Xasan Sheekh " Dad badan oo Saaxibadeey ah oo Booska Madaxweyninimada raba ayaa Kismaayo yimid dabcan anigana Ajandahaas igama marna"

0
Tuesday December 06, 2016 - 10:56:59 in Wararka by
  • Visits: 477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheekh " Dad badan oo Saaxibadeey ah oo Booska Madaxweyninimada raba ayaa Kismaayo yimid dabcan anigana Ajandahaas igama marna"

    Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha uu waqtigiisa uu dhamaaday ayaa cadeeyay safarkii uu ku tagay Magaalada Kismaayo inuu salka ku haayo arimo ku aadan Ololaha Musharaxnimada Madaxtinimada Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha uu waqtigiisa uu dhamaaday ayaa cadeeyay safarkii uu ku tagay Magaalada Kismaayo inuu salka ku haayo arimo ku aadan Ololaha Musharaxnimada Madaxtinimada Somaliya.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Xasan sababta uu u tagay Magaalada Kismaayo inay tahay saaxiibo badan oo Siyaasiyiin ah ujeedadii ay u tageen inay la xiriirtay, taasi oo ah loolanka Xildhibaanada Aqalka hoose iyo Aqalka sare ee deeganada Jubbaland.

Kismaayo waxaa ku sugan Xildhibaano Aqalka hoose oo tiradooda ay gaareyso 43 Xildhibaan iyo Xubno gaaraya 8 oo ah kuwa Aqalka sare loo doortay, wadarta guud waa 51 Xildhibaan, waxaana loolan loogu jiraa sidii loo kala jiidan lahaa Xildhibaanadaas.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu leeyahay Ajande Siyaasadeed oo mar kale uu ku doonaayo hogaaminta dalka Somaliya, xilli la wada xusuusto Afartii sano ee la soo dhaafay dalka waxa ka dhacay.

"Dadban oo Saaxibadeey ah oo Booska Madaxweyninimada raba ayaa Kismaayo yimid dabcan anigana Ajandahaas igama marna oo inaan dalka mudadii aan soo wadnay hormarka aan soo gaarnaya meeshiisa inaan ka sii wadno ayaan rabaa laakiin waxaan rabaa mida shaqsiga ah ee aniga inaan musharax ahay oo aan rabo Doorasho waa meesheeda mana qarsooneyn, laakiin mida aan rabo inaan ku faano dadka Somaliyed musharaxiin ayaa socda oo Siyaasiyiin maqaam Siyaadeed raba ayaa socda qoryo ma wato ajande Siyaasadeed ayuu wataa horay uma aysan jiri jirin.” Ayuu yiri Madaxweynaha

Todobaadkii la soo dhaafay Ra’iisul Wasaare Sharmaake ayaa ka sheegay Magaalada Kismaayo dalka inuu u baahan yahay isbedel hogaameed taasi oo ka cadheysiisay Madaxtooyada Somaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa doonayaa inuu xaqiijiyo codadka Xildhibaanada deeganada Jubbaland, balse arintaasi ayaa ah mid adag, sida ay sheegayaan Siyaasiyiinta qaar




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip