Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Guddiga Abaaraha oo diray qaylo dhaantii ugu xooganeyd ee dhanka abaaraha

0
Saturday November 26, 2016 - 12:13:07 in Wararka by
  • Visits: 522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Guddiga Abaaraha oo diray qaylo dhaantii ugu xooganeyd ee dhanka abaaraha

    Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna gudoomiyaha guddiga abaaraha Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cadulaahi Cumar Camey oo ay wehelinayaan gudiga abaaraha Punrland ayaa maanta 26 November 2016 baaq u diray ummadda soomaliyeed gaar ahaan shacab reer p

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna gudoomiyaha guddiga abaaraha Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cadulaahi Cumar Camey oo ay wehelinayaan gudiga abaaraha Punrland ayaa maanta 26 November 2016 baaq u diray ummadda soomaliyeed gaar ahaan shacab reer puntland sidii loogu soo gurman lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha ayaa ka warbixiyey xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland, waxaana uu sheegay madaxweynuhu in xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland ay tahay tii ugu xumayd ee soo marta abid Soomaaliya, Puntland-na ay tahay meesha keliya ay samaynta ugu badan ku yeelatay abaartu, halakaysayna dadkii iyo duunyadiiba.

Sidoo kale kusimaha madaxweynuhu waxaa uu ugu baaqayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland, ha’yadaha ka shaqeeya sama falka, beesha caalamka iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta gurmadka abaaraha in ay si deg-deg ah uga qayb qaataan gurmadka abaaraha ee loo fidinaayo dadka abaaruhu aafeeyeen.

”ujeedada aanu u qabanayno baaqani waa laba mid oo muhiima tan hore waxaanu caalamka tusaynaa in Puntland ay u midaysantahay dhibtaan haysata Guud ahaan reer Puntland, ujeedada labaadna waxa ay tahay is baraarujin qafkasta meel kastuu joogo dalka gudihiisa iyo debediisaba inuu aqoon san yahay maanta inaanay jirin wax lala hadhaa, sidaa awgeed waxaan leeyahay alleh colaada nabad haynoogu bedelo abaartana aaran alleh haynoogu bedelo, waxanu wax ka qaban doonaa insh allah wax badan oo sahlaya in lagaga gudbo abartan daba dheraatay oo ay kow ka tahay yaraynta qiimaha biyaha iyo wax kasta oo aasaas u ah nolosha bini aadamka, ugu danbayn waxaan baaq u diraynaa ummada soomaliyeed gaar ahan kuwa reer Puntland, ha’yadaha ku hawlan bini aadanimada, beesha calamka iyo cid kasta oo ka qayb qadan karta gurmadkan loo fidaano dadka abaaruhu saameeyen in laga wada qayb qaato si degdega”ayu yiri Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland .

Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Puntland Maxamed Caydiid Jaamac ayaa isna sidoo kale baaq u diray ganacsatada Soomaaliya iyo kuwa reer puntland inay ka qayb qataan xaaladda abaareed ee ka jirta dalka, sidoo kale waxaa uu tibaaxay in nolosha dadka Soomaliyeed ay ku xiran tahay baadiyaha maantana ay la il daran yihiin abaar saamayn xooga ku yeelatay, waana inagu waajib buuyiri inaan ka wada qayb qaadano gurmadka.

Culimada qaybta ka ah gudiga abaaraha Puntland aya iyana dhankooda sheegay in alleh subxanahuu watacaalah inagu waajib yeelay inaan is caawino, maanta alleh inagu intixaamayo abaarta saamaysay dadkeena tamarta yar




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip