabay hadalkii Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ee ahaa in Xalane lagu qabto.

"Doorashada halkan ayaa lagu qabanayaa oo ah meel Soomaali joogto oo aysan Ajnabi joogin, waxaa aad ugu faraxsanahay sida Ciidamada Amniga howlaha amniga u sii adkeynayaan”ayuu yiri Maxamed Cumar Carte.

Doorashada dhowr kuraas kale ayaa lagu wadaa inay goor dhow ka dhacdo xarunta Gaadiidka Booliska, iyadoo kuraasta qaar ay ku tartamayaan Xubno horay xildhibaano iyo Wasiiro u soo noqday.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip