Qaramada Midoobey, Midowga Africa, dowladaha ku bahoobey IGAD, Itoobiya Italy, Sweden, Ingiriiska, iyo Mareykanka ayaa waxay bogaadiyeen tallaabooyinkaasi horumarka leh ee guddiyada ay qaadeen, waxay kaloo sheegeen in guddiga doorashada ay howshani qabteen iyaga oo raacaya shuruucdii doorashada 2016-ka kuwaas oo ay soo hageen madasha Qaranka, looguna talogalay in looga hortago wax walbo oo musuq iyo farogelin ah, kuwaas oo lagu fuliyey shaqsi walbo oo loo arkay inuu ku isticmaalayo waddooyinkaasi qaldan.
Ugu dambeyn War-saxaafadeedka ayaa lagu codsadey in loo hoggaansamo go’aanadii madasha qaranka ee ahayd qoondada haweenka ee 30%.
Guud ahaan dalka waxaa ka socda doorashada xubnaha aqalka hoose, taasi oo la filayo in mar dhow ay soo gebogebowdo.
Beesha caalamka oo soo dhaweysay tallaabadii Musharaxiinta qaar Aqalka hoose looga reebay
Qaramada Midoobay iyo beesha Caalamka ayaa waxay amaaneen tallaabadii uu qaadey guddiga doorashada Somaliya, taas oo tartanka looga reebayo qaar kamid ah musharraxiinta oo lagu eedeeyey in ay ku lug lahaayeen musuq maasuq iyo arrimo wax is dabomarin