Goobta Doorashada waxaa ka maqnaa Faadumo Cali Jaamac, Deeqo Cismaan Jaamac, iyo Muna Cabdi Jaamac.
Nadiifo ayaa ka soo jeeda Beesha Mareexaan, gaar ahaan Bah Daarandoole, waxaana ay noqotay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya sida Guddiga Doorashada Galmudug ay madasha uga dhawaaqeen.
Waa kursigii saddexaad ee lagu doorto Magaalada Cadaado ilaa saaka, dhinaca kalena waa Kursigii 33 ee Xildhibaanada lagu doortay Magaalada Cadaado tan iyo markii ay bilaabatay doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee Galmudug.
Doorashada ka socota Magaalada Cadaado ayaa guud ahaan waxa ay ku dhaw dahay mid gabo gabo ah, waxaana la filayaa in maalmaha soo socdo si rasmi ah loo soo gaba gabeeyo.
Nadiifo Faarax Jaamac oo ku soo baxday Doorasho ka dhacday Magaalada Cadaado (SAWIRRO)
Nadiifo Faarax Jaamac ayaa ku soo baxday Kursiga Aqalka hoose ee dalka, kadib Doorasho ka dhacday Magaalada Cadaado oo saaka doorashada dib ay uga bilaabatay.