Doorashada Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi oo maanta ka dhaceysa Xarunta Gaadiidka Booliska

0
Tuesday December 06, 2016 - 10:15:56 in Wararka by
  • Visits: 438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi oo maanta ka dhaceysa Xarunta Gaadiidka Booliska

    Doorashada Aqalka Hoose ee xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa maanta lagu wadaa inay ka bilaabato magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashada Aqalka Hoose ee xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa maanta lagu wadaa inay ka bilaabato magaalada Muqdisho.

Xubno ka tirsan Guddiga doorashada heer federaal ayaa xaqiijiyay in doorashada xubnaha gobolada waqooyi ka dhici doonto Xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis.

Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa codsaday in doorashada loo wareejiyo xarunta Xalane ee Taliska u ah AMISOM, iyadoo uu soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha oo ku baaqday in la tixgeliyo codsiga Odayaashaas.

Hase ahaatee Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal ayaa diiday in wax laga bedelo halkii horay loo qorsheeyay in doorashada ka dhacdo oo ah Xarunta Gaadiidka Booliska, iyagoo diiday in loo wareejiyo Xarunta Xalane.

Xarunta Gaadiidka Booliska ayaa horay uga dhacday doorashada xubnaha ka soo jeeda Beelaha Banaadiriga iyo mid ka mid ah doorashada kursiga Aqalka Hoose ee Dir-ta Koofur.

Saraakiil ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Xafiiska UNSOM ayaa dadaal ugu jiray sidii Xarunta Xalane loogu soo wareejin lahaa doorashada xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku loolamaya xubnaha Dirta waqooyi oo loo arko tirada ugu badan ee xubnaha Labada Aqal ka imaanaya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip