Yaa ku tartamaya doorashada Aqalka Hoose ee maanta ka dhaceysa Jowhar (Akhriso magacyada)

0
Saturday November 26, 2016 - 11:58:32 in Wararka by
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa ku tartamaya doorashada Aqalka Hoose ee maanta ka dhaceysa Jowhar (Akhriso magacyada)

    Doorashada kuraasta Aqalka Hoose ee Hirshabeelle ayaa maanta lagu wadaa inay dib uga bilaabato magaalada Jowhar, kaddib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay ay hakad gashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashada kuraasta Aqalka Hoose ee Hirshabeelle ayaa maanta lagu wadaa inay dib uga bilaabato magaalada Jowhar, kaddib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay ay hakad gashay.

Illaa afar kursi ayaa maanta lagu tartamayaya, kuwaasoo labo ka mid ah ay yihiin kuraasta Beelaha Harti Abgaal, iyadoo maalmihii la soo dhaafay cadaadis lagu saarayay in labada kursi midkood haween kaliya ku tartamayaan, balse dalabkaas ayaa waxaa ka soo horjeestay Imaamka Abgaal.

Labada kursi ee beelaha Harti Abgaal ee kala ah Agoonyar iyo Harti Abgaal ayaa waxaa ku tartamaya siyaasiyiin caan ah, Xildhibaano hore iyo dad cusub.

Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Harti Abgaal/Agoonyar ayaa ah kursiga ugu adag ee lagu tartami doono, waxaana u sharaxan illaa lix musharax oo labo ka mid ah ay haween yihiin.

Tartanka ugu adag ayaa dhex marti doona Wasiiru dowlaha Maaliyada C/llaahi Maxamed Nuur, Bashiir Caddow Calasow oo difaacanaya kursigan iyo Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, waxaana loo badinayaa in saddexdan Musharax ay yihiin kuwo ugu saameynta badan, midkoodna laga yaabo inuu guuleysan doono.

Sidoo kale Kursiga kale ee Beesha Harti Abgaal/Owbakar ayaa waxaa ku tartamaya afar musharax oo labo ka mid ah ay yihiin haween, waxaana ka mid ah Maxamed Abukar Islow (Ducaale, Xaliimo Cali Cariif, Cumar C/qaadir Axmed (Cumar Shariif) iyo Madiina Caamir Maxamed.

Kursigan ayaa ahaa mid ay dood ka taagneyd, lagu cadaadinayay in haween kaliya ku tartamaan, waxaana cadaadiska uu ka imaanayay Ururka Haweenka Qaranka, Madaxtooyada iyo Xafiiska UNSOM.

Labada Kursi ee kale ee maanta lagu tartami doono ayaa waxay kala yihiin sidan:-

Kursiga Beesha Udeejeen:- Cusmaan Maxamed Cabdi, Maryan Axmed Cabdulle, Caasho Cumar Axmed

Kursiga Beesha Gaaljecel Barsane:- C/sataar C/salaan Sheekh Xasan Barsane, Xasan C/llaahi Maxamed, Maxamed Yaaquub Xasan, Mustaf Sheekh Cusmaan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip