DHIBAATADA BA'AN EE ABAARUHU KU HAYAAN DEGAANADA GALMUDUG.

0
Tuesday December 06, 2016 - 18:28:39 in Wararka by
  • Visits: 473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHIBAATADA BA'AN EE ABAARUHU KU HAYAAN DEGAANADA GALMUDUG.

    Waxaa bilihii ugu dambeeyey ku soo kordhayey deegaanada Galmudug, dhibaatada ba'an ee abaaruhu ku hayaan dadka reer guuraaga ama xoolaleyda ah ee ku nool deegaanada Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa bilihii ugu dambeeyey ku soo kordhayey deegaanada Galmudug, dhibaatada ba'an ee abaaruhu ku hayaan dadka reer guuraaga ama xoolaleyda ah ee ku nool deegaanada Galmudug.

Dowladdu waxay u xilsaartay guddi soo indha indheeya xaaladaha abaareed ee ka jira dhamaan deeganada Galmudug iyadoo ay jiraan dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha xoogan ee ka jira deegaanka, abaarahan ayaa waxay saameeyn xoogan ku yeesheen dadka iyo duunyada, waxa ayna sababtay dhimashada xoolo farabadan iyo ceelashii oo biyo yareeyey, waxayna guddigu ku war bixiyeen in hadda dadku qarka u saaran yihiin dhimasho madaama aysan jirin biyo iyo baad lagaarsiiyey dadkii xooluhu ka dhamaadeen.

Intaas waxaa dheer barakac ku dhacay dadkii ay saameysay colaadda isbuucii ugu dambeeyey ay Sharwadayaashu ku hayeen deegaanada Dumaaye iyo Dabagalo halkaas oo kooxda UGUS kaga dheceen reer miyigii wixii ay xoolo haysteen, kagana gubeen agabkii iyo aqaladii ay lahaayeen, dadkaas reer guuraaga ah ayaa u soo barakacay deeganada Bacaadweyn, Baxdo, Camaaro iyo Cadakibir ayagoo cunno, xoolo iyo hoy ay gabaadsadaan toona haysan.

Dadka ay saameysay abaartu iyo kuwa ay abaartu ugu darsantay barakaca colaadda ayaa waxay u baahanyihiin gurmad ded deg ah, oo ay hadda ugu muhiimsantahay Baad, Biyo iyo Hoy, waxaana loo bahanyahay dadka ree Galmudug dibad iyo guhaba in si aan kala har lahaayn loogu gurmado dadkaas dhibaateysan.


Ugu danbeyntii Dowlada Galmudug waxay markale ugu baaqeysaa Dowlada Federaalka Soomaaliya, beesha Caalamka iyo Cidkasta oo ka naxaaysa dhibaatada xoogan ee haysata dadka abaartu iyo coladdu halakeysay in ay gurmad de deg ah lagaaraan.

Dhammaad
W/Q : Maxamud Cismaan Cabdulle (beereey)
tell 0615555054
Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug

©2016 Galmudug State of Somalia | Cadaado, Galmudug of Somalia



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip