MSF oo walaac ka muujisay Abaaraha ka jira Soomaaliya
MSF ayaa sheegtay in abaaraha Soomaaliya ay kasii daraayaan , islamarkaana kumaanaan qof ay qarka u saaran yihiin in ay u dhinteen abaaraha ka jira Soomaaliya.
"waxyaabaha nagu khasbay inaan aan soo safarno waxaa ka mid ah inaan aan sanadyadii lasoo dhaafay aanan arag roob nagu filan , mana jiraan wax dalag ah oo kasoo go’ay beeraheena , taasoo ay noo dheertay dagaalada ka socda Soomaaliya ” sidaad waxaa yiri Maxamed oo ka mid ah dadka abaaraha Soomaaliya naftooda kala cararay.
MSF ayaa sidoo kale sheegay in dadka gaaray dalka Itoobiya badankood ay kasoo carareen gobolada Bay , Bakool , iyo sidoo kale gobolka Gedo.
Abaaraha Soomaaliya ayaa kasii daraya waxaana ay sababeen in dad badan ay naftooda ay dalka kala cararaan, madaam aysan helin gargaar.
MSF oo walaac ka muujisay Abaaraha ka jira Soomaaliya
Hay'adda Dhaqaatiirka aan xuduuda la heyn ee MSF ayaa sheegtay in qaxooti Soomaaliyeed oo aad u farabadan ,kuwaa soo ka cararay abaaraha ka jira Soomaaliya in ay ka talaabeen xuduudka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Ethopia , islamarkaana ay g