Munaasabad lagu heshiisiinayay labo beel oo ka dhacday degmada Warshiiq

0
Monday August 31, 2015 - 13:02:23 in Wararka by
  • Visits: 976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabad lagu heshiisiinayay labo beel oo ka dhacday degmada Warshiiq

    Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo loogaga dhowaaqay heshiis laga gaaray khilaaf soo kala dhex galay beelo dega deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe ayaa lagu qabtay degmada Warshiiq ee gobolka Sh/dhexe. Munaasaabadan ayaa waxaa ka qeybgalay guddo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo loogaga dhowaaqay heshiis laga gaaray khilaaf soo kala dhex galay beelo dega deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe ayaa lagu qabtay degmada Warshiiq ee gobolka Sh/dhexe. Munaasaabadan ayaa waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha gobolka Banaadir General Xasan Xuseen Muungaab,guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen Cali Guudlaawe, qaar ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Sh/dhexe,Duubab dhaqameedyo,nabadoono iyo waxgarad kale. Khilaaf soo kala dhex galay labadan beelood ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac iyo weliba qoysas badan inay ka barakacaan deegaanadooda. Wadahadlo socday muddo toddodaab ah oo ka dhacay magaalada Jowhar ayaa labadan beel waxa ay ka heshiiyeen khilaafka soo kala dhex galay oo asalkiisu ahaa dhul.

Qodobada heshiiska ay gaareen labada beel ayaa waxaa ka mid ahaa in la soo celiyo walaalnimadii iyo derisnimo wanaagii u dhexeeyay labada beel,in shareecada islaamka lagu dhaqo labada beel,in wixii hore u dhacay la iska cafiyo iyo qoddobo kale.

Munaasabada lagu gaaray heshiiska ayaa waxaa goobjoog ka ahaa isla markaana labada beel kula dardaarmay in ay ka dhabeeyaan heshiiska ay gaareen duubab dhaqameed ay ka mid ahaayeen Imaam Maxamed Yuusuf Cali,Ugaas Maxamuud Ugaas Cali,Malaaq Cali Malaaq Maxamed.

Heshiiskan ayaa garwadeen waxaa ka ahaa guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen(Cali Guudlaawe) waxana guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe uu abaabulay shir dib u heshiisiin ah oo lagu qabtay magaalada Jowhar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip