Jawaari "Wax dowlad goboleed la yiraahdo ma jiraan, waa Maamul Goboleedyo KMG ah oo lagu dhisay…"

0
Monday August 31, 2015 - 13:06:01 in Wararka by
  • Visits: 915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawaari "Wax dowlad goboleed la yiraahdo ma jiraan, waa Maamul Goboleedyo KMG ah oo lagu dhisay…"

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in aanu dalka ka jirin dowlad goboleedyo, isagoo ku tilmaamay maamul goboleedyadii dhowaan la sameeyay inay ahaayeen kuwo go'aan siyaasi ah oo aan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in aanu dalka ka jirin dowlad goboleedyo, isagoo ku tilmaamay maamul goboleedyadii dhowaan la sameeyay inay ahaayeen kuwo go'aan siyaasi ah oo aan sharci aheyn lagu dhisay. Guddoomiye Jawaari oo shalay su’aalo lagu weydiinayay shir wada tashi ah oo looga hadlayay dib u eegista Dastuurka ayaa sheegay in wax badan la isku qaldo oo ah dowlad goboleed iyo maamul goboleed, taasna aanay wax sax ah aheyn.

"Hal arrin horta aan si fiican u fahano, waxaa jira raadiyayaasha iyo siyaasiyiinta inay wax badan qaldayaan, anaga arrimahan waxaa ku fiirinaa indhaha dastuurka iyo indhaha sharciga qofna ma dooneyno inaan ka careysiino, qofna ma dooneyno inaan ka qosolsiino, wax la yiraahdo dowlad goboleed ma jiraan”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.


Mr Jawaari ayaa sheegay in Puntland loogu yeero karo dowlad goboleed, maadaama dastuurkan hada la sameeyay ka horeysay, balse looga baahan yahay in waxyaabaha yar ee dastuurka ka dhiman la is waafajiyo.

"Wax la yiraahdo dowlad goboleedma jiraan, sharciyan oo aan ka aheyn Puntland oo ka horeysay dastuurkan inta aan la sameyn, ayadana ay ka dhiman tahay waxyaabo yar dastuurka ah, inta kale ee sameysmay waa maamul goboleedyo KMG ah oo lagu dhisay go’aan siyaasi oo aan wax sharci ku fadhin”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Ku simaha Madaxweynaha.

Hadalka ka soo yeeray Guddoomiye Jawaari ayaa ku soo beegmaya, iyadoo haatan ay meel gabo gabo marayaan dhismaha maamul goboleedyada, iyadoo maamulada qaar ee dalka ka jira xilligan isu arkaan sidii dowlad ka awood badan dowladda dhexe oo kale.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip