DAQARADA KA MUUQDA GURYAHA, KUWA DADKA KU YAALAA KA DARAN.!!=Faallo=

0
Tuesday December 06, 2016 - 10:32:38 in Maqaallo by
  • Visits: 988
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAQARADA KA MUUQDA GURYAHA, KUWA DADKA KU YAALAA KA DARAN.!!=Faallo=

    Dalka Soomaaliya waxa uu ahaa Sanadihii dowladnimada dal Awood ahaan, dhisma ahaan iyo Bulsha ahaanba u soo korayay,marka loo fiiriyo dalalka asaageen ah, dadkuna waxa ay ahaayeen dad dhawaan gumeysi ka xoroobay oo si weyn u xasuusta Halgankii loo so

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Soomaaliya waxa uu ahaa Sanadihii dowladnimada dal Awood ahaan, dhisma ahaan iyo Bulsha ahaanba u soo korayay,marka loo fiiriyo dalalka asaageen ah, dadkuna waxa ay ahaayeen dad dhawaan gumeysi ka xoroobay oo si weyn u xasuusta Halgankii loo soo maray Xoriyadda iyo Gobanimada iyo weliba isku duubnidii lagu dhaliyay Midnimadii iyo wadajirkii Soomaali weyn, xaqiiqdiina waxa ay aheyd taariikhdaasi mida suurtagalisay in shacabka Soomaaliyeed isku tashado oo uu dalkiisa ku dhisto Iskaa wax u qabso ,

dhamaan Iskoolada,Cisbitaalada,Wadooyinka, iyo dhismayasha Dowladda ee maanta dalka ka jira intooda badan waxaa gacan tooda ku dhisay iyagoo weliba ku faraxsan Waalidiinteen, mana jirin wax lacag ah oo lagu siinayay shaqadaas balse waxaa jiray waqtigaa dareen Wadaninimo iyo mid Dal jaceyl oo ku abuurnaa qof kasta oo Soomaaliya oo xiligaa joogay.

Dowladii Kacaanka oo howshaan iskaa wax u qabsada ah ka hirgalisay Soomaaliya kuna dhistay dhismayaal fara badan 0o qeyb weyn ka qaadanaya ilaa maanta bilicda dalka iyo nolosha Dadka, waxa ay iyadoo fulineysa mabda’eedii koowaad ee ahaa HOWL IYO HANTI WADAAG , inkastoo aan barigaa aqoon badan loo laheyn oo waqtiyadaan dambe gadaal laga ogaaday in Hantiwadaagu uu ahaa nidaam Shuuciya oo aan wanaagsaneyn oo ay noo soo waarideen Kaadiriyiin ka yimid Midowgaii Soofiyeeti uuna ahaa nidaam ka hanaqaaday dalal fara badan oo caalamka ah, hadana si bulshada loo jecleysiiyo waxaa loogu abaal guday dhididkii waalidiintaas in Ubadkooda iyo iyaguba ay wax ku bartaan laguna daweeyo si lacag la’aan ah Iskoolada iyo Cisbitaalada Dalka laga hirgaliyay.

Waxaa la ahaa waagaas bulsha han iyo himilo fog leh oo garaafkoodu kor u socday, bulsha isku xiran oo dhan kastoo laga eegaba isku qadarisa, marka laga soo tago Waalid,Walaal iyo Qaraabo waxaa xurma weyn loo hayay qof kasta oo kaa Da’ weyn, Dariska, Macalinka,Xididka, Saaxiibka iyo wixii soo raaca, Iska daa Martida iyo socotada oo qoyskii ka seexda lagu ceyn jiraye waxaa xataa si xushmad leh loola hadli jiray dadka Masaakiinta ah ee Tuugsada, oo erayada loo adeegsan jiray ay ka mid ahaayeen "”ADEEG ALLA IYO ALAHA NOO SAHLO”” ama hadii la awoodo si Ubadka loogu tarbiyadeeyo wanaaga sadaqada inta wax loogu dhiibo la oran jiray "MAANDHOOW U GEE MISKIINKA”, mana dhici jirin in gaadiidka dadweynaha qof weyn oo taagan uu qof yari kursiga ku fadhiyo waana tarbiyad ay bulshadu ka sineyd,

Sidoo kale dadku waxa ay ahaayeen kuwa xumaha wadajir ula dagaalama oo iska daa dharaarta cade hadii ay saqda dhexe dariska qeylo ka yeerto sida TUUG TUUG ama dagaal qoyska dhexdiisa ah qof walba oo maqla halkiisa ayuu uga soo gurman jiray weyna adkeyd in tuugada habeen socodka ahí ay si fudud uga muraadsadaan xaafadaha dhexdooda, sidoo kale inkastoo aysan badneyn oo la ceebsan jiray muranka qoys ee Habeenimo hadana hadii la is qabto xili dambe oo lagu soo kaco hadalkooda waa lagu soo bixi jiray loomana kala tagi jirin ilaa xal laga gaaro reerkaas,MAANTANA LA ISKUMA SOO GALO OO XAAL ALAA OG.

Dhanka kale waalidiintu Ubadkooda walwal badan kama qabin, waayoo iska daa xumaan kalee hadii la arko Gabadhoodii oo Wiil wadada la taagan ama gurigiisa la joogta ama Wiilkoodii oo fal xun sameynaya inta aaney ogaanba waalidkood waxaa markiiba canaan iyo dagaal ku qaadi jiray waalidiinta kale ee dariska ah ,hadii markale lagu arko falkii oo kalena waxaaba loo gudbin jiray Waalidka dhalay oo isaguna ahaa mid ay adag tahay inaad ka nabad gasho,dhaqankaas ayaana sabab u ahaa in ay caruurtu ku barbaaraan nolol dagan oo ixtiraam iyo kala dambeyn leh, sidoo kale barigaa hadii caruurtu is dagaasho waxaa kala canaanan jiray hadba waalidkii ama qof kaloo weyn oo ku soo hor mara iyadoo markaana ay sugeyso canaantii waalidkiis iyo tii macalinka Dugsiga oo barbaarinta ubadka door weyn ku lahaa marka ma sahlaneyn in dagaal lagu dagdago, MAANTANA MACALINKA DUGSIGAA LALA DAGAALAA.”Subxaanalaah”

Dadku Miyiga mooyee Magaalooyinka Qabiilka kuma dhaqmi jirin ee waxa ay yaqaaneen Qaran iyo Soomaalinimo, waxa ayna lahaayeen Soomaalidu Qab ay kaaga duwanaayeen bulshada kale oo Rabaaniya, bal u fiirso, Dadyowga kale hadii Ruux Hooyo ah oo ilma yar sidata ay Buska ama tareenka soo raacdo Ilmaha yare ay sidato qof kasta waa ay u dhiiban kartaa si uu u caawiyo mana diidayo ilmuhu qofka kale ee qabtay, balse Caruurta Soomaalidu way adag tahay in qof aan Hooyadood aheyn ama aanuu bar garaneyn ay qabato waayoo durba waa ay jir diidayaan oo waxaa ku jira Qab Alla ku abuuray hadii lagu qasbana waxa ay dareenkooda ku muujiyaan oohin, tan kale iska daa qof aysan aqoone yaraanka reerku ma ogola in dhabta Hooyadiis ilmaha kale ee la dhashay ay ku fadhiistaan oo waa uu ka dagaalamaa.

Qabka Soomalida Alle uu ku beeray ma aheyn mid Caruurta oo kaliya ku koobneyd ee wuxuu ahaa mid ka muuqday Qof kastoo Soomaaliya aan soo qaato sheekadaan oo uu buugiisa DHAQANKA SOOMAALIDA ku qoray Dr Saadaq Eenoow, taasoo dhacday xiligii Gumeystaha Ingiriisku uu ka talinayay Gobolada waqooyi ee Soomaaliya;- ”Jeneral Douglas Jordin , oo ahaa ninkii jebiyay Daraawiishta, buugiisa The Mad Mullah, wuxuu ku qoray mar uu sarkaal Ingiriis ahi uu su´aal waydiiyay nin miyiga geel ku raacda oo magaalada Berbera yimid.


Sarkaalkii : Dadka dunida ku nool yaa ugu sareeya ? .
Geel-jirkii : Soomaalida iyo Ingiriiska.
Sarkaalkii : Yaa ku xiga ?.
Geel-jirkii : Carabta.
Sarkaalkii : Haddii idinka iyo annaga aanu simanahay, sidee bay u suuragashay in aanu idiin imaano oo aanu maamul idiin samayno.
Geel-jirkii : Fursad ayaad hesheen oo keliya. Haddaan annagu fursaddaa heli lahayn, annaga ayaa idiin iman lahayn,””..

Sifahaas iyo tusaalooyin kaloo aan u soo qaatay Qormadeyda iyo kuwa kaloo ka dhacay dagalkeenaba waxay noo muujinayaan Qabkii ay laheyd Soomaalidu iyo sida ay iskala weynaayeen dadyowga kale ee dunida, xaalad kastooy ku jireena Soomaalidu waxa ay aheyd kuwa neceb Gumeysiga iyo baryada shisheeyaha kuna faana Soomaalinimada Sida laga dhadhansan karo Suugaanta AUN Abwaan YamYam:-

” Ninkaan teydu soli Karin, Uma yeelo siduu rabo, Sida dunida qaarkeed , Sanduleynta ma ogoli,Nina kabaha uma sido,Ninka iga sad roonoow, Siintaada magaca leh, Ogoow kaama sugayee, Hana oran sasabo badow, Dareen seexda ma lihiye, SOOMAALI BAAN AHAY.

”= Hadda halkaa yaanan ku fogaan waayoo gudbe maal mahaasi iyo wixii la soo ahaaba ee aan u leexdo docda kale.=

Wixii ka danbeeyay Sanadkii 1991-dii ayuu si muuqata u soo shaac baxay Burburka Soomaaliya, inkastoo lagu kala aragti duwan yahay Sababaha keenay burburka ku dhacay Soomaaliya si kastaba haku yimaadee , waxa uu xaalku faraha ka sii baxay markii Colaadii Miyiga loo soo raray magaalooyinka, dagaalkiina uu noqday dagaal Siyaasadeed oo Qabiilku garwadeen u yahay, markaasna waxaa dhacay wixii dhici lahaa, oo ah Dhimasho, Dhaawac, barakac iyo in Dowladnimadii meesha ka baxdo sidoo kale in hubkii iyo xarumihii dowladu u gacan galaan shacabka , in keydkii iyo Taariikhdii Umaddu lunto iyo la burburiyo dhismayaashii iyo bilicdii Magaalooyinka, Dalkuna wuxuu noqday wixii markaa ka dambeeyay mid dhex muquurtay colaado aan dhamaad laheyn oo taxane soo ahaa.

Halkaa markeey taagan tahay runtii Qaran jabkii nagu dhacay waxaa nooga darán Qab jabka nagu dhacay, waayoo wixii markaa ka danbeeyay waxaan aheyn HILBO HAADDA U WARAN, waxaana markii aan is wada dubanay oo cududeenii is cuntay gees walbana colaadu gaartay uu noqday waxa aan ka dhaxalnay wixii laga dhaxlay oo ahaa in dalkii iyo dadkiiba isla burburaan, markase labadaa burbur aan eegno waxaan shaki ku jirin in dal burburay dib loo dhisi karo hadii nabad yar la helo balse ey adag tahay sida dib loogu dhiso Bulsho dhaqan ahaan Diin ahaan,akhlaaq ahaan,Qiyam ahaan iyo nolol ahaanba u burburay, oo magan u noqotay cadowgoodii markey iyagu is aamini waayeen dabadeedna uu u helay fursad uu ku kala qeybiyo kuna sii kala fogeeyo.

Bal u fiirso Soomaaliya dhib kastoo ay soo martay waxaa maanta meelaha nabada ah ka socda Ganacsi aad u balaaran, waxaa dib loo dhisayaa Dhismayaashii dagaalada ku burburay iyo kuwa hor leh oo casriya,Waxbarasho, Caafimaad,Tiknoolajiyad, iyo dhaqdhaqaaqya kaloo fara badan oo ku cajab galinaya, weliba qofkii ku cabir qaata quruxda dhismayaasha badan ee laga dhisayo Soomaaliya waxa uu rumeysanayaa in ay Soomaaliya dib u soo noqotay, balse hadii aad Maskax fog ku eegto dhanka bulshada oo aaney jirin cid u taagan dib u soo dhisideeda iyo halka aan maanta ka taagan nahay…Sida Xurmadii Diinteena Suuban AY qaarna uga baxeen qaarna isugu dilayaan, Sida loo dayacay Soomaalinimadii, Sida loogu kala tagay Midnimadii, Sida Dhaqankii iyo Is aaminkiiba u lumay, Sida Damiirkii iyo Dadnimadii aan uga dhimanay, Sida Wadaniyadii,Qabkii iyo Dal jaceylkii aan u xoornay, Sida loo sii kala fogaanayo, Sida shisheyaha loo daba socdo, Sida danteenii iyo Dalkeeniiba aan martida uga nahay, Sida Cadowgeenu noo bahdilayo, Sida Naxariistii looga tagay, Sida isku xirnaantii,Xishoodkii ,iyo Ixtiraamkiiba looga aradan yahay, Sida Gaalada loogu tartamayo la isuguna jaajuusayo ,Sida dadkeenu dunida ugu dayacan yahay, iyo Sida wax kastoo aan aheyn Colaadda ka hor looga dheelmaday waxaad oran laheyd…… "DAQARADA KA MUUQDA GURYAHA, WAXAA NOOGA DARAN KUWA KU YAALA DADKEENA”.!!!

WQ/= Abdulkadir Dulyar
Dulyar23@gmail.com
Soomaaliya/Muqdisho



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip