Shan ruux oo amnidaro maleegaayay oo lagu qabtay Degmada Qoryooley

0
Tuesday December 06, 2016 - 19:24:14 in Wararka by
  • Visits: 436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan ruux oo amnidaro maleegaayay oo lagu qabtay Degmada Qoryooley

    Ciidamada dowladda Federaalka Somaliya oo garabsanaya kuwa Amisom ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo waxa ay ka sameeyeen degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowladda Federaalka Somaliya oo garabsanaya kuwa Amisom ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo waxa ay ka sameeyeen degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha hoose.

Taliyaha Booliska degmadaasi Cali Maxamed Aadan ayaa sheegay in howlgalka ulajeedkiisu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka Degmada iyo nawaaxigeeda.

Waxa uu tilmaamay taliyaha inay qabteen ku dhowaad 5 qof oo lala xiriirinaayo inay maleegayeen falal amni darro ah, wuxuuna hoosta ka xariiqey in shacabka iyo ciidanka ay wada shaqeeyaan.

"Ammaanka waa mid hagaagsan, shacabka iyo ciidanka waa ay wada shaqeeyaan, mana jirto dhibaato ka taagan degmada, waxaa jira dad tuhun kusoo qabannay, balse baaritaan ayaan ku haynaaā€¯ ayuu yiri Taliyaha.

Dhinaca kale taliyaha Booliiska degmada Qoryooley ayaa sheegay in 7 ruux oo horey ciidamada ugu qabteen howlgallo ay usoo gudbiyeen dhanka CID si baaritaan loogu sameeyo.

Al-shabaab ayaa mararka qaar waxay weeraro ku qaadaan degmada Qoryooley oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip